Sacuudi Carabiya oo sanadkii labaad oo xiriir ah jabisay rikoorkeeda tirada xukunka dilka ah ee ay fuliso

Sacuudi Carabiya ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah jabisay rikoorkeeda tirada xukunka dilka ee sannad kasta la fuliyo

Xigashada Sawirka, ESOHR

Qoraalka sawirka, Kalluumaysato Masri ah Issam al-Shazly ayaa la dilay Talaadadii ka dib markii lagu helay dambiyo la xiriira daroogada

Sacuudi Carabiya ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah jabisay rikoorkeeda tirada xukunka dilka ee sannad kasta la fuliyo.

Ugu yaraan 347 qof ayaa sanadkan lagu fuliyay dil, taas oo ka badan tirada guud ee 345 ee sanadkii 2024, sida ay sheegtay koox olole oo lagu magacaabo Reprieve oo fadhigeedu yahay UK, taas oo la socota dilalka ka dhaca Sacuudi Carabiya isla markaana leh macaamiil ku jira xeryaha lagu hayo dadka ku xukuman xukunka dilka ah.

Waxa ay sheegtay inay ahayd "sannadkii ugu badna ee la fuliyay xukunandda dilka boqortooyada tan iyo markii la bilaabay in lala socdo".

Maxaabiistii ugu dambeysay ee la dilay waxay ahaayeen laba muwaadin oo Pakistaan ah oo lagu xukumay dambiyo la xiriira daroogada.

Dadka kale ee loo geystay dilka sanadkan waxa ka mid ahaa wariye iyo labo dhalinyaro ah oo xilligaas ahaa carruur markii dambiyada lagu eedeeyay ay la xiriireen mudaaharaad. Shan ka mid ah waxay ahaayeen haween.

Laakiin, sida ay sheegtay Reprieve, inta badan - ku dhawaad seddex meelood laba meelood - waxaa lagu helay dembiyo la xiriira daroogada oo aan keenin dil, taas oo Qaramada Midoobay sheegtay inay 'ka soo horjeedo xeerarka iyo heerarka caalamiga ah.'

In ka badan kala bar waa shisheeye lagu dilay qayb ka mid ah "dagaalka daroogada" ee boqortooyada.

Maamulka Sacuudiga ayaan ka jawaabin codsiga BBC ee ku saabsan kororka dilalka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Sacuudi Carabiya hadda si xor ah ayey u howlgalaysaa si aan shuruud lahayn," ayey tiri Basyouni, madaxa Reprieve ee dambiyada ciqaabta dhimashada ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. "Waxa ay inta badan ka dhigtay nidaamka xuquuqda aadanaha mid ciyaar ciyaar ah."

Waxay ku tilmaantay jirdilka iyo qirashooyinka khasabka ah inay yihiin "kuwo baahsan" nidaamka caddaaladda dambiyada Sacuudiga.

Ms Basyouni waxay ku tilmaantay "dagaal naxariis darro ah oo aan rasmi ahayn" oo lagu qabtay dad aan waxba galabsan iyo kuwa ku jira xuduudaha bulshada.

Talaadadii waxa la fuliyey dilka nin dhalinyaro ah oo kalluumeysato Masri ah, Issam al-Shazly, kaas oo laga qabtay sanadkii 2021 xuduudda badda Sacuudiga, waxaana la sheegay in lagu qasbay inuu daroogo soo geliyo.

Reprieve waxay sheegtay in 96-ka dil ee la fuliyey ay si gaar ah ugu xirnaayeen xashiishadda.

"Waxay u muuqataa inaanay dan ka lahayn cidda ay dilayaan, taas oo looga golleeyahay in bulshada loo diro fariin ah in aan wax dulqaad ah loo hayn arrinta ay ka hadlayaan - ha ahaato bannaan-baxyo, xorriyadda hadalka, ama daroogo," ayay tiri Ms Basyouni.

