Saadaashada 2026 ee ay sii sheegtay haweeneydii saadaalisay dhacdooyin ay ka mid yihiin 9/11, burburkii Soofiyeetka iyo doorashadii Obama

Xigashada Sawirka, X
Ayadoo uu foodda nagu soo hayo sannadka 2026 magaca haweeneydan u dhalatay Bulgaria ee Baba Vanga mar kale ayuu aad u soo shaac baxay, waxaana aad u sii xiise galiyey sheekadeeda mowjad cusub oo naxdin leh iyo saadaalo gaar ah oo dul hoganaya.
Sheegashooyinkan aadka loo hadal hayo oo ay ka mid yihiin makhluqaad aan dunida ku noolayn oo soo booqan doona ilaa iyo garaadka macmalka oo hogaan noqon doona iyo jahawareer juquraafi-siyaasadeed ayaa soo bandhigaya sawir cajiib ah oo la xiriira sanadka soo socda.
Saadaashan sannadlaha ah waxay muujinaysaa xiisaha dadweynaha ay u qabaan wax sii sheegidda, waxayna daaha ka qaadaysaa shabakad sheeko-xariireed, sifooyin kala duwan, iyo wadciga xilliyadan jira oo lagu saadaaliyay hadallada haweeneydan waxyaabo ay hore u sheegtay la arkay.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Vangeliya Pandeva Dimitrova (1911-1996), oo loo yaqaan Baba Vanga, waa haneeney indhaha la' oo u dhalatay Bulgaria, waxaana lagu naaneysi jiray "Nostradamus of the Balkans." Waxay maqaam caalami ah ku heshay awooddeeda la sheegay inay saadaaliso dhacdooyinka waaweyn ee adduunka.
Taageerayaasheedu waxay ku andacoonayaan inay saadaalisay dhacdooyin ay ka mid yihiin musiibadii nukliyeerka ee Chernobyl, weerarradii Sebtembar 11, iyo burburkii Midowga Soofiyeeti, sheegashooyinkaas ayaa sii kordhiyey waxyaabihii ay hore u sii sheegatay sannad kasta dhowr la soo bandhigayo, xataa ayadoo mootan tobanaan sano.
Sida ay wararku sheegayaan, sumcaddeeda ayaa soo jiidatay marti caan ah, sida hoggaamiyihii hore ee Soviet Leonid Brezhnev.
Waxyaabaha ay sida saxda ah u sii saadaalisay waxaa ka mid ah foolkaaneyaal muddo kumanaan sano ah aan dhaqdhaqaaq lahayn oo sannadkan qarxay sida foolkaanaha Itoobiya ee Hayli Gubbi oo qarxay Nofember 2025, dooarshadii Obama oo noqday maaxweynihii ugu horreeyey ee madow ah ee hogaamiya Maraykanka iyo geerideeda oo ku beegnayd bishii Agoosto 1996.
Inta badan waxaa sheekooyinkeeda dunida u soo bandhiga dad aad ugu xiran saad aasheeda iyo gabar ay eeddo u tahay oo la yiraahdo Krasimira Stoyanova, mana jiraan qoraallo ay ka tagtay
Saadaasha Baba Vanga 2026

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mid ah saadaasheeda 2026 ayaa isku xiisado ka dhaca dunida. Xiisadahaas waxa ka mid ah kuwo muddo dheer jiitama oo gaar ahaan dhex mara Yurub iyo Asia.
Mid ka mid ah sheegashooyinka joogtada ah ee ku xiran saadaasha Baba Vanga ee 2026 waxay ku lug leedahay iskahorimaadyo caalami ah oo dheer, gaar ahaan Yurub iyo Aasiya.
Waxay kaloo saadaalisay kala ja-jab ku imaanaya siyaasadda Yurub, xiisadaha milatari ee sii kordhaya oo dib u qaabayn doona is xulafaysiga caalamka.
