Maxaan ka ognahay marwada hoggaamiyaha Suuriya ee hadal-haynta dhalisay?

Intii lagu guda jiray soo dhaweynta ay xaaska madaxweynaha Turkiga, Amiina Erdogan, u sameysay dhiggeeda Suuriya, Latiifa Al-Durubi,

Xigashada Sawirka, Emine Erdoğan X

Qoraalka sawirka, Intii lagu guda jiray soo dhaweynta ay xaaska madaxweynaha Turkiga, Amiina Erdogan u sameysay dhiggeeda Suuriya, Latiifa Al-Durubi,

Magaca Latiifa Samiir Al-Durubi, oo ah xaaska madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee dowladda Cusub ee Suuriya, ayaa markii ugu horreysay soo muuqday horraantii bishan Febraayo, markii lagu arkay iyada oo la socota Axmed Al-Sharac mar ay booqasho rasmi ah ku tageen Sucuudiga iyo Turkiga.

Soo ifbaxeedu waxa uu dhalisay xiisayn warbaahineed, gaar ahaan maadaama aysan horey u ahayn mid shaac baxsan oo la yaqaanno.

Horey, Axmed Al-Sharaa ayaa wareysi uu siiyay kanaalka "Al-Arabiya" ku sheegay in noloshiisu aysan degganeyn; wuxuu ku noolaa meelo kala duwan, oo ay ku jirto nolol buuralley ah isaga iyo xaaskiisa, sababo la xiriira xaaladihii uu soo maray.

Ka hor inta aysan Latiifa Al-Durubi si rasmi ah u soo shaac-bixin, dhakhtaradda Suuriyaan-Ameerikaanka ah iyo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed, Reem Al-Bazam, ayaa waraysi ay siisay kanaalka "Al-Sharq" ku sheegtay in kulan dhawaan ka dhacay Dimishiq uu dhexmaray wafdi haween Suuriyaan ah oo Mareykanka ku nool iyo Axmed Al-Sharac, ka hor inta uusan xilka madaxweynaha la wareegin. Waxay sheegtay in haweenku aqoonsadaan xaaska Al-Sharaa maalintaas laakiin kama ayna soo qaybgalin kulanka.

Soo muuqashadii ugu horreysay ee dadweynaha hortooda

Soo muuqashadii ugu horreysay ee Latiifa Al-Durubi ee dadweynaha hortooda ayaa soo jiidatay warbaahinta markii ay la socotay madaxweynaha kumeelgaadhka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, xilli ay ku sugnaayeen Maka intii ay booqashada ku tageen Sucuudiga, halkaas oo ay gutaan cibaadada Cumrada. Muuqaallo laga duubay xilligaas ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.

Intaas kadib, lammaanaha ayaa u safray Ankara, halkaas oo Latiifa Al-Durubi ay la kulantay Amiina Erdogan, xaaska madaxweynaha Turkiga. Amiina Erdogan ayaa sawir ay wada galeen ku daabacday boggeeda "X".

Amiina Erdogan waxay sheegtay in ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha gargaarka bani'aadamtanimada, xoojinta doorka haweenka, isgarab-taagga bulshada, iyo waxbarashada.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa labadii booqasho ee ugu horreysay ee rasmi ah ee uu Axmed Al-Sharaa sameeyo tan iyo markii uu xilka madaxweynaha kumeelgaadhka ah ee Suuriya la wareegay dhammaadkii Janaayo 2025.

Xilliga cumrada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xilliga cumrada

Asalka qoyska iyo waxbarashada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wali ma jiraan xog la xaqiijiyay oo ku saabsan marwada koowaad ee Suuriya, balse qaar ka mid ah wargeysyada iyo warbaahinta ayaa bilaabay inay faafiyaan faahfaahin la xidhiidhka qoyskeeda iyo nolosheeda.

Wargeyska Sacuudiga ah ee Okaz wuxuu tilmaamay in Latiifa Samiir Al-Durubi ay kasoo jeedo magaalada Al-Qaryatayn ee gobolka Xoms, isla markaana ay tahay hooyo leh saddex wiil.

Wargeysku wuxuu xusay, isagoo soo xiganaya "ilo aan rasmi ahayn", in ay heysato shahaadada Master-ka ee luqadda Carabiga iyo suugaanta.

Qoyska ay kasoo jeedo Latiifa Al-Durubi waxaa ka mid ah shakhsiyaad caan ah oo diinta ku xeel dheer, sida Sheekh Cabdul Ghaffar Al-Durubi, oo ka mid ahaa Qur'aanka-akhriyayaasha caanka ah ee Suuriya, kaasoo ku geeriyooday Jiddah sanadkii 2009.

Wargeyska Al-Monitor, oo ka mid ah warbaahinta Maraykanka ee si qoto dheer u falanqeeya arrimaha Bariga Dhexe, wuxuu xusay in qoyska Al-Durubi uu asal ahaan xidhiidh la leeyahay xilligii Cusmaaniyiinta.

Sida laga soo xigtay warbixinta, Awowgeed Ala'addin Al-Durubi wuxuu ka mid ahaa diblomaasiyiinta waaweyn, isagoo mar noqday safiir u shaqeeya dawladdii Cusmaaniyiinta. Sidoo kale, wuxuu noqday ra'iisul wasaarihii labaad ee Suuriya sanadkii 1920, balse waxaa la dilay 26 maalmood kaddib markii uu xilka la wareegay.

Magaalada Xumus

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xumus

Sidee ayay Suuriyaanku uga falceliyeen soo muuqashadeedii ugu horreysay?

Soo muuqashadii ugu horreysay ee Latiifa Al-Durubi waxay dhalisay falcelin ballaadhan oo ka dhacday baraha bulshada, iyadoo magaceedu noqday mid ka mid ah ereyada loogu raadinta badan yahay qaar ka mid ah mareegaha internet-ka.

