Waa kuma Sheekha caanka ah ee ammaanta usoo jeediyay haweenka Soomaalida?

Haweenka Soomaalida

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sheekha caanka ah ee Muft Menk ayaa maalmahan qabsaday baraha bulshada Soomaalida, kaddib markii muuqaal uu soo duubay uuna kaga hadlayay arrimo dhowr ah, uu ku ammaanay haweenka Soomaalida.

Sheekhan oo khudbad Jimcihii lasoo dhaafay ka jeedinayay masjid ku yaalla dalka Koofur Afrika, ayaa ammaanay sida ay u asturan yihiin gabdhaha iyo haweenka Soomaalida.

“Xoogaa kahor waxaan idiin sheegay in dadka ka yimid Soomaaliya aad dadka kasoo dhex saari karto durba markaad meesha soo gasho, dadkaanna ma aysan dhigin xijaabkooda. Haweenka walaalahey ee Soomaaliya kasoo jeeda hambalyo, mabruuk ayaan idiin leeyahay,” ayuu yiri sheekha.

Sheekha ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaalida inay tusaale u noqdaan dunida. Wuxuu intaa raaciyay inuu tegay dalal dhowr ah oo adduunka ah uuna mar walba la dhaco asturnaanta haweenka Soomaalida.

“Waxaan mar walba iraahdaa Subxaanallaah, bal eeg dadkan mar walba waxay u asturan yihiin si qurux badan.” Ayuu intaa raaciyay.

Wuxuu sheegay in inkastoo dadka Soomaalida guryahooda laga soo barakiciyay, haddana diintooda aysan ka bixin wadnahooda.

Waa kuma Muft Menk?

Haweenka Soomaalida

Xigashada Sawirka, MUFT MENK

Qoraalka sawirka, Muft Menk

Mufti Dr Ismail Menk waa wadaad caan ah oo Muslim ah wuxuuna ku dhashay kuna barbaaray dalka Zimbabwe. Wuxuu Shareecada ka bartay magaalada Madiina ee dalka Sacuudiga wuxuuna heystaa shahaadada sare ee Hanuuninta Bulshada oo uu ka qaatay Jaamacadda Aldersgate.

Mufti Menk oo da’diisu ay 50 ku dhowdahay ayaa aad looga yaqaannaa dunida wuxuuna ku jiraa “500 ee Muslimiinta ugu Saameynta badan Dunida” tan iyo 2010.

Malaayiin qof ayaa ku xiran barihiisa bulshada. Dad badan ayaa ku taageera qaabka uu wacdiyada u jeediyo oo ah kuwo soo jiidasho leh uuna mararka qaar ku cabbiro wixii uu shakhsi ahaan lasoo kulmay.

Mufti ayaa u safra dunida isagoo dadka kula taliya inay is wanaajiyaan isuna gargaaraan.

Waa maxay farqiga u dhaxeeya xijaabka, niqaabka iyo burqa?

Haweenka Soomaalida

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY/REUTERS

Xijaabka, niqaabka iyo burqada – iyo waxaa jira kuwo badan oo kala duwan oo xijaab ah oo ay isku daboolaan haweenka Muslimiinta ee guud ahaan caalamka.

Haweenka qaar ayaa xirta qamaarka si ay ugu daboolaan madaxooda iyo timahooda, halka kuwo kalena ay xirtaan burqa amaba niqaab, oo sidoo kale daboolaya wejigooda.

Qamaarrada ayaa loo arkaa kuwo casri ah oo ay xirtaan dadka qaar, wuxuuna calaamad u yahay diin, balse dalalka qaar iskuma raacsana arrintaas, sida Faransiiska iyo Denmark, waxaana ka jira mamnuucid ah in bulshada dhexdeeda lagu daboosho wajiga.

Waa maxay xijaabka?

Xijaab

Erayga xijaab ayaa tilmaamaya in la is asturo guud ahaan balse waxaa sidoo kale loo yaqaannaa qamaarrada ay xirtaan haweenka Muslimiinta ah.

Qamaarradan ayaa ku yimaada noocyo kala duwan iyo midabbo kala duwan. Nooca ugu badan ee Soomaaliya laga xirto ayaa ah xijaabka ilaa jilbaha ku ek, halka dadka qaarna ay indhashareer xirtaan.

Waa maxay niqaab?

Niqaab

Niqaabku waa indhashareer daboolaya wejiga marka laga reebo indhaha. Si kastaba, waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay indhaha xitaa dabooshaan.

Waxaa lala xirtaa xijaab amaba qamaar.

Waa maxay burqa?

Burqa

Burqada waa mid ka mid ah kuwa ugu badan ee ay haweenka Muslimiintu xirtaan. Waa mid daboolaya wejiga iyo jirka dhan waana adag tahay in jirka qofka laga dhex arko.

Waa maxay khamaarka?

qamaarka

Khamaarku waa mid dheer, oo hore koofiyad oo kale ka ah wuxuuna daboolaa ilaa xabadka oo keliya.

Wuxuu daboolaa timaha, qoorta iyo garbaha gebi ahaanba, balse wejiga si waadax ah ayaa loo arkayaa.