Shan ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn ee aan waligood ku guuleysan Afcon

Xigashada Sawirka, BBC Sport
Xiriirka u dhexeeya Mohamed Salah iyo Liverpool ayaa ah mid liiqliiqanaya balse ma ahan wax shaki galaya guulahiisa Anfield.
Xidiga eer Masar waxa uu ku guuleystay koobab badan intii uu la joogay Liverpool, balse waligii kuma guuleysan Koobka Qaramada Afrika (Afcon) intii uu dalkiisa u ciyaarayay.
Inkasta oo weeraryahankan uu taasi baddeli karo finalka bisha soocota ee Morroco, haddana qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn kubadda cagta Afrika weligood ma aysan qaadin koobkan.
BBC Sport Africa ayaa soo bandhigaysa shan magac oo waaweyn oo aan helin abaalmarinta ugu weyn qaaradda Afrika.
Mohamed Salah (Masar)

Xigashada Sawirka, Getty Images
33 jirkan miyuu weligii noqday kabtankan xulka qaranka dalkiisa Masar? Masar waa xulka ugu guulaha badan Afcon, waxay qaadeen 7 horyaal.
Balse wax koob ah ma qaadin ilaa iyo sanadkii 2010-kii. Mudadaas ayey ahayed waqtiga Mohamed Salah uu soo baxay.
Waxaa xusid mudan in Masar aysan u soo bixin ciyaarihii Afcon ee 2012, 2013 iyo 2015 taas oo ka dhigtay in Salah uu markii ugu horreysay ka qaybgalo 2017, markaas oo koobka ay qaadeen Cameroon.
Salah, oo loo doortay ciyaaryahanka Afrika ee sanadihii 2017 iyo 2018, ayaa markale niyad jab kala kulmay tartankii Afcon 2019 ee lagu qabtay dalkiisa. Koonfur Afrika ayaa ku reebtay wareegga 16-ka.
Masar waxay dib ugu soo laabatay final-ka Afcon 2021-kii, balse Salah waxaa waqtigaas garaacay saaxiibkiis Liverpool, Sadio Mane.
Waxa loo reebay gool ku laadkii shanaad ee go'aamin lahayd guusha, balse Salah ma uusan helin fursad uu ku tuuro, maadaama Senegal ay ku guuleysatay 4–2 inta aan isaga la soo gaarin Salah.
Didier Drogba (Ivory Coast)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Drogba mar walba wuxuu ahaa nin ciyaaraha waaweyn ka muuqda oo lagu yaqaan Chelsea, wuxuu u dhaliyay sagaal gool 10 final oo waaweyn oo Chalsea ay timid. 8 ka mid ah ciyaarahaas ayuu koobka qaaday.
Si kastaba ha ahaatee, weeraryahankan awoodiisa ma aheyn mid muuqata kaddib markii labo jeer oo dalkiisa kabtan u ahaa ay rigoorooyin ku dhamaatay.
2006-dii, waxay iska horyimaadeen Masar oo martigelinaysay, balse Drogba rigooradii ugu horreysay waa laga qabtay, Masarna waxay ku badisay 4–2.
2012-kii, dalkan galbeedka afrika waxay ku soo laabteen final-ka, si weyn ayaa loogu saadaaliyay guusha in ay qaadayaan oo Zambia ka adkaanayaan, balse mar kale Drogba ma guuleysan.
Inkasta oo uu ahaa ciyaaryahan ku guuleystay wax walba isla markaana door ka qaatay soo afjaridda dagaalkii sokeeye ee dalkiisa, haddana koobka Afcon ayaa ahaa mid Drogba ka maqan ee uusan weli qaadin.
George Weah (Liberia)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka la eego abaalmarinnada shaqsiga ah ee weeraryahankii hore ee Paris St-Germain, AC Milan iyo Chelsea uu helay, waa mid ka sare marineysa dhammaan ciyaartoyda kale ee Afrika.
Weah waa ciyaartoyga kaliya ee Afrikaan ah ee ku guuleystay Ballon d'Or, isagoo ku guuleystay sanadkii 1995-kii, isla sanadkaasna markii labaad ayaa loo doortay ciyaaryahanka Afrika ee sanadka.
Xulka dalkiisa Liberia labo jeer oo kaliya ayey ka qeybgaleen tartanka, labadaasna isaga ayaa ka mid ah ciyaartoyda, mana u suuragelin in uu qaado koobka.
Liberia waxay ciyaareen labo kulan oo guruubyada ah markii ugu horeysay 1996-dii. Nigeria markii ay ka baxday tartanka iyagaa ayaa ku haray. Liberia waxay ciyaaraha markale ku soo laabtay sanadkii 2002-dii.
Ugu dambeyn Weah wuxuu u gudbay masraxa caalamiga ah isagoo madaxweyne ka noqday dalkiisa intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2024.
Nwankwo Kanu (Nigeria)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weeraryahanka deggen ee leh taabashada jilicsan, wuxuu ku raaxaystay xirfad kooxeed oo koobab badan uuku qaaday. Champions League ayuu la qaaday Ajax, wuxuuna koobka Uefa la qaaday Inter Milan.
Xidigaas, Kanu wuxuu magaciisa ku qoray taariikhda kubadda cagta Nigeria isagoo ka mid ahaa kooxdii ku guuleystay Koobka Adduunka ee 17 jirada sanadkii 1993 iyo sidoo kale in uu helay biladda dahabka sanadkii 1996-dii.
Markii ugu dhaweyd ee koobka loo filayay waxay aheyd sanadkii 2000 markaas oo xulkiisa ay Cameroon uga badisay rigoorooyin.
Laba jeer ayaa loo doortay ciyaaryahanka Afrika ee Sanadka. Kanu wuxuu ka fariistay ciyaaraha isagoo haysta bilad dahab oo Olombikada ah, balse Afcon wuxuu ka helay kaliya qalin iyo maar.
Michael Essien (Ghana)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii 1982-dii ayey aheyd guushii ugu dambeysay Ghana ee ciyaaraha Afcon, taasna waxay ka dhigtay dalkaas in jiilal badan oo ciyaartoy heer sare ah aysan waligood qaadin koobka.
Essien ayaa ka mid ahaa, waxaana lagu tilmaama ciyaartoy Khadka dhexe dalkiisa kii ugu fiicnaa. Sida Drogba, wuxuu Chelsea la qaaday wax walba intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2012.
2008, markii Ghana martigelisay ciyaaraha, waxaa lagu daray liiska ciyaartoyda ugu fiican, balse Cameroon ayaa ku reebtay semi-finalka.
Ciyaaro badan ayuu dalkiisa u saftay balse waxaa awoodiisa hoos u dhigay dhaawacyo badan oo soo gaaray.













