Mustafe Cagjar oo ka hadlay eedeyntii Somaliland ee dagaalkii Dacawaley

Mustafe Cagjar

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa markii ugu horraysay ka hadlay colaad ay dad badan ku dhinteen oo dhawaan ka dhacday deegaanka Dacawaley ee gobolka Faafan.

Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay halkaasi ay waxyeello badan ka soo gaadhay ciidanka booliska ee Deegaanka Soomaalida isaga oo intaasi ku daray in dagaalkan ay qayb ka ahaayeen "xoogag ka soo tallaabay xuduudda".

"Ciidanka ku dhintay Dacawaley, waxay ka soo jeedaan dhammaan 11ka gobol ee deegaanka, waana la yaabi doonaa marka aan hadhow soo saarno tiradooda. Waxay ahaayeen ciidanka isku dhafan oo ka soo jeeda Siti, Daawa, Shabeelle, Liiban iyo meelo kale. Waxba kama jiraan aragtida khaldan ee odhanaysa waa ciidan ah hayb gaar ah," ayuu yidhi madaxweyne Mustafe Cumar.

Madaxweynaha oo ka warramay sidii ay wax u dhaceen ayaa sheegay in "kooxo fidno-wadayaal ah" oo uu tuhunsan yahay in ay ka soo tallaabeen dhinaca xadka ay ka dambeeyeen wixii ka dhacay aagga Dawacaley, waxaana uu xusay in wax la isku hayo aanu ahayn muran-dhuleed.

"Waa arrintii ugu horraysay ee ka madaxweyne ahaan aan u fadhiyay 9-kii subaxnimo ilaa 3-dii galabnimo. Sida loo xalliyay waxa ay ahayd qaab caddaalad ah oo aan u arkaynnay in tanaasul badan la muujiyay, haddana wixii aad aragteen ayaa ka dhashay. Arrintani waxa ay ku timid wanaagii iyo gogoshii nabadeed oo la laaday oo daciifnimo iyo jileec loo arkay".

Dacawaley

Xigashada Sawirka, Hiiraan Online

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa iska fogeeyay eedaynta ah in ciidanka booliska ee deegaanku ay ahaayeen kuwa weerarka bilaabay, isaga oo sheegay in muddo 7 sano ah oo ay aaggaasi ku sugnaayeen aanay wax tacaddi ah ka gaysan deegaankaasi.

"Waa shacabkayagii, Mas'uuliyad baa naga saaran. Waxaan samayn doonnaa baadhitaan madax-bannaan wixii dhacay" ayuu si raaciyey madaxweynaah dawlad deegaanka.

Mustafe Muxumed Cumar ayaa dhacdadan la xidhiidhay dagaallada qabaa'ilka ee Soomaalida dhexdeeda tan iyo dhicitaankii xukuumaddii Kacaanka ee Soomaaliya.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Somaliland ayaa hore ugu eedeysay ciidanka amniga ee dawlad deegaanka, gaar ahaan Liyuu booliska, inay ku lug lahaayeen dagaalladii ka dhacay deegaanka Dacawaley.

"Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo" ayaa lagu yiri warsaxaafadeed todobaadkii hore ka soo baxay xukuumadda Somaliland.

Waxay kaloo Somaliland ku eedeysay dawlad deegaanka "afduubka madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda".

Xaaladda deegaanka dacwaley ee degmada Xarshin ayaa beryahan deggan, ka dib markii ciidan ka tirsan federaalka Itoobiya la kala dhex dhigay dhinacyadii dagaallamay.

Dagaalladii ka dhacay deegaanka Dacwaley ayaa waxaa ku dhintay tiro aad u badan oo ah labadii dhinac ee iska soo hor jeeday. Dagaalladaas ayaa markii hore ku billowday isku dhac qabaa'il deegaanka wada dega. Inkastoo aan tiro sugan laga haynin, misna tiro gaaraysa 59 qof oo dhinaca Somaliland ah ayey wararku sheegayaan inay ku dhinteen dagaalka, sida laga soo xigtay Edna Aadan, halka tiro 150 ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Wararku waxay sheegayaan in dad dagaalladaas ka soo qaxay iyo kuwo dhaawacyo qaba ay soo gaareen degmada Balligubadle.