Soomaaliya iyo 9 waddan oo Afrikaan ah oo aan waligood imaan wareegga kama dambaysta ee koobka Qaramada Afrika

Xigashada Sawirka, Sonna
Waxaa si rasmi ah u daah-furmay koobka Qaramada Afrika ee (AFCON), iyada oo rasmi ahaan loogu daah-furay Axaddii dalka Morocco, waxaana ka qayb galaya 24 dal oo ku tartamaya hoggaanka qaarada ee kubbada cagta.
AFCON ayaa ah tartanka ugu ballaaran ee Afrika, waana madal muddo tobanaan sano ah halbeeg u ahayd horumarka, xasilloonida iyo ku tartamidda kubbada cagta ee qaarada Afrika.
Tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1957, ilaa 44 dal ayaa ugu yaraan hal mar ka qeybgalay wareegyada kama dambaysta ah ee AFCON, iyada oo quwadaha kubadda cagta sida Masar, Nigeria, Ghana iyo Cameroon ay taariikhda hoggaamineed ku leeyihiin tartanka.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo sanadihii u dambeeyay la kordhiyay tirada xulalka iyo fursadaha ka qeybgalka, haddana weli waxaa jira waddamo aan waligood u soo bixin wareegyada kama dambaysta ah ee ka qayb galka tartankan.
Iyaga weli dhankooda waxaa ka nool rajada ka qayb galka masraxa ugu weyn kubbada cagta Afrika, balse riyadaasi weli uma rumoobin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (Central African Republic)
Inta badan waxaa loo arkaa waddanka ugu rajada badan ee aan waligiis ka qeybgelin AFCON. Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika farsamo ciyaareed kuma yara, balse waxaa ragaadiyay caqabado joogto ah oo xasillooni-darro ah.
Ciyaartooy badan oo heer caalami ah ayaa ka ciyaara Yurub ama horyaallada adag ee Afrika, hase yeeshee xulka qaranku weli waxa uu la tacaalayaa jawi qalafsan, dhibaatooyin maamul iyo kuwo abaabulan.
Inkasta oo mararka qaar ay muujiyaan karti weyn, haddana marar badan ayay ku guuldarreysteen u soo bixitaanka AFCON.
Iyada oo kaalinta 37aad kaga jirta Afrika iyo 128aad dunida, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika waxa ay ku dhammaatay gunta hoose ee guruubkooda isreeb-reebka AFCON 2025 ee Morocco.
Jabuuti
Maadaama ay tahay xarun milatari iyo mid istaraatiiji ah, Jabuuti waligeed mudnaan weyn uma siin kubadda cagta qorshayaasha qaranka.
Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti waxaa la aasaasay 1979, wuxuuna ku biiray CAF sanadkii 1986 iyo FIFA sanadkii 1994. Xulka qaranka ayaa ciyaartiisii ugu horreysay ciyaaray 1947 markaas oo ay kahor yimaadeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.
Inkasta oo sanadihii u dambeeyay ay jireen horumarro dhanka maamulka ah, haddana xulka qaranku wuxuu la dhibtoonayaa tartan heer sare ah la'aantiis, kaabayaasha oo liita iyo khibrad caalami ah oo kooban.
Natiijadu waxa ay noqotay in Jabuuti aysan waligeed u soo bixin AFCON ama Koobka Adduunka tan iyo markii ay bilaabeen ka qeybgalka tartamada rasmiga ah 1998.

Xigashada Sawirka, CAF
Eswatini
Dalka markii hore loo yaqiinnay Swaziland, Eswatini waxay muddo dheer ku hoos jirtay hooska kubadda cagta Koonfur Afrika.
Guushoodii ugu dambeysay ee weyn ayaa timid isreeb-reebkii AFCON 2010, markaas oo ay gaareen wareegga labaad ka hor inta aan lagu reebin heerka kooxaha (Groups).
Isreeb-reebkii AFCON 2025, Eswatini waxa ay barbaro la gashay Guinea-Bissau, waxayna ka adkaadeen Zimbabwe, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah kooxihi ugu fiicnaa sanadihii u dambeeyay, balse kuma filnaanin in ay u soo baxaan koobka ka dhacaya Marocco.
Hadda Eswatini waxa ay ku jirtaa kaalinta 44aad ee Afrika iyo 148aad ee dunida sida ay sheegtay FIFA.
