Saadaashii BBC ee 30 sano ka hor ay ka samaysay sida uu u ekaanayo 2025 - maxaa dhab noqday

.

Kooxda barnaamijka ayaa isku raacday, iyaga oo soo jeedinaya hal-abuurro caalami ah oo dunida ruxaya sida qaliimada lagu fulinaayo aaladaha casriga ah ee tiknoojilyada kaas oo suurto gelinaya in hab muuqaal ah loo arki karo qofka unugyadiisa xilliga qaliinka la samaynaayo iyo nidaam kale oo casri ah oo lagusoo nadiifinayo dusha sare ee meeraha si loogasoo qaado burburrada dayaxgacmeedyada.

Sidaas darteed annaga oo kaashanayna khubaro dib-na u milicsanayna odororaskii horey loo sameeyay sodon sanno ka hor, bal aan eegno inta shay eek aa guuleysatay saadaashaas barnaamijka Dunida Beri ee BBC-da ka baxay 1995-tii.

Rabshadihii Internetka ee 2005-tii.

.

Xigashada Sawirka, .

Sanadkii 1995, mareegaha caalamiga ah ee internetka ayaa si dhab ah u korayay - horumar ay Barnaamijka Dunida Berri ee BBC-du ku tilmaantay mid dhibaato mustaqbalka ah keeni doonta.

Waxay saadaaliyeen in "ganacsatada waaweyn" iyo bangiyadu ay xakameyn doonaan internet-ka marka la gaaro 2000, iyagoo abuuraya "shabakad xooggan" oo xaddidan.

Taasina, si isdabajoog ah, waxay keeni lahayd jabsasho, fayrasyada, iyo xitaa rabshado.

Natiijo- Internetku wuxuu ku hadhay in uu ahaado mid furan, mana jirin rabshado, balse wax yar baa shaki ku jiraa in ficillada budhcadda internetku ay dad badan u geysteen dhibaatooyin.

Hal shay oo barnaamijku uusan saadaalin waa kaalinta dowladaha ee Budhcadda Dowladaysan ee jabsata xogaha sida budhcadda Internetka ee Waqooyiga Kuuriya, oo si faahfaahsan loogu sheegay barnaamijka BBC-da ee Lazarus Heist.

Amniga internetka aad ayuu muhiim ugu ugu ah dowladaha iyo shirkadaha, halka dadka ka shakisan bangiyada ay dhiirrigeliyeen lacagaha dhijitaalka ah sida Bitcoin.

Macdan qodis dhanka meerayaasha ah

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Barnaamijku wuxuu saadaaliyay in macdan qodis hawada sare ka dhici doonto, iyada oo shirkado qodayaan xiddigaha u dhow dhulka si ay u helaan biraha qaaliga ah ee aggaas ku duugan.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in qashinka hawada sare uu dhibaato noqon doono ilaa ay noqoto mid aan u nabdoonayn in cirbixiyeenadu hawada sare ku noolaadaan. Xalka tanina ay tahay in xumbo weyn looga nadiifiyo meeraha qashinka dayaxgacmeedyada. Waa uun soojeedin la mid ah markaas in xeradii geela oo loo arkayo in aan lagusii noolaan karin ay tahay in xoortii caanaha xerada lagu nadiifiyo – xeradu markaan waa hawada sare dayaxgacmeedyadu gaadhaan.

Natiijadii - Ma jiro xumbo weyn oo illaa hadda la hirgeliyay si hawada sare loosoo nadiifiyo waxaana wali dhibaato weyn ah qashinka hawada sare. Ma jiro warshad macdan qodis hawada sare ah hadda - laakiin taasi way isbedeli kartaa

Falanqeeye mustaqbalka Tom Cheesewright ayaa rejo weyn ka qaba macdan qodis ka baxsan dhulkan aan ku noolahay

"Hantida suurtagalka ah aad bay u badan tahay oo aan la qiyaasi karin, tiknoolajiyadana waa mid haddda gacanteena ku jirta," ayuu yidhi.

Qalliimada casriga ah iyo doorka robot-yada

.

Xigashada Sawirka, .

Barnaamijka Dunida Berri wuxuu saadaaliyay in marka la gaadho 2004, sharci la soo saari doono, kaas oo ku waajibinaya dhammaan isbitaalada UK inay shaaciyaan liiska guulaha dhakhaatiirta qalliinka.

Dhakhaatiirta ugu fiican waxay noqon doonaan kuwo aad loo jecel yahay oo si wanaagsan u mushaara qaata, ilaa aysan macno samaynayn inay iyagu u safraan bukaanka.

Beddelkeeda, sawirka hologram-ka bukaanka ayaa loo diri lahaa dhakhtarka, ka dibna dhakhtarku wuxuu qalliinka ku samayn lahaa isagoo isticmaalaya "galoofyo farsamaysan xilli uu ka fog yahay qofkii". Dhanka bukaanka, robot ayaa si sax ah u dhadhaqaaqi doona kaas oo samaynaya sida uu dhakhtarku sameeyo.

Natiijadii - Waxay wax ku saadaaliyeen si buuxda sax uma ahayn, laakiin robot-yadu hadda qayb caawinaad ah ayay ka gaysanayaan qalliimada

Isticmaalka Bangiyada iyo casriyayntooda

.

Xigashada Sawirka, .

Meelo kale oo ka mid ah barnaamijka, waxaa lagu soo bandhigay aragti ku saabsan mustaqbalka bangiyada.