Jilaa iyo filim-sameeyaha Suuriyaanka ah, Waacad Al-Khatiib – oo ah soo saaraha filimka For Sama – ayaa muujisay dareenkeeda ku aaddan Latiifa Al-Durubi, iyada oo tidhi: "Aad ayaan u jeclaaday runtii… Waan ruux cajiib ah… Way qurux badantahay… Way inoo egtahay, isla markaana inooma eka "oo ma in aan isu wada ekaanaa?… Way ina metalaysaa, haddana nama matalayso… oo ma qof baa jira metala qof walba?"

Waxay intaas ku dartay in marxaladda soo socota aysan u fududaan doonin Latiifa Al-Durubi iyo cid kasta oo la socota, iyada oo ugu baaqday bulshada in aysan saarin filashooyin aan macquul ahayn kahor inta aysan si rasmi ah u hadlin ama mowqif cad qaadan.

Filim-sameeyaha Ziyaad Kulthuum – oo ah soo saaraha filimka Al-Raqiib Al-Khaalid – ayaa aaminsan in falcelinta degdegga ah ee sawirradeeda iyo muuqaalka la faafiyay ay muujinayso xaqiiqda bulsho ee Suuriya. Wuxuu yiri: "Labo sawir iyo hal muuqaal keliya ayaa ku filnaaday in bulsho jilicsan ay sheekooyin ka curiyaan Latiifa, ay ka hadlaan anshaxeeda iyo dhaqankeeda, iyada oo aan weli hal eray ku hadlin."

Dhinaceeda, Khawla Barghuuth ayaa ka hadashay doodda ku saabsan muuqaalkeeda, iyadoo tiri: "Annagu waxaan aaminsanahay xuquuqda haweenka, sidaas darteed dharkeeda arrin noo ahaan mayso… Waa xaqeeda inay xidhato waxa ay ku raaxaysato, balse bal ka fiirsada haddii ay soo muuqan lahayd iyadoo niqaab xiran?"

Dhinaceeda, Reem Asiil waxay aaminsan tahay in sababta dad badan ugu arkeen Latiifa Al-Durubi inay tahay "muuqaalka haweeneyda Suuriyaanka ah" ay tahay in ay matalayso, sida ay hadalka u dhigtay, "haweenka caadiga ah ee Suuriyaanku maalin kasta ee ay maalin kasta ku arkaan waddooyinka, suuqyada, iyo gaadiidka dadweynaha, balse aan weligood helin metelaad muuqaal ah oo ay ku yeeshaan meelaha awoodda lagu leeyahay."

Asal Cusmaani ah

Qaar ka mid ah wargeysyada Turkiga ayaa ka hadlay "asalka Cusmaaniga ah" ee xaaska Axmed Al-Sharaa. Sida laga soo xigtay wargeyska Türkiye Gazetesi, Latiifa Al-Durubi – oo warbaahinta qaarkeed hadda ugu yeeraan Latiifa Al-Sharaa – waxay ka soo jeeddaa qoys Suuriyaan ah, "waxayna tahay farcaan ka dhashay diblomaasigii Cusmaaniyiinta, Ala'addin Al-Durubi," sida uu wargeysku sheegayo.

Wargeysku wuxuu xusay in Latiifa Al-Durubi ay dhalatay sanadkii 1984, sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ka tirsan tahay qoyska Al-Durubi ee deggan magaalada Al-Qaryatayn oo ka tirsan gobolka Xoms, halkaas oo qoyskeedu xiriir la lahaa siyaasadda ilaa xilligii Cusmaaniyiinta.

Awoowgeed, Ala'addin Al-Durubi, wuxuu qabtay xilal kala duwan oo ka mid ahaa maamulka Cusmaaniyiinta. Wuxuu ku dhashay Xoms bartamihii toddobaatanaadkii qarnigii 19-aad, wuxuuna ka dhashay qoys maalqabeen ah.

Aabihiis wuxuu dhowr jeer soo noqday duqa magaalada Xoms. Ala'addin wuxuu waxbarashadiisa hoose ku qaatay Tripoli iyo Beyruut, kadibna wuxuu ku biiray dugsiga boqortooyada ee Istanbul, oo maanta loo yaqaan Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Istanbul. Halkaas ayuu ku bartay caafimaadka iyo siyaasadda isku mar, sida wargeysku sheegay.

Wargeyska – oo caan ku ah taageerada siyaasadda dowladda Turkiga – wuxuu intaas ku daray in Ala'addin Al-Durubi uu noqday mas'uul sare oo ka tirsan dawladdii Cusmaaniyiinta.

Wuxuu shaqadiisa ka bilaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kadibna wuxuu ka shaqeeyay maamulka gobolka Suuriya. Wuxuu xilal kala duwan ka qabtay maamulkii Cusmaaniyiinta, isagoo soo noqday waaliga (guddoomiyaha) gobollada Kosovo iyo Basra, sidoo kale wuxuu u shaqeeyay sidii safiirka Cusmaaniyiinta ee Balkan iyo Yemen.

Kadib markii ay Cusmaaniyiintu ka baxeen Suuriya (kaddib guuldarradii dagaalkii koowaad ee aduunka), Ala'addin Al-Durubi wuxuu ku laabtay Dimishiq, halkaas oo uu daacad u noqday Boqor Faysal I intii lagu guda jiray tobanaadkii qarnigii 20-aad.

Faysal wuxuu u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, kadibna wuxuu noqday Ra'iisul Wasaarihii labaad ee Suuriya xilligii gumeysiga Faransiiska. Hase yeeshee, xilkaas waxuu hayay kaliya hal bil, maadaama lagu dilay 21-kii Ogosto 1920.