2024: Dhacdooyinka ugu waaweyn ee la filayo sannadkan cusub

Adduunka intiisa badan waxa uu galay sanadka cusub, haddaba bal aynu isla eegno waxa 2024 uu inoo hayo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Adduunka intiisa badan waxa uu galay sanadka cusub, haddaba bal aynu isla eegno waxa 2024 uu inoo hayo.

Adduunka intiisa badan waxa uu galay sanadka cusub, haddaba bal aynu isla eegno waxa 2024 uu inoo hayo. Waxaanu eegeynaa dhacdooyinka ugu waaweyn ee sannadankan cusub ka dhacaya meelo ka mid ah adduunka iyo goorta ay dhacayaan.

Febraayo - Sida had iyo jeer waxaad filan kartaa sanadka cusub ee Lunar-ka adduunka oo dhan (sidoo kale loo yaqaan sanadka cusub ee Shiinaha)

Maarso – Vladimir Putin, oo tan iyo 1999-kii soo hogaaminayay Ruushka, Ra’iisul Wasaare ama Madaxweyne, ayaa mar shanaad isu soo sharixi doona xilka.

Waxa ay ku soo beegantay xilli saraakiisha doorashadu ay u qabteen 15-17 Maarso 2024 in ay tahay taariikhda doorashada madaxweynaha ee Ruushka

Dastuurka Ruushka ayaa wax laga beddelay 2020, waxaana la kordhiyay muddada xilka madaxtinimo ee afarta sano

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dastuurka Ruushka ayaa wax laga beddelay 2020, waxaana la kordhiyay muddada xilka madaxtinnimo ee afarta sano

Dib u doorashada Putin oo 71 jir ah ayaa loo arkaa mid lama huraan ah. Putin waxa uu madaxweyne soo noqday sannadihii 2000-08, isaga oo dib ugu soo noqday xilka ra’iisal-wasaarenimo 2012-kii.

Dastuurka Ruushka ayaa wax laga beddelay 2020, waxaana la kordhiyay muddada xilka madaxtinimo ee afarta sano taas oo laga dhigay lix sano, waxayna taasi Mr Putin u oggolaaneysa inuu mar kale isu soo taago doorashada sanadkan.

Haddii uu Putin ku guuleysto doorashada bisha Maarso waxa ay u suurogelineysaa inuu sii ahaado madaxweynaha Ruushka ilaa 2030.

Abriil - Dadka ku nool Mareykanka ayaa 20 sano ka dib waxay la kulmi doonaan qorrax-madoobaadkii ugu darnaa ee waddanka soo mara.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

8-da Abriil 2024, qorrax-madoobaadka ayaa laga arki doonaa Waqooyiga Ameerika isagoo sii maraya 13 gobol oo Mareykanka ka tirsan.

Muddada qorrax madoobaadka uu socon doono ayaa lagu sheegay ilaa 4 daqiiqo iyo 27 ilbiriqsi, ku dhawaad laba jibaar tii Mareykanka ka dhacay Agoosto 21, 2017.

Qorrax-madoobaadka 2017 waxaa goob joog ka ahaa ilaa 20 milyan oo qof oo ka kala yimid Oregon ilaa South Carolina halka ka soo socda bisha ee 2024 waa hubaal inay markhaati ka noqon doonaan malaayiin kale. Waa sida ay shaacisay NASA.

Bilaha Abriil ilaa Maajo waxaan sidoo kale filaynaa inaan aragno doorashada guud ee Hindiya.

Maajo- Hawlgalka Shiinaha ee Chang'e-6 wuxuu isku dayi doonaa inuu soo ururiyo ilaa 2kiilo-garaam oo muunado ah oo laga soo qaaday dhinaca mugdiga ah ee Dayaxa.

Juunyo – Labo dumar ah ayaa u tartamaya madaxtinimada Mexico, isla bishan tartanka UEFA Euro 2024 ayaa ka bilaabmi doonaa Jarmalka. Koobka Adduunka ee cricket T20 ayaa sidoo kale lagu qaban doonaa Mareykanka.

Tartanka UEFA Euro 2024 ayaa ka bilaabmi doonaa Jarmalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tartanka UEFA Euro 2024 ayaa ka bilaabmi doonaa Jarmalka.

Luulyo - Ciyaaraha Olombikada Paris ayaa bilaabmaya.

Agoosto – Tanranka baaskiilka ee dumarka ayaa ka bilaabmi doona Nederlaan kuna dhamaan doontaa Faransiiska.

Oktoobar - Ruushka ayaa ku martigelin doona shir madaxeedka BRICS magaalada koonfur-galbeed ee Kazan.

Noofambar - Hawlgalkii ugu horreeyay ee shaqaale muddo 52 sano ah, afar cirbixiyeen ayaa u safri doona dayaxa muddo 10 maalmood ah.

Doorashada madaxtinimada Mareykanka ayaa dhacaysa isla bisha nofeember, waxayna u muuqataa inay u badan tahay tartan dhex mari doona Joe Biden iyo Donald Trump.

Doorashada 2024-ka waxa ay noqon doontaa Talaadada, 5 November 2024.
Qoraalka sawirka, Doorashada 2024-ka waxa ay noqon doontaa Talaadada, 5 November 2024.

Doorashada 2024-ka waxa ay noqon doontaa Talaadada, 5 November 2024. Ku guuleystaha waxa uu Aqalka Cad sii joogi doonaa muddo afar sano ah laga bilaabo Janaayo 2025.

Waxaa meel wanaagsan maraya ololaha doorashada madaxtinimada ee 2024-ka. Waxaa uu ku billowday 15 musharrax oo kala ah 9 Jamhuuri ah, afar Dimuqraadi ah iyo labo madax-bannaan – inkastoo qaarkood ay hore uga hareen tartanka.

Madaxweyne Biden ayaa horaantii sanadkan ku dhawaaqay inuu u tartamayo dib u doorashadiisa, inkastoo ay jiraan caqabado muddo dheer jiray - ayaa hadana la filayaa inuu si fudud ugu guuleysto magacaabista.

Xisbiga Jamhuuriga, ra'yi ururin ayaa muujinaysa in madaxweynihii hore ee Donald Trump uu aad uga horreeyo murashaxiinta kale. Waxa kale oo jira qaar ka mid ah musharixiin madaxbannaan, oo uu ku jiro Robert F Kennedy Jr, oo uu adeer u yahay madaxweynihii hore ee John F Kennedy.