BBC oo ogaatay in jaamacadaha UK ay qaataan ardayda shisheeye ee aan si fiican u aqoon luuqadda Ingiriiska

Xigashada Sawirka, Getty Images
Yasmin ma ahan magaceeda saxda ah, waxay ka timid Iiraan, waxayna UK u timid in ay jaamacad ka dhigato. Markii ay ogaatay in badan oo ka mid ah ardaydii ay wax la baraneysay oo aan aqoon Ingiriis fiican, way la yaabtay. Hal iyo labo ayaana ahaa ardayda u dhalatay UK.
"Sidee ku dhici kartaa in aan sii wato maaddadan anigoon fahmeyn lahjadda Biritish-ka ama luuqadda? Ayey ku tiri BBC.
Inta badan ardayda, dad kale ayey lacag ku siiyaan in ay u qoraan waxa loo diro ayey tiri Yasmin, iyadoo intaa ku dartay in qaarkood ay lacag ku bixinayaan in qof kale uu u fariisto fasalka.
Waxa ay Yasmin aragtay waa walaac jira. Ururka jaamacadaha iyo kuleejooyinka UCU waxay sheegen in hay'adahan iska indho-tirayaan aqoonta luuqadaha ardayda maadama ay lacag badan ka helayaan ardayda shisheeye.
Mid ka mid ah barayaasha jaamacadda ayaa noo sheegay in 70% ardaydiisa heerka labaad ee jaamacadda aysan aqoon Ingiriis ku filan.
Jaamacadaha UK oo ka kooban 141 ayaa diiday eedahaas iyagoo sheegay in ardayda dibadda ka imaanaya looga baahan yahay Ingiriis fiican in ay yaqaannaan, sharcigaasna uu yahay mid adag.
Jo Grady oo ka tirsan ururka UCU oo ay ku mideysan yihin 120,000 oo barayaal jaamacad iyo shaqaalaha kale ah ayaa sheegtay in ay tahay wax la ogyahay ardayda aan aqoon Ingiriiska in ay helaan siyaabo ay ku yimaadaan UK si ay wax u bartaan.
Ku dhawaad toddobo ka mid ah 10-kii arday ee heerka labaad ee jaamacadda waxay ka yimaadeen hadda dibadda, taasina waa mid ka badan maaddooyin kale ayey tiri Rose Stephenson oo ka tirsan machadka siyaasadda tacliinta sare.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jaamacadaha ku yaal Ingiriiska waxay aradyada darajada koowaad ka qaadaan sanadkii in ka badan 12 kun oo doollar, mana lahan xad lacagtaas, oo intaas way ka sii badan kartaa.
"Ardayda shisheeye waxaad ka qaadi kartaa inta ugu badan ay bixinayaan", ayey tiri Ms Stephenson.
Qof kale oo u shaqeeyay ganacsi u diyaariya ardayda caalamiga jaamacadaha ayaa sheegay in ay beegsadaan qoysaska awooda in ay iska bixiyaan lacagta.
Qofkaas kashifay sirta oo markii hore la hadlay wargeyska Sunday Times ayaa sheegay in ay ogyihiin in jaamacadaha si weyn ay lacag ugu baahan yihiin, ayna qaadanayaan qorshooyin kale.
"Ma jirto cid kale oo madaxbannaan oo fiirineysaa darajooyinka ama imtixaanada"
Qofka ka shifay sirtan waxa uu u shaqeeya kooxda Study Group oo ka mid ah tobaneeyo bixiya adeegyada jaamacadaha ardayda loogu keenayo, waxayna lacag ka sameeyaan diwaangelinta ardaydaas.
Kooxdan si weyn ayey u diideen waxa qofka sirta kashisfay sheegayo iyagoo ku dooday in ardayada shisheeye ay ku helaan jaamacadaha kartidooda. Waxay kaloo sheegeen in jaamacadaha ay go'aansadaan nidaamka ardayda lagu qaato oo aysan iyaga shaqo ku laheyn.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Yasmin waxay bixisay in ka badan 20 kun oo doollar oo ah lacagta laga qaado ardayda shisheeye. Ugu dambeyn waxay ogaatay in 100 arday ay keeneen shaqooyin loo soo qabtay. UK waa dambi hadii aad arday u qorto ama u diyaariso casharo laga sugayay.
Markii Yasmin ay u sheegtay macalinkeeda waxa socda, wax tallaabo ah kama qaadin. Yasmin waxay hadda dareemeysaa in master-ka ay qaadatay uu qiimahiisa hoos u dhacay.
Bare jaamacadeed ayaa noo sheegay in uu wax ka baddelay habka uu ardaydada wax u baro isagoo sheegay in ardayda ay fasalada ku dhex adeegsadaan barnaamijyo luuqada u turjumo. Wuxuu kaloo sheegay in dhibaatu aysan aheyn ardayda shisheeye ee isku dayaya in ay qabtaan intii awoodooda ah, wuxuu kaloo sheegay in xaalada ay kala duwan tahay.
Joe Grady waxay sheegtay in aysan aheyn wax lala yaabo in ardayda aan aqoon Ingiriiska fiican in ay dareemaan baahi ay u qabaan in la caawiyo. Waxay kaloