Maxaa ka soo kordhay doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka oo soo dhawaatay

Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Isniin ah ay ku egtahay qaadashada kaararka cod bixinta doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo in Khamiista ay ka dhacdo magaalada madaxda Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in tirada ilaa hadda qaadatay kaararka codeynta ay sii kordheyso lana filayo in ay gaarto ilaa 480-kun.
"Ilaa iyo hadda waxaan bixinay ku dhawaad 480-kun, hadda waxaan mareynaa 430-kun, maalinkii dhowr iyo labaatan kun dad ka badan ayaa qaata, tirada kor ayey u socotaa" ayuu yiri guddoomiyaha oo intaas ku daray in ay si rasmi ay u sheegi doonaan maalinta talaadada tirada qaadatay kaararka.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in ay tababareen dad gaaraya shan kun iyo labo boqol oo qof oo ka shaqeyn doona goobaha cod bixinta oo kor u dhaafaya illaa shan boqol oo goobood.
Shaqaalaha doorashada ayaa la siiyay tababar saddex maalmood socday kaas oo lagu barayay habka ay u qabanayaan doorashada dhaceysa 25-ka bishan Disember.
Sida ay sheegeen guddiga doorashada, shaqaalahan ayaa tijaabo sameynaya 23-ka bishan iyagoo tagaya goobaha laga codeynayo si ay ugu go'aamiyaan qaabka ay u shaqeynayaan.
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay sida lagu xulay dad gaaraya shan kun oo ka shaqeynaya doorashada ka dhaceysa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay meelo kala duwan ka yimaadeen dadka ka shaqeeynaya doorashada.
"Waxaan wacnay jaamacadaha, waxaan wacnay dhammaan hay'adaha kala duwan, waxaan wacnay dadka xirfadlayaasha aan naqaanay, waxaan bilownay in aan dad diyaarino muddo bil ka hor ah, waana helnay, awal waxaa noo shaqeynayay 1200".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Guddiga doorashada ayaa hore u sheegay in ay diwaangelinayaan dad gaaraya hal milyan balse dadka hadda la diwaangeliyay ayaa aad uga yar tiradaas.
Doorashadan ma ahan mid si toos ah qof loo dooranayo ee waa doorasho loo codeynayo xisbiyo. Sida guddiga doorashadu sheegeen dadka codeynaya ayaa kala dooranaya xisbiyo iyo ururo siyaasadeed oo gaaraya ilaa iyo 20 urur.
"Qof lama dooranayo ee waxaa la dooranayaa xisbiyo" ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya.
Guddiga doorashada Soomaaliya waxay kaloo sheegeen in 390 kurso oo yaal 16 degmo lagu tartamayo iyadoo dadka ka qeybgalaya tartankana ay gaarayaan 1600.
Qaabka ay doorashada u dhaceyso ayey guddigu sheegeen in degmooyinka loo kala qeybiyay kuwa A ah iyo kuwa B ah. Kuwa ku jira qeybta A waxaa yaal sida guddigu sheegeen 27 kursi halka kuwa qeybaha B ku jirana ay yaalaan kuraas gaareysa 21.
Guddoomiyaha guddiga doorashada wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan meelo qaar oo ay goob doorasho ka dhigi waayeen duruufo jiro awgood.
Sida guddiga doorashadu sheegeen, 41 degmo oo ka baxsan magaaalada Muqdisho ayaa u qorsheysan in doorasho laga qabto marka la soo afjaro tan hadda ka socota magaalada Muqdisho.
"31 Janaayo ayaa rabnaa in aan soo afjarno golaha deegaanka gobolada si bisha Feberaayo loo qabto doorashooyinkooda golaha deegaanka" ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Sanadkii hore dhammaadkiisa ayey guddiga doorashadu sheegeen in doorashada ugu horreysa ee qof iyo cod ah ay ku qaban doonaan muddo 7 bilood gudahood ah balse dib ayey u dhacday.
Shir muddo saddex maalmood ah magaalada Kismaayo ugu socday mucaaradka oo ka koobnaa xubnaha Madasha Samatabixinta iyo maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo markii dembe la baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayey ka soo saareen war-murtiyeed ka kooban 13 qodob oo soo jeedin, baaq iyo digniinno isugu jiray.
Qodobbada ugu waaweyn oo kala ahaa kan 3-aad, 4-aad, 5-aad, 6-aad iyo 7-aad ayaa looga hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka iyo diginin loo diray dowladda.
Qodobka lixaad ayaa u dhignaa "in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loogu baaqay inuu muddo bil gudaheed ah oo ku ek 20-ka bisha Janaayo 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga heshiiyo doorashada xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii'da ku xusan".
Mucaaradka ayaa xusay in haddii taasi dhici waydo ay qaadayaan tallaabo ay ku sheegeen qodobka toddobaad oo ah "in ay isku raaceen in haddii madaxweynuhu ka dhaga adaygo qodobka kore uu Golaha Mustaqbalku gudagalo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada".
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in doorashada qof iyo cod dalka laga qabanayo.
Mucaaradka Soomaaliya ayaa hore u qaadacay doorashooyinkaas iyagoo ku tilmaamay mid dowladdu dano ka leedahay.
Sidoo kale waxaa jirtay dood ay qabeen siyaasiyiinta qaarkood oo ku aadan in xaaladda dalku ku sugan yahay aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah iyada oo xiriirka ka dhaxeeya maamulada qaar sida Puntland iyo Jubbaland iyo dowladda Federaalka aanu wanaagsaneyn.













