Salah oo sheegay in Liverpool ay "Gacan bidixeeysay cidlana looga tagtay"

Mohamed Salah ayaa sheegay inuu dareemayo sidii in Liverpool ay "ku tuurtay baska hoostiisa" xiriirkii uu la lahaa tababaraha kooxda Arne Slotna uu burburay

Xigashada Sawirka, BBC Sport

Mohamed Salah ayaa sheegay inuu dareemayo sida in Liverpool ay "ku tuurtay baska hoostiisa" xiriirkii uu la lahaa tababaraha kooxda Arne Slotna uu burburay.

Salah wuxuu ahaa keyd aan la isticmaalin kulankii Sabtidii ee barbaraha 3-3 ay la galeen Leeds United - waana ciyaartii saddexaad oo xiriir ah oo weeraryahanka Masar uu ku bilaabay kursiga keydka.

Ciyaaryahanka dhaliyay 250 gool 420 kulan oo uu u saftay Liverpool ayaa wareysi aan caadi ahayn oo uu siiyay saxafiyiinta ku yiri: "Waxaan u maleynayaa inay aad u caddahay in qof uu doonayay inaan qaato masuuliyadda eedda oo dhan."

"Waxaan dhowr jeer oo hore sheegay inaan xiriir wanaagsan la la leeyahay maamulaha, arina lama filaan ah hadda xiriir nagama dhaxeeyo."

"Ma garanayo sababta laakiin waxay ila tahay, sida aan u arko, in qof uusanrabin in kooxda si joogo.

"Waxay u egtahay in kooxdu ay baska hoostiisa igu tuurtay. Taasi waa sida aan dareemayo. Waxaan u maleynayaa inay aad u caddahay in qof uu rabay inaan dhammaan anigu eedda qaato.

"Kooxdan, mar walba waan taageeri doonaa. Carruurtaydu had iyo jeer way taageeri doonaan. Aad baan u jeclahay kooxda, mar walbana waan taageeri doonaa."

"Xaaladdan ma ah mid aan aqbali karo, dhab ahaantii. Ma fahmin. Waxay la mid tahay in baska hoostiisa laygu tuurayo oo la I gacan bidixeeynayo. Uma maleynayo in dhibaatadu ay aniga tahay. Wax badan ayaan u qabtay kooxdan."

Salah, oo u socda Koobka Qaramada Afrika 15-ka Diseembar, ayaa intaa ku daray in aanu hubin mustaqbalkiisa Liverpool, inkastoo uu saxiixay qandaraas cusub oo laba sano ah bishii Abriil.

Salah, oo 33 jir ah, ayaa dhaliyay 29 gool horyaalka Premier League 2024-25 iyadoo Reds ay ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Slot uu hogaamiyo

Xigashada Sawirka, BBC Sport

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Salah, oo 33 jir ah, ayaa dhaliyay 29 gool horyaalka Premier League 2024-25 iyadoo Reds ay ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Slot uu hogaamiyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu halgamayey qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii Liverpool ay awoodi waysay inay la mid noqoto si la mid ah heerkii ugu sarreeyay ee xilli ciyaareedkii hore.

Salah, oo uu Jurgen Klopp kooxda keenay isagoo ka keenay kooxda Roma sannadkii 2017, ayaa dhaliyay gool afar jeer oo keliya 13 kulan oo uu saftay horyaalka heerka sare ee xilli ciyaareedkan.

Horyaalka Saudi Pro muddo dheer ayuu Salah ku haminayey iyadoo lagu doodi karo inuu yahay ciyaaryahanka ugu caansan ee ka yimid Bariga Dhexe ee dunida jooga - kuna jira liiska xiddigaha adduunka oo ay ku jiraan Cristiano Ronaldo iyo Sadio Mane.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Al-Hilal, oo ay maamusho Simone Inzaghi, ay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya Salah.

BBC Sport ayaa loo sheegay in Liverpool aysan dabreyn mustaqbalka Salah iyadoo ay jirto xiisaha Sacuudiga.

Ka dib ciyaartii Leeds - markii Liverpool ay hogaanka ku qabatay 2-0 ka dibna 3-2 ka hor inta aysan Leeds dhalin goolka barbardhaca daqiiqadii 96aad - Slot ayaa u sheegay Sky Sports sababta uu Salah u fariisiyay kursiga keydka.

"Waxay ahayd wax badan oo ku saabsan xakamaynta ciyaarta [3-2] mana aanan u baahnayn gool," ayuu yiri Slot ka hor wareysiga Salah. "Caadiyan marka aad u baahanatahy gool, sida usbuucii hore ee Sunderland, waxaan keenay Mo."

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa'id ee ka horreeyay ciyaarta Jimcihii, Slot wuxuu sheegay inuu fahmay hadalka ku saabsan Salah ka dib markii laga reebay kooxda.

