Ciyaartoyada Afcon ee indhaha lagu hayo

Xigashada Sawirka, BBC Sport
Koobka 35-ta dal ee Afrika ayaa ka bilaabanaya Morocco 21-ka Bishan Desembar. Ciyaarta ugu dambeysa kulamadan ayaa ka dhaceysay magaalada Rabat 18-ka Janaayo.
. Masar ayaa qaaday koobkan sanadkii 2010-kii.
Lix ka mid ah magacyada ugu waa weyn ee tartanka AFCON ka qeybgalaya ayaan halkan ku soo bandhigeynaa.
Azzedine Ounahi (Ciyaartoyga khadka dhexe ee Marocco)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Achraf Hakimi oo hada ah xiddiga sanadka ee ciyartoyda Afrika iyo kabtanka naadiga ayaa la filayaa in uu caafimaad ahaan ka qeybgali karo tartanka hadii aysan taasi dhicin waxay ku qasban yihiin in baddel loo helo.
Ciyaartoyga Khadka dhexe ee Real Madrid, Brahim Diaz ayaa ahaa kan ugu goolasha badan isagoo dhaliyay 7 gool balse reer Morocco waxay rajeynayaan in Azzedine Ounahi oo xukuma khadk dhexe in uu soo baxayo.
Ounahi waxa uu ka soo baxay akadeemiyada caanka ah ee VI. Culeys ayaa ku qabsaday Marseille kaddib markii uu halkaas u wareegay. Ciyaarihii adduunka ee 2022-kii ayuu muujiyay awood xooggan.
Morocco waxay la ciyaari doonaan dalalka Comoros, Mali, iyo Zambia oo ay kuwada jiraan guruubka A. Xulka Marocco waxaa ku jira ciyaartoy awood leh sida Yassine Bonou iyo Youssef En-Nesyri. Hadii Hakimi uusan ciyaari karin sanadkan, waxaa suuragal ah in lagu beddelo Ounahi.
Mohamed Amoura (Weeraryahanka Algeria)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Amoura waxa uu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu goolasha badnaa qaarada Afrika isree-reebka koobka adduunka ee sanadkan.
Weeraryahanka Wolfsburg waxa uu dhaliyay 11 gool sideed kulan oo u dalkiisa u saftay ilaa bishii Maarso. Goolasha uu dhaliyay waxaa ku jira saddex uu ka dhaliyay Mozambique.
Riyad Mahrez waxa uu ahaa ciyaartoygii ugu muhiimsanaa horyaalkii sanadkii 2019-kii. Labadooda waxaa ka dhexeeya is-faham wanaagsan.
Amoura waa ciyaartoy halis ah, waxay hadda guruubka E kuwada jiraan dalalka Sudan, Burkina Faso, iyo Equatorial Guinea.
Victor Osimhem (Weeraryahanka Nigeria)

Xigashada Sawirka, Reuters
Way iska cadahay in guusha Nigeria ay si weyn ugu tiirsan tahay hadii uu weeraryahanka Galatasaray diyaar yahay, uuna caafimaad qabo.
Xulka Nigeria waxay haystaan 15 dhibcood. Osimhen waxa uu halbowle u yahay xulka. Nigeria xaalku wuu ku adkaaday kulankii DRC kaddib markii lagu qasbay in ciyaarta uu ka baxo.
Frank Onyeka oo ay isku naadi yihiin ayaa ku tilmaamay Osimhen "qof aan la gaarikarin". Hadii Nigeria ay dooneyso in ay meel fiican gaarto aad ayuu muhiim ugu yahay.
Ibrahim Mbaye (Weeraryahanka Senegal)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sadio Mane weli waa ciyaartoy muhiim u ah xulka horyaalka AFCON 2021 qaaday. Ndiaye and Ismaila Sarr hadda waxay ka dheelaan horyaalka Ingiriiska. Labadaas ciyaartoy iyo Mane hadii ay isla joogaan, xulkooda waxa uu haystaa saddex weeraryahan oo cajiib ah.
Taageerayaasha xulka qaranka Senegal ayaa u arka Ibrahim Mbaye ciyaartoy mustaqbal leh. Mbaye waxa uu hore ugu dheeli jiray da'yarta Faransiiska. Wuxuu u ciyaaray PSG. Ciyaartii Champions Leauge ee Barcelona ayaa la safay isagoo baddel ku yimid.
Rogers Mato (Weeraryahanka Uganda)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xulka qaranka Uganda dib ayuu ugu soo laabtay AFCON. 2019-kii waxaa lagu reebay wareegga 16-ka. Sanadka 2017-ka waxay u diyaargaroobayaan in ay martigeliyaan ciyaaraha
Ciyaarihii loogu soo baxayay koobka adduunka guruubkooda waxay galeen kaalinta labaad, waxay ka dambeeyeen Algeria.
22 jirkan waxa uu dhaliyay labo gool oo cajiib ah markii ay ka guuleysteen Mozambique bishii Sabtembar.
Uganda waxay ku jirtaa guruub adag oo ah C, waxaana sugaya Nigeria iyo Tunisia iyo sidoo kale Tanzania.
Reinildo (difaaca Mozambique)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mozambique waxay gaareen heer aysan weligood soo gaarin, waxayna u socdaalayaan Waqooyiga Afrika.
Markii ugu horeysay waxaa xulkooda ku jira ciyaartoy ka dheela horyaalka Ingiriiska. Reinildo waxa uu noqday ciyaartoygii ugu horeeyay dalkiisa ee ka dheela horyaalka Ingiriiska kaddib markii uu ku biiray naadiga Sunderland.
Ciyaartoygan ayaa ka yimid Atletico Madrid bishii July ka hor inta uusan Sunderland ku soo biirin.
31-jirkan ka dheelaa weerarka, wuxuu ka caawiyay xulka Black Cats in ay si weyn kor ugu soo kacaan.