Waxa jiray koror xagga dilalka la xiriira daroogada tan iyo markii mas'uuliyiinta Sacuudiga ay joojiyeen hakin aan rasmi ahayn dhamaadkii 2022 - tallaabo ay Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ku tilmaameen 'nasiib daro aad u weyn'.

Iyagoo si qarsoodi ah ula hadlay BBC-da, qaraabada ragga ku jira safka dilka ee lagu soo oogay dambiyada daroogada ayaa ka hadlay 'argagaxa' ay hadda ku nool yihiin.

Mid ka mid ah ayaa BBC-da u sheegay: "Waqtiga kaliya ee toddobaadka aan seexdo waa Jimcaha iyo Sabtida, sababtoo ah ma jiraan waxdil ah maalmahaas."

Hoggaamiyaha dhabta ah ee Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan - oo noqday dhaxal sugaha boqorka 2017 - ayaa si weyn u beddelay dalka sanadihii u dambeeyay, isagoo dabciyay xayiraadaha bulshada isla markaana aamusiyay dhaleeceynta

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa fududeeyay xayiraadaha bulshada isla markaana aamusiiyay kuwa wax dhaleeceya

Hoggaamiyaha dhabta ah ee Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan oo noqday dhaxal sugaha boqorka 2017 - ayaa si weyn u beddelay dalka sanadihii u dambeeyay, isagoo dabciyay xayiraadaha bulshada isla markaana aamusiyay kuwa wax dhaleeceeya.

Si aanu dhaqaalihiisa u noqon mid kaliya ku tiirsan shidaalka, wuxuu Sacuudiga u furay dunida inteeda kale, isagoo waddooyinka ka saaray booliiska diinta, wuxuuna dumarka u oggolaaday inay baabuurta wadaan.

Laakiin diiwaanka xuquuqda aadanaha ee boqortooyada weli waa uu "liitaa", sida ay sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha u ololeeysa ee Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay Mareykanka, iyadoo heerka sare ee dilalka uu yahay mis si weyn looga walaaco. Sanadihii u dambeeyay, kaliya Shiinaha iyo Iiraan ayaa dad badan dilay, sida ay sheegeen u dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha.

" Wax ciqaab ah lama kulmin Maxamed bin Salmaan iyo maamulkiisu sababtoo ah waxay wadeen dilalkan," ayuu yiri Joey Shea, oo ka shaqeeya cilmi-baarista Sacuudiga ee Human Rights Watch. "Dhacdooyinka madadaalada, ciyaaraha, dhammaantood way sii socdaan iyada oo aan wax cawaaqib ah aanay ku imaan, runtii."

Sida laga soo xigtay Reprieve, qoysaska dadkooda la dilay badanaa lama ogeysiiyo si horudhac ah, lama siin meydka, ama lama ogeysiiyo meesha lagu aasay.

Mas'uuliyiinta Sacuudiga ma shaacin habka dilka, inkastoo la rumeysan yahay inay ahayd madax goyn ama la toogtay.

War-saxaafadeed uu u soo diray BBC-da, Dr. Morris Tidball-Binz, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dilalka aan sharciga waafaqsanayn, ayaa ku baaqay in si degddeg ah loo joojiyo dilalka Sacuudi Carabiya iyada oo taas loola jeedo ka-noqoshada, iyo sidoo kale "u hoggaansanaanta buuxda ee ilaalinta sharciga caalamiga ah (oo ay ku jirto kaalmada sharciga ee waxtarka leh iyo helitaanka qunsuliyad ee muwaadiniinta ajnabiga ah), ogeysiiska degdega ah ee qoysaska, soo celinta medydadka iyada oo aan dib loo dhigin iyo daabacaadda xogta dhammaystiran ee dilalka si loo suurtageliyo kormeer madaxbannaan".