Waxa uu intaas ku daray " wuu u qalmaa taas, wuxuu saameyn weyn ku lahaa aniga iyo [muddo] lix ama toddobo sano ah kooxda . Waa wax caadi ah in dadku ka hadlaan marka uusan ciyaareynin," ayuu raaciyay Slot.

Salah, oo kaalinta saddexaad kaga jira liiska gooldhaliyaasha ee abid ugu sarreeya Liverpool, ayaa ka dambeeya Ian Rush (346) iyo Roger Hunt (285), kaasoo kulankiisii ugu dambeeyay 4-1 ee ay PSV Eindhoven kaga badisay gurigooda Champions League 26kii Nofembar.

Falanqayn: 'Saaxiibada kooxdu waa ay ka naxi doonaan'

Haddii Mohamed Salah uu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Liverpool, markaas 'boqorka Masar' wali waxa u ahaan doonaa halyeey Liverpool ah.

Tan iyo markii uu £34m uga soo wareegay Roma sannadkii 2017, 33 jirkan ayaa dhaliyay 188 gool oo Premier League ah oo keliya.

Kaliya Alan Shearer (260), Harry Kane (213) iyo Wayne Rooney (208) ayaa leh in ka badan 190-ka gool ee Salah uu ka dhaliyay Premier League - wuxuu laba gool u dhaliyay Chelsea intii uu joogay 2013-14.

Salah ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee PFA xilli ciyaareedkii hore ka dib markii uu dhaliyay 29 gool isla markaana uu ku daray 18 caawin intii uu ku jiray ku guuleysiga Kabah dahabka ah (Golden Boot) iyo horyaalka Liverpool.

Haddana, arinka hareeyay xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa sheekada qandaraaskiisa, iyadoo heshiis uu saxiixay 2022 uu ka dhigay ciyaaryahanka ugu mushaharka badan abid ee Liverpool qandaraaskaas oo ku eg xagaaga 2025.

Bishii Abriil, Salah wuxuu saxiixay heshiis kordhin laba sano ah, taasoo soo afjartay warar xan ah oo sheegayay inuu si xor ah uga tagi doono kooxda, laakiin xilli ciyaareedkan wax soo saar yar ayuu sameeyay, isagoo dhaliyay shan gool oo keliya 19 kulan oo uu saftay.

Ka dib markii uu Liverpool ku soo bilaabay 53 kulan oo xiriir ah oo Premier League ah, Salah waxaa keydka geliyay saddexdii kulan ee ugu dambeysay Arne Slot, iyadoo tababaraha Reds uu weli ku tilmaamay "xirfadle sare" isla markaana uu ku adkeystay in Salah uu u jawaabay sida ciyaaryahan kasta oo sare uu sameyn lahaa.

Haddana xaqiiqda ah in Salah uu istaago oo uu doortay inuu la hadlo wariyeyaasha Elland Road waa wax cajiib ah. Si cad ayuuna wax u sheegay.

Waa wax aan caadi ahayn in Salah uu uu istaago oo taageerayaasha uu salaaamo, waxayna ahayd ka dib markii Liverpool ay ka adkaatay Southampton bishii Nofeembar ee sannadkii hore markii uu arkay oo uu ku dhawaaqay in ay "u badantahay inuu ka tagayo garoonka" ka dib markii uu shaaca ka qaaday inaan weli la siinin qandaraas cusub.

Markii hore, saaxibadiisa kooxda way la yaabeen markii ay arkeen isagoo raadinaya weriyeyaal, waxayna dareemi doonaan si la mid ah taasi ka dib wareysigiisii ugu dambeeyay ee aan caadiga ahayn.

"Aad ayaan uga niyad jabsanahay. Wax badan ayaan u qabtay kooxdan, gaar ahaan xilli ciyaareedkii hore," ayuu yiri. "Waxay ila tahay in qof uusan dooneynin in aan kooxda joogo." Ayuu yiri Salah.

Liverpool, Salah wuxuu ku guuleystay Premier League laba jeer (2019-20 iyo 2024-25), Champions League (2018-19), FA Cup (2021-22), EFL Cup (2021-22) iyo sidoo kale Uefa Super Cup iyo Fifa Club World Cup sannadkii 2019.

Si shaqsi ah, wuxuu afar jeer ku guuleystay abaalmarinta Golden Boot ee gooldhaliyaha ugu sareeya Premier League, taasoo ay isku mid yihiin Thierry Henry oo rikoorkaasi haysto. Kaliya Ian Rush iyo Roger Hunt ayaa goolal badan u dhaliyay Liverpool.

Haddana haddii Salah uusan heli hab uu kaga gudbo kursiga keydka, waxay u egtahay inay noqon karto dhammaad xun oo ku dhaca halyeeyga Premier League.

Dhammaadka usbuuca soo socda, waxa uu u bixi doonaa Koobka Qaramada Afrika, haddana su'aashu taagani waxay tahay, in uu soo laaban doono bisha Janaayo isagoo ah ciyaaryahan Liverpool ah.