Maxaad ka xusuusataa dadka caanka ah ee geeriyooday 2025

kirk

Xigashada Sawirka, Reuters

Iyadoo ay fooda inagu soo hayso dhamaadka sanadka 2025-ka, aynu dib u jaleecno dad caanka ah ee sanadkan geeriyooday dunida, kuwaas oo si weyn uga dhex muuqday xirfadahooda.

Dadkaas ayaa isugu jira siyaasiyiin, saynisyahanno, cayaartoy, fanaaniin iyo qaar kale.

Siyaasadda

Charlie Kirk, 31

ololeeye dhanka siyaasida ah ee muxaafidka u ahaa dowladda Donald Trump ee da'da yarka ahaa ayaa si cad loo dilay bishii Sebtembar.

Muhammadu Buhari, 82

Markii uu madaxweyne ka ahaa Nigeria, Buhari ayaa hogaaminayay dalka ugu dadka badan Afrika 2015 ilaa 2023. Mudadii uu xilka hayay waxaa hareeyay hoos u dhac dhaqaale oo Nigeria ku yimid, weerarrada ay mintidiintu ku qaadeen ceelasha saliidda, iyo isbitaallada oo soo noqnoqday ayaa lagu xasuustaa. Waxaa ku dhacay xanuun aan la shaacin.

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Sayniska

Jane Goodall, 91

Ololeeye caalami ah, oo jacayl qoto dheer u qabay xayawaanada ilaalinta deegaankana ka dhigay qayb ka mid ah noloshiisa, wuxuu dhintay Oktoobar.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Ciyaaraha

George Foreman, 76

Feeryahankii calanka u hayay feerka culus ayaa lumiyay jagadaas kadib markii ay is wajaheen Muhammad Ali dagaalkoodii caanka ahaa ee 1974 ee Kinshasa - "The Rumble in the Jungle."

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Suugaanta

Ngũgĩ wa Thiong'o, 87

Qoraa Kenyan ah oo dhaleeceyntii uu u jeediyay dowladda xorriyadda ka dib keentay in xabsiga loo taxaabo, lana tarxiilo.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhanka diinta

Pope Francis, 88

Baadarigii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Koonfurta Ameerika, Pope Francis ayaa dhintay 21-kii Abriil, 2025, isagoo 88 jir ah, gurigiisa oo ku yaal magaalada Vatican-ka, ka dib markii uu in muddo ah xanuunsanayay, ka dib markii uu istaroog ku dhacay.

In ka badan 250,000 oo qof ayaa ka qayb galay aaskiisa bishii April, sida ay sheegtay Vatican-ka.