Dadkii Caanka ahaa ee Afrika ka geeriyooday 2025

Xigashada Sawirka, BBC/GETTY/REUTERS
Sanad walba waxa uu wataa waayihiisa, dunida oo dhan waxaa ka baxay dad saameyn lahaa ama caan ahaa, qaarad ahaan marka aan eegno Afrika waxaa ka geeriyooday shakhsiyaad Afrikaan ah oo si weyn loo yaqaanay, kuwaas oo isugu jiray ciyaartooy, siyaasiyiin, fanaaniin, qoraayaal iyo dad kale.
Muhammadu Buhari

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muhammadu Buhari waxa uu ku dhashay bishii Diseembar 1942 magaalada Daura ee gobolka Katsina, waqooyiga fog ee Nigeria, una dhow xadka Niger, waxa uuna geeriyooday 13-kii Luulyo 2025.
Waxa uu ahaa janaraal iyo siyaasi reer Nayjeeriya ah, kaas oo dalka hoggaamiyay isagoo ahaa hogaamiyaha militariga intii u dhexeysay 1983 ilaa 1985, kaddibna waxa uu noqday madaxweyne rayid ah oo si dimoqraadi ah loo doortay intii u dhexeysay 2015 ilaa 2023.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Raila Odinga

Xigashada Sawirka, Reuters
Siyaasigii Kenyaanka ahaa; waxa uu soo qabtay xilka ra'isul wasaarenimo intii u dhaxeesay 2008-2013, waxa uu ahaa ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu saamaynta badan uguna cimriga dheeraa dalka, inkasta oo uu shan jeer ku guuldarraystay inuu madaxweyne noqdo.
Raila waxa uu dhasahy 1945-kii waxa uuna geeriyooday 2025-kii, isaga oo 80 jir ah.
Edgar Lungu

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaalada Ndola (Northern Rhodesia ayuu ku dhashay Nofeembar 11, 1956-dii.
Madaxweynihii hore ee Zambiya, kaas oo soo hogaamiyey Isbahaysigii Rhodesia iyo Nyasaland), waxa uuna ku geeriyooday Juun 5, 2025 magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika, isagoo 68 sano jir ah.
Edgar Lungu waxa uu Zambia hogaaminayey muddo lix sano ah, laga bilaabo 2015 ilaa 2021, ka hor inta uusan si weyn ugu guuldarraysan doorashadii madaxtinimada ee uu kaga adkaaday madaxweynaha hadda talada haya, Hakainde Hichilema.
Nana Konadu Agyemang-Rawlings

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nana Konadu Agyemang-Rawlings, marwadii kowaad ee dalka Gaana waxa ay Cape Coast ku dhalatay Nofeember 17 1948, waxa ayna ku geeriyootay Oktoober 23-keedii 2025 isbitaalka Rige oo ku yaalla magaalada Accra.
Waxa ay ahayd xaaskii madaxweynihii ugu muddada dheeraa Gaana, Jerry John Rawlings, kaas oo geeriyooday ku dhowaad shan sano ka hor.
Souleymane Cissé

Xigashada Sawirka, AFP
Abriil 21, 1940 ayuu ku dhashay magaalada Bamako, agaasimaha reer Mali Souleymane Cissé waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah hormuudka filimada Afrika.
Waxa uu ku geeriyooday Febraayo 19, 2025 magaalada Bamako, caasimadda Mali, oo ah halkii uu ku dhashay, isagoo jira 84 sano.
Waxa uu helay abaalmarino caalami ah, marii filimkiisa Yeelen uu ku guuleystay Abaalmarinta Jury prize, isagoo noqday filim-sameeyihii ugu horreeyay ee ka soo jeeda waddamada saxaraha ka hoosee abaalmarin nocee ah.
Amadou Bagayoko

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa uu ku dhashay Oktoobar 24, 1954 magaalada Bamako, fanaankaan muusiga tuma ee reer Maali Amadou Bagayoko, ayaa geeriyooday Abriil 2025, isagoo jira 70 sano. isaga iyo Xaaskiisa ayaa fanka kuwada jiray.
Labadan fannaan waxay ku guuleysteen Abaalmarinta Victoire de la Musique 5-tii Maarso 2005, taas oo lagu bixiyay Zénith-ka Paris, albamkoodii ahaa Dimanche à Bamako.
Lammaanuhu waxay mar kale ku guuleysteen isla abaalmarintaas Febraayo 8, 2013, markale Zénith-ka Paris, iyagoo ku helay albamka Folila.
Winnie Khumalo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo dhalatay Luulyo 20, 1973, atariishada iyo fannaanadda reer Koonfur Afrika ah Winnie Khumalo waxa ay geeriyootay Janaayo 7, 2025, iyadoo jirta 51 sano, kaddib xanuun muddo gaaban hayey, waxa ayna gooriyootay iyadoo loo sii waday isbitaalka, sida ay qoyskeedu sheegeen.
Fannaanaddan Afropop-ka ah waxaa lagu yaqaanay xirfad muusig oo dheer oo billowday 1980-meeyadii, iyo waxa ayna kasoo muuqatay filimo fara badan oo laga daawan jiray telefishan oo caan ka ah Koonfur Afrika.
Waxay si gaar ah ugu caan baxday heesteedii "Live My Life", waxa ayna la shaqeysay fannaaniin waaweyn oo reer Koonfur Afrika ah, oo ay ka mid tahay marxuumadda Brenda Fassie.
Shewarge Alene

Xigashada Sawirka, Getty Images
Orodyahannada reer Itoobiya ee ku guuleysatay tartanka marathon-ka Stockholm ayaa geeriyootay iyadoo jirta 30 sano, kaddib markii ay miir daboolantay xilli ay tabababar ku jirtay
Bishii Maajo ayey ku guuleestay tartanka marathon-ka Stockholm, kaas oo noqday tartankeedii ugu dambeeyay, iyadoo ku orday 2 saacadood, 30 daqiiqo iyo 38 ilbiriqsi.
waxa ay ka qeyb-gashay tartanno kala duwan oo ka kala dhacay meelo kala duwan oo caalamka ah sida Koofur Afrika.
Peter Rufai

Xigashada Sawirka, Getty Images
Peter Rufai, Agoosto 24, 1963 ayuu ku dhashay magaalada Lagos, goolhayihii hore ee caanka ahaa ee xulka Super Eagles ee Nigeria, ayaa geeriyooday Luulyo 3, 2025, isagoo jira 61 sano, magaalada Lagos, kaddib markii u muddo xanuusanayey.
Peter Rufai wuxuu raad aan marnaba tirmayn ku reebay kubadda cagta Afrika, isagoo la qaaday Super Eagles Koobka Qaramada Afrika 1994 ee lagu qabtay Tunisia.
Wuxuu ka qeyb galay laba Koob oo Adduun ah: 1994 Mareykanka iyo 1998 Faransiiska.
Sidoo kale wuxuu ka soo ciyaaray qaaradda Yurub, isagoo ka soo ciyaaray waddamad Biljam Nederland Spain iyo Burtuqaal.