Dadka u ku dhintay xukunka dilka ee u dhashay Sacuudiga sanadkan waxaa ka mid ahaa Abdullah al-Derazi iyo Jalal al-Labbad, kuwaas oo labaduba ahaa caruur markii la xiray

Xigashada Sawirka, Amnesty International

Qoraalka sawirka, Abdullah al-Derazi iyo Jalal al-Labbad waxaa lakala dilay bishii Oktoobar iyo Agoosto siday u kala horreeyaan, kadib markii lagu helay dambiyo lagu eedeeyay inay galeen iyagoo yar

Dadka u ku dhintay xukunka dilka ee u dhashay Sacuudiga sanadkan waxaa ka mid ahaa Abdullah al-Derazi iyo Jalal al-Labbad, kuwaas oo labaduba ahaa caruur markii la xiray.

Waxay ka horyimaadeen sida dowladda ay ula dhaqantay qowmiyadda yar ee Muslimiinta Shiicada sanadihii 2011 iyo 2012, waxayna ka qayb galeen aaska dadka ay dileen ciidamada ammaanka. Waxa lagu helay dambiyada la xiriira argagixisada waxana lagu xukumay dil kadib markii Amnesty International sheegtay in dacwad caddaalad-darro ah lagu qaaday taas oo ah "qirasho" oo uu jirdil ku jiro. Khubaro ka tirsan xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la sii daayo.

Qaramada Midoobay sidoo kale waxay cambaareysay dilkii bishii Juun wariye, Turki al-Jasser, oo la xiray sanadkii 2018, laguna xukumay dil sabab la xiriirta eedeyma argagixisnimo iyo khiyaano sare iyadoo lagu saleynayo eedeeymo ku saasban qoraallo laga been abuuray inuu qoray.

"Ciqaabta dilka ee loo geeysto saxafiyiinta waa weera cabsi gelinaya xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda," ayay tiri Agaasimaha Guud ee Unesco, Audrey Azoulay.

Saxaafiyiinta aan Xuduudaha Lahayn ayaa sheegay inuu ahaa wariyihii ugu horeeyay ee la dilay Sacuudi Carabiya tan iyo markii Maxamed bin Salmaan xukunka qabtay, inkastoo wariye kale, Jamal Khashoggi, uu ku dhintay gacanta wakiilada Sacuudiya ee qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul sanadkii 2018.

Saxafi Turki al-Jasser ayaa xukun dil ah lagu fuliyay bishii Juun ka dib toddobo sano oo xabsi ah

Xigashada Sawirka, Human Rights Watch

Qoraalka sawirka, Saxafi Turki al-Jasser ayaa xukun dil ah lagu fuliyay bishii Juun ka dib toddobo sano oo xabsi ah

Bishii Diseembar ee sanadkii lasoo dhaafay, khubarada Qaramada Midoobay ayaa u qoray mas'uuliyiinta Sacuudiga walaacooda ku aadan koox ka kooban 32 Masaari ah iyo hal muwaadin oo u dhashay Jordan oo lagu xukumay dil daroogo, iyo in "taas oo lagu eedeyay la sheegay in aanay helin wakiil sharci". Kadibna inta badan kooxdaasi waa la dilay.

Qaraabada nin horay loo dilay sanadkan ayaa sheegay in uu u sheegay in dadka loo qaadayo sida ariga loo dilo.

BBC-da ayaa la xiriirtay maamulka Sacuudiga si ay uga jawaabaan eedeymaha, laakiin jawaab kama aysan helin.

Laakiin warqad ku taariikhaysan Janaayo 2025 - oo looga jawaabayo walaacyadii ay soo jeediyeen kormeerayaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay - waxay sheegeen in Sacuudi Carabiya ay "ilaaliso oo taageerto" xuquuqda aadanaha iyo shuruucdeeda " taas oo mabnuuceyso ciqaabaabta jirdilka".

Warqadda ayaa lagu sheegay, "Ciqaabta dilka waxaa lagu fuliyaa kaliya dambiyada ugu culus iyo xaalado aad u xaddidan." "Lama gudbiyo ama lamaba fuliyo ilaa la marsiiyo habraacyada garsoorka ee maxkamadaha lana marsiiyo dhammaan heerarka kala duwan."