Somaliland oo ka hadashay halka uu ku dambeeyay muranka hawada ee kala dhaxeeyay Soomaaliya

Garoonka diyaaradaha Hargaysa

Xigashada Sawirka, X

Somaliland ayaa sheegtay in arrinka la xiriira maamulka hawada ee muranku ka dhashay uusan wali ahayn mid la xalliyay wadooyin sharci ah u marayaan si ay "ugu daba tagaan".

Wasiirka duulista iyo garoomada Somaliland oo BBC da la hadlayay ayaa sheegay in murankii hawada ee kala dhexeeyay Soomaaliya iyo sidoo kale arrinta E-Visa aan labadoodaba wali xal laga gaarin.

Isaga oo haatan booqasho ku joogaa boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo uu kula kulmay hay'ado ka shaqeeya gaadiidka hawada, ayuu BBC da u sheegay in Soomaaliya ay si khaldan uga faa'iideysanayso heshiiskii 2012 - dood ay muddaba qabtay Somaliland, balse Soomaaliya ay diidan tahay.

''Nasiib daro, heshiiskii ay wadagaleen xukuumadii Somaliland 2012 iyo maamulka Muqdisho ka jiray ayaa qolada Soomaaliya ay si khaldan uga faa'iideysanayaan oo ay uga dhigayaan inay maamulayaan hawada Somaliland, taasna gacantaan ku hayaan," ayuu yiri Wasiirka Duulista iyo Garoomada Somaliland, Fuaad Axmed Nuur.

Waxa uu intaa raaciyay, "arrimo sharci weeyaan waynu ka daba tagaynaa".

Wasiir Fu'aad ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta uu muranka badan ka dhashay ee dalku galka E-Visa ee ay ka horyimaadeen, isaga oo sheegay "in ay u caddeynayaan adduunka in Soomaliya aysan awood sharci ku lahayn Somaliland", "uusana ka shaqaynayn deegaankooda fiisa kasta oo ay soo saaraan".

''Waa sax e-visa dadka waa la weydiinayaa, laakiin xaqiiqadu waxa weeyaan oo aan gacanta ku haynaa oo aan adduunka u caddeynaynaa oo UK iyo wadamada kaleba u caddeynay in aanay Soomaaliya awood sharci ku lahayn Somaliland, fiisa kasta oo ay soo saaraana aanu Somaliland ka shaqaynayn oo aan lagu gali karaynin''.

Wasiir Fu'aad ayaa BBC-du wax ka weydiisay inay dadka dhib ku tahay in ay dhankooda joojiyaan, iyada oo madaarada kale ee caalamu ay e-visa weydiinayaan dadka oo amarka DFS u hogaansameen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

''Diyaaraduhu waxa ay ku shaqeeyaan shuruucda caalamiga ee Ekaawo (ICAO) , waxaana sharciga caalamiga ee (ICAO) uu dhigayaa qofka safraya ama socdaalaya waxaa la weydiin karaa hal fiisa ah ama hal dal ku gal, sidaa awgeed fiisahan in aanu shaqaynayn oo ay tahay oo kali ah isbaaro ay dadkaas Muqdisho joogaa sharciyad haystaa ay isticmaalayaan, aduunyadana waan la wadaagnay, waana la isaga daba imaanayaa oo sii socon maayo, meeshana waa laga saari doonaan''.

Soomaaliya ayaa dhaqan galisay nidaamka elektarooniga ee e-VISA, horraantii bishii September taasi oo muran baddan uu ka dhashay, ka dib markii ay Somalliland ka soo horjeesatay.

Muran ku aadan dhanka hawada oo sababay in qalqal galo diyaarado isticmaalayay hawada ayaa qarxay bilowgii sanadkii 2024 kii, kaas oo markii dambe istaagay iyada oo aan wax xal ah lga gaarin.

Somaliland ayaa xilligaas sheegtay in ay dacwad ka gudbineyso dowladda Soomaaliya iyada oo ku eedeysay in ay ku tagrifashay maamulka hawada.

Balse dowladda Soomaaliya ayaa eedeymahaas oo dhan ku tilmaantay waxba kama jiraan, iyada oo ku adkaysatay in maamulka hawada ay tahay masuuliyad u taalla dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale sanadkaan aynu ku jirno ee 2025, waxaa soo ifbaxay khilaad u dhaxeeya labada dhinac kadib markii ay dowladda Soomaliya dhaqan galisay nidaamka E-Visa, kaa oo dhammaan diyaarada sameeya duulimaadyada caalamiga ah ay ku waajibiyeen rakaabkooda wata baasaboorada ajnabiga ah in ay wataan E-visa.