Soomaaliya
Khilaaf siyaasadeed oo muddo dheer socday ayaa carqaladeeyay horumarka ciyaaraha Soomaaliya. Xulka qaranka,( Ocean Stars), ma ciyaarin kulan caalami ah oo garoonkooda ah tan iyo 1986.
Soomaaliya hadda waxay ku jirtaa kaalinta 200aad ee dunida, welina waxay ku dhibtoonaysaa dhisidda saldhig tartan oo u suurtogeliya kubad cagta oo caalamiga ah.
Lesotho
Lesotho waa waddan yar oo ku yaalla koonfurta Afrika, kaas oo muddo tobanaan sano ah isku dayayay inuu saldhig ka sameeyo kubadda cagta qaaradda.
Inkasta oo ay xubin ka tahay FIFA tan iyo 1992, xulka qaranku waligiis kama qeybgelin wareegyada kama dambaysta ah ee loogu soo baxayo AFCON.
Caqabadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah dhaqaale xaddidan, isbeddel joogto ah oo tababarayaal leh, iyo ciyaaro saaxiibtinimo oo heer sare leh.
Maqnaanshaha qorshe horumarineed oo fog ayaa saameyn ku yeelatay joogtaynta guusha.
Chad
Chad waligeed kama qeybgelin AFCON ama Koobka Adduunka.
Socdaalladooda isreeb-reebka badanaa si degdeg ah ayay ku dhammaadaan, xitaa mararka qaar waxaa laga ganaaxay ka qeybgalka tartamada AFCON 2019 iyo 2021 sababo la xiriira ciqaabo ka yimid CAF.
Iyaga oo ka mid ah waddamada ugu hooseeya darajooyinka FIFA ee Afrika, Chad hadda waxa ay isku dayaysaa inay dib isu dhisto, waxaana haatan tababare u ah tababaraha reer Swiss ee Raoul Savoy.
São Tomé iyo Príncipe
Dalkan yar ee jasiiradaha ah wuxuu wajahaa caqabado juqraafi iyo dhaqaale.
Iyada oo dadkiisu ka yar yihiin 220,000, kaydka hibada ciyaartoydu aad buu u xaddidan yahay, horyaalka maxalliga ahna waa mid heer hoose ah.
Inkasta oo kheyraadku yar yahay, São Tomé waxay sii waddaa ka qeybgalka tartamada CAF iyo FIFA, balse soo bixitaanka AFCON weli iyaga waxa uu u yahay riyo fog.
Koonfur Suudaan
Maadaama ay tahay waddanka ugu da'da yar dunida, Koonfur Suudaan weli waxa ay kasoo dhisaysaa kubbada cagta hoos.
Inkasta oo ay jiraan caqabado dhanka kaabayaasha, dhaqaalaha iyo siyaasadda ah, haddana xulka qaranku wuxuu noqday astaan mideysa qarankaasi.
Iyada oo ku jirta kaalinta 47aad ee Afrika iyo 169aad ee dunida, Koonfur Suudaan weli waxa ay ku dhibtoonaysaa inay isu beddesho xul si dhab ah uga tartami kara qaaradda.
Seychelles
Dhaqaalaha Seychelles wuxuu inta badan ku tiirsan yahay dalxiiska, halka tartanka ciyaaraha uusan ahayn mudnaanta koowaad ee qaranka. Heerka farqi ee u dhaxeeya iyaga iyo quwadaha waaweyn ee Afrika aad buu u weyn yahay.
Seychelles waligeed kama soo bixin wareegyada kama dambaysta ah ee AFCON, badanaana waxa ay ku dhammaataa gunta hoose ee (Goups)ka isreeb-reebka, iyaga oo la kulma guuldarrooyin culus.
Eritrea
Si gaar ah Afrika gudaheeda, Eritrea waxa ay ku dhowaatay inay gebi ahaanba ka maqnaato kubadda cagta caalamiga ah sanadihii u dambeeyay.
Ka bixitaanka tartamada, qaadacaadda ciyaaraha iyo jawiga siyaasadeed ayaa si toos ah u saameeyay horumarka kubadda cagta.
Waddanku hadda kama muuqdo darajooyinka FIFA, sababta oo ah muddo dheer kama qeybgelin ciyaaro rasmi ah.