Waxay ku jirtay haweeney u tagtay bangi, oo ka cabaneysa in aysan jirin shaqaale bini'aadan ah, kadibna waxay kala bangigii 100 Euro ." Bangigu wuxuu lacagta siiyay kaddib markii uu sawiray chip ku jira gacanteeda.

Natiijadii - Bangiyada ayaa runtii noqday kuwo si aad ah loo otomaatig gareeyay. Inkastoo bixinta lacagta adoo adeegsanaya microchips lagu rakibay jidhka bini'aadanka u muuqato in farsamooyin kalelaga dhigay - gaar ahaan faraha iyo wejiga oo lagaa sawiro xilliyada is diwaan gelinta- ayaa hadda la isticmaalaa.

Doorkii iyo xasuusti soojeediyayaashii barnaamijkaas

.

Xigashada Sawirka, .

Xiddiggii barnaamijka Gardeners' World, Monty Don, wuxuu ka mid ahaa soo-jeediyeyaasha barnaamijka Tomorrow's World 30 sano ka hor.

Waxaana uu saadaaliyey dib-u-soo-kabasho weyn oo dhul-beereedka Britain ah oo ay sabab u tahay injineernimada hidde-sideyaasha iyo xarumo beereed casri ah, taas oo keeni doonta soo noqoshada xayawaanno la yaqaannay oo ay ka mid tahay 'madax-kutida' ama Bear.

Isagoo hadda dib uga milicsanaya, wuxuu u sheegay BBC News in qaybtiisa barnaamijka ay ahayd mid saadaalin qurux badan oo aad mooddo in aanay xaqiiqo ku dhisnayn.

Marka uu saadaaliyey 30-ka sano ee soo socda, wuxuu ku faraxsan yahay in jiilka maanta ee dhallinyarada ay aad ugu baraarugsan yihiin isbeddelka cimilada. Wuxuu kaloo aaminsanaa xilligaa in dadku ay 2055 sii kordhin doonaan cunista cuntooyinka ay iyagu beertaan.

Vivienne Parry, oo ahayd soo jeediye ka mid ah soo-jeediyeyaasha barnaamijka saadaasha, waxay hoggaaminaysay qayb ku saabsan daawooyinka. Waxa ay sheegtay in xilligii ay barnaamijyadaa duubayeen wax badan is beddeleen, oo ugu yaraan qalabkii xilligaa lagaga duubay iyo kan hadda la isticmaalo xataa uu farqi weyn u dhexeeyo.

Vivienne waxay ka shaqeyneysa hadda Genomics England tan iyo 2013, iyadoo iftiiminaysa in qaar ka mid ah saadaasha laga bixiyay barnaamijka Tomorrow's World ee 1995 ee ku saabsan isku xigxiga hidde-sidaha ay dhab noqdeen, maadaama ay ka qayb qaadanayso daraasad cilmi-baaris ah oo lagu caawinayo ogaanshaha iyo daaweynta cudurrada hidde-sideyaasha la xidhiidha.

Sidee adduunku u ekaan doonaa sannadka 2055?

Falanqeeyaha mustaqbalka, si gaar ahTracey Follows waxay u aragtaa in barnaamijka 1995 uu si sax ah u saadaaliyay fikrado waaweyn, laakiin uu seegay laba mowduuc oo waaweyn oo 30-kii sano ee la soo dhaafay saamayn weyn yeeshay – korodhka iyo horumarka tiknoolojiyadda iyo baraha bulshada.

Markay 2055 timaaddo, waxay aaminsan tahay in dad badan ay "hab casri ah oo maangal ah isugu xidhmi doonaan" oo uu noqon doono– hab ay dadka iyo tiknoolojiyadda si fiica isugu tiirsa doonaan, taas oo fududayn doonta wadaagidda fikradaha.

"Falanqeynta arrintaasi waxay si dhab ah u noqon doontaa wada-fikir, oo aad ku wadaagi karto fikradahaaga dad kale isla marka aad ka fikiraysaba," ayay tidhi.

Tom Cheesewright wuxuu aaminsan yahay in labada horumar ee ugu xiisaha badan 30-ka sano ee soo socda ay noqon doonaan cilmi-baadhista walxaha cusub iyo ku takhusisidda hiddaha iyo unugyada aadamaha.

Cilmi-baadhista dhanka walxaha, waxaa la filayaa soo saarista qalabyo ka xoog badan, ka fudud, oo xajmi ahaan yar ay noqon doonaan kuwo waxweyn ka beddela adduunka, halka takhususka hiddaha iyo unuyada noolaha - oo ay la socdaan xeerar adag - awood u yeelan doonaan inay beddelaan daaweynta caafimaadka iyo la dagaallanka "caqabadaha waaweyn ee aadanaha horyaalla, sida hoos u dhigista kaarboonka, biyo nadiif ah, iyo cuntada."

Markaa sidee bay u ekaan doontaa adduunku 30 sano gudahood?

Si kasta oo jawaabahaadu u kala duwanaadaan, waxay noqon doontaa mid xikmad leh inaad dhegaysato waxa Prof. Stephen Hawking uu ku yidhi Tomorrow's World soddon sano ka hor:

"Qaarkood isbeddeladan waa kuwo aad u xiiso badan, qaarna waa kuwo cabsi leh. Hal shay oo aan hubi karno waa in adduunku uu noqon doono mid aad uga duwan, suurtogalna aysan ahayn waxa aan filayno."