Arrimaha kale ee ay sannadka 2026 saadaalisay waxaa ka mid ah degenaansho la'aan siyaasadeed oo saamaysa Taiwan, Badda Koonfurta Shiinaha, iyo xadka Hindiya iyo Shiinaha.
In kasta oo aan la sheegin dhacdooyin gaar ah ama waqtiyo, haddana sheekooyinka onlaynka ahi waxay muujinayaan isbeddelladan inay yihiin tilmaamayaal isbeddelaya nidaamka awoodaha caalamiga ee dunida ugu tunka weyn.
Sheegashooyinka ugu yaabka badan waxaa ka mid ah fikradda ah in bini'aadmigu uu la kulmi karo nolol ka baxsan dhulka 2026. Diiradda cirka lagu eego ee loo yaqaano (ATLAS) ee dalka Chile ayaa sheaaca ka qaaday walax hawada sare lagu arkay Luulyo 2025, taas oo loo bixiyey 3I/ATLAS.
Waxay ku socotaa khad aad u srreeya, taasoo xaqiijinaysa inay ka timid meel ka baxsan hanaan qorraxeedkeenna.
Cirbixiyayaashu waxay sheegaan ay walax tahay ee aysan ahayn dayax-gacmeed. Inkastoo aysan jirin caddayn aad u taageereysa, haddana xogta qaar waxay shegaysaa in dahaarka dhulka ay walaxdaasi soo geli doonto bisha Nofember ee 2026.
Garaadka macmalka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fasiraad kale oo si weyn loo wadaagayo ayaa soo jeedinaysa in tignoolajiyadu ay ka gudbi doonto xakamaynta aadanaha.
Inkasta oo Baba Vanga aysan waligeed si gaar ah uga hadlin garaadka macmalka, fasiraadaha casriga ahi waxay ku xirmayaan digniinaha ay hore u samaysay. Waxaa ka mid ah:
Qalab is wada oo bedelaya qaybo badan oo xoog shaqaale ah, ku-tiirsanaanta mashiinnada, hhanaanka dhanka anshaxa ee ku guul daraystay inay la jaanqaadaan hal-abuurnimada.
Saadaashani waxay noqotay mid dad badan soo jiidatay, ayadoo uu aaad u sii horumarayo garaadka macmalka iyo qalabka is-wada.
Masiibooyinka Dabiiciga ah iyo Isbeddelka Cimilada
Sheekooyinka aad la iskula dhex marayo waxay sheeganayaan in 2026 Baba Vanga ay sii saadaalisay dhulgariir, daadad, sunami, iyo dabaylo aaad u kulul.
Dadka saadaasheeda rumaysan ayaa sheegaya in digniinahani ay ka tarjumayaan welwelka sayniska ee maanta jira ee ku saabsan isbeddelka cimilada, laakiin ma jirto caddayn la xaqiijin karo oo iyada ku xiraysa saadaasha cimilada gaarka ah ee sanadka.
Xanta kale ee internetka lagu hadal hayo ee laga soo xigtay Baba Vanga ayaa ah in 2026 hogaamiyaha Ruushka uu door weyn ka cayaari doono arrimaha caalamka.
Dadka isticmaala baraha bulshada fasiraaddan ku xiray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyaga oo tilmaamaya saameyntiisa caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, fasiraadahan la isku xiray ayaa ah kuwo saadaasha haweeneydaas oo kaliya ku salaysan oo aan ku salaysnayn wax qoraal ah oo la soo xigtay.
Saadaasha fayraska ee 2026 waxay ka yar tahay waxa soo socda iyo wax badan oo ku saabsan walaacyada hadda jira — tignoolajiyada, deegaanka, iyo isbeddelada awoodda caalamiga ah. Inkasta oo Baba Vanga's halyeyga waara, waxay ahaanayaan milicsi dhaqameed halkii ay ka ahaan lahaayeen hage la isku halayn karo.













