Fanaanada caanka ah ee hees qabsatay TikTok ku soo ammaantay gabdhaha Soomaalida

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fanaanada caanka ah ee Nicki Minaj ayaa dhawaan soo saartay hees baraha bulshada Soomaalida qabsatay gaar ahaan TikTok iyo X oo horay oo loo oran jiray Twitter. Heestan oo ka mid ahayd albamkeedii ugu dambeeyay oo soo baxay 8-dii bishan Deseember ayaa waxaa ka mid ahaa ereyo ay ku ammaaneyso gabdhaha Soomaalida taas ayaanaa keentay in gabdho badan oo Soomaali ah oo qurbo jog u badan inay isku soo duubaan heestaan.
Nicki Minaj waa fannaanad caan ku ah heesaha Raabka ama Hip-Hop-ka. Waxay soo shaacbaxday 2010-kii.
Ereyada heestaan raabka ayaa waxaa ka mid ah qeyb ay gabdhaha Soomaalida ay ku tilmaameyso inay qurux badan yihiin waana qeybta soo jiidatay hablaha ee sababtay inay ka daba-dhacaan. lookin' just like a dolly “lookin' just like a dolly With a pretty Somali”
Heestaan oo ay si weyn uga falceliyeen gabdhaha Soomaalida ayaa waxa laga dareemayay inay filan waa ku noqotay dhallinyarada inay fanaanaddan albamkeeda ku soo hadal qaado magaca " Somaali" ay amaan dul dhigto gabadhaha.
Waa tuma Nicki Minaj?

Xigashada Sawirka, KEVIN WINTER
Nicki Minaj waxay 2010-kii masraxa la soo timid heestii raabka ahayd ee Friday Pink, wakhtigaas oo dumarka heesaha raabka qaado ay ka maqnaayeen masraxyada. Tan iyo markaas, waxay soo qaaday 133 hees oo ay ka mid yihiin Starships, Anaconda iyo Super Freaky Girl.
Ciyaarteedu waa mid cajiib ah, waana fanaanad caan ah.
Waxay sidoo kale aad ugu wanaagsan tahay dhanka raabka. Waxay qabatay shaqo fiican waxayna dhistay taageereheeda gaar ahaan jiilka hadda iyo kan soo socdaba.
Nicki Minaj oo magaceeda caadiga yahay Onika Tanya Maraj-Petty ayaa waxay dhalatay 8-dii bishii December 1982. Waxay ku dhalatay jasiiradda Trinidad and Tobago oo ah waddan u dhow Venzuela haatan waxay ku nooshahay Mareykanka. Waxaa lagu naaneysaa boqoradda Raabka.
Heesaheeda waxay ka mid yihiin kuwa aad loo iibsado oo waxaa la sheegay in ilaa 100 milyan oo doolar laga iibsaday guud ahaan adduunka.
Aabaheed oo isna ahaa fannaan qaada heesaha qaddiimiga ah ee qowmiyaddooda Tirinidadian. Robert Maraj waxa uu dhashay 1956-dii.
Hooyadeed ayaa sidoo kale ahayd fanaanad qaadda heesaha kaniisadaha laga qaado. Sidoo kale waxay u soo shaqeysay xisaabiye ahaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Nicki Minaj waxaa la dhashay wiil iyada ka weyn lagu magcaabo Jelani iyo mid kale oo yar oo la yirahdo Micaiah iyo sidoo kale gabar ka yar oo la yirahdo Ming.
Waxay la soo shaqeysay shirkado dhowr ah oo ay ka mid tahay Brooklyn group Full Force.
Bishii Febraayo 2021, Minaj aabbeheed, Robert Maraj, ayaa dhintay isagoo ku socda waddo ku taal shasiiradda ka dib markii uu gaari jiiray.
Waxay sheegtay inay ku dayato fannaaniin ay ka mid yihiin Lil Wayne, Foxy Brown, and Jay-Z kuwaas oo ay sheegtay in iyaga la’aantood aysan waxba noqoteen.
Tallaabooyinka ay qaadday Nicki Minaj o o aadka loogu xusuusuto waxaa ka ka mid ah markii 2019-kii ay baajisay bandhig lagu casuumay oo ka dhacayay dalka Sacuudiga, iyadoo sheegtay inay dooneyso inay taageero u muujiso xuquuqda dumarka iyo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.
Talaabadan ay ku baajisay ka qeyb galka bandhiga ka dhacaya magaalada Jeddah ayaa timid, kadib markii dad ay walaac ka muujiyeen rikoorka ka yaala dalkaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Dadka qaar ayaa su'aalo iska weydiinayay sida ay uga soo hor muuqan doonto boqortooyada lagu yiqaano asturnaanta iyo illaalinta dhaqamada diinta islaamka, maadama ay fanaanadan baneyso qeybo badan oo jirkeeda ka mid ah.













