Shanta dal ee loo saadaalinayo in ay qaadaan Koobka Qaramada Afrika ee AFCON

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaaraha koobka Qaramada Qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFCON ayaa la filayaa in lagu qabto dalka Morocco laga bilaabo 21-ka bishan desember 2025, waxa uuna soconayaa ilaa iyo 8-da bisha Janaayo ee sanadka dambe ee 2026. Ciyaarahan ayaa markii ugu horeysay noqday in aan la saadaalinkarin.
Ilaa markii la bilaabay ciyaaraha AFCON ,sanadkii 1957-dii tartanka waxa uu ahaa mid furan oo ugu yaraan 5 ilaa 6 dal ay awood u lahaayeen in ay tartan u galaan koobka sidii ay ku qaadi lahaayeen.
Marka laga soo tago dalka martigelinaya ciyaaraha ee Morocco, waxaa jira dhowr dal oo kale oo hore ugu soo baxay koobka adduunka. Dalalkaas ayaa kala Senegal, Masar, Ivory Coast iyo Algeria.
Waxyaabaha la yaabka ee ciyaarahan Afrika lagu yaqaan ayaa ah in aan la saadaalin Karin cidda hoggaanka qaadeysaa. Inta badan waxaa dhacday in dhowr dal ay noqdaan kuwa aan kala saari karin.
Morocco waxay dooneysaa in ay taariikh dhigto

Xigashada Sawirka, PABLO MORANO/BSR AGENCY/GETTY IMAGES
Morocco rajo weyn ayey ka qabtaa in sanadkan ay kooka qaadaan maadama loogu keenay dalkoodi oo marti loo yahay.
Xulka qaranka Morocco ee uu hoggaamiyo Walid Regragui waxaa uu liiska FIFA kaga jiraa halka ugu sareeya, waxay noqdeen ciyaarihii adduunka ee 2022-dii naadigii ugu horeeyay Afrika ee gaara wareegga afar dhammadka.
In tartanka uu ka dhaco Morocco uma ahan oo kaliya faa'ido balse waa mid ay ku heli lahaayeen in ay koobka ku qaadaan taas oo noqoneysaa markii labaad oo ay helaan ilaa iyo sanadkii 1976-dii oo aheyd markii ay qaadeen.
In aad martigeliso ciyaaraha ma ahan oo kaliya faa'ido. Laga bilaabo ilaa markii ciyaarahan la furay sanadkii 1957-dii, 12 jeer oo kaliya ayey dhacday in uu koobka qaado dalka martigelinaya. Laga soo bilaabo sanadkii 2000, dalalka martigeliyay ee qaaday ayaa kala ahaa Tunisia 2004-tii, Masar 2006-dii iyo Ivory Coast oo gurigeeda ku qaaday sanadkii 2024.
Xulka qaranka Masar ee Faraaciinta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Masar oo toddoba jeer qaaday koobka Qaramada Afrika marna ma noqon dal koobka ka dheeraada.
Sanadkii 2022-kii, Masar waxay dooneysay in ay qaadaan markii sideed balse rajadaasi waxaa meesha ka saaray xulka qaranka Senegal.
Xulka qaranka Masar waa naadi isku-darsaday dhalllinyaranimo iyo khibarad. Waa arrin u suuragelisay inta badan in ay kaalin weyn ka galaan tartamada heerka gobol iyo kuwa caalamiga.
Ivory Coast: Maroodigii soo rogaal celiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taariikh ayey u aheyd in ay qaadaan koobka Qaramada Afrika sanadkii 2024 oo ay martigeliyeen. Ivory Coast waxay difaacaneysaa hadda horyaalka.
Tani ayaana ka dhigeysa in ay noqdaan kooxaha loo saadaalinayo in ay qaadi karaan sanadkan kooba. Hadii ay guuleystaan waxay u noqoneysaa markii saddexaad oo ay qaadaan koobka.
Morocco waxay imaadeen iyagoo rajeynaya in ay xajistaan horyaalka. Balse waxaa sugaya diwaanka tartanka lagu yaqaan oo ah ilaa markii la bilaabay ciyaarahan, saddex dal oo kaliya ayaa xajisatay koobka oo dib u qaaday.
Senegal waxay ka mid tahay xulalka ugu adag

Xigashada Sawirka, Getty Images
Senegal oo koobka qaaday afar sano ka hor kaddib markii ay muddo dheer sugeysay ayaa sidoo kale laga badiyay ciyaarihii dhacay 2002-dii iyo 2019-kii. Xulkan ayaa ah mid aad u adag sanadkan.
Waxay qaadeen koobka sanadkii 2021-kii balse labo sano kaddib waa laga adkaaday. Hadda waxay u muuqdaan in ay dheelitiran yihiin oo rajo fiican ay qabaan.
Waxay haystaan ciyaartoy qibrad leh sida Sadio Mané, Kalidou Koulibaly iyo Idrissa Gueye. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay la socdaan sanadkan xulka ciyaartoy yar yar oo karti leh.
Algeria oo hadda la tayeeyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaddib markii ay labo jeer caqabad soo wajahday sanadihii 2021 iyo 2023, waxay taasi keentay in koobka AFCON laga saaro isreereebka guruubyada.
Ujeedka Algeria ee sanadkan waa uu cad yahay. Waa in ay awoodood la soo baxaan markale.
Algeria weli waa xul adag oo awood u leh in ay wacdaro soo bandhigaan tartanka. Ciyaarahan inta ay socdaan ayaa la ogaan doonaan kartida iyo awoodaha dalalka ka qeybgalaya koobka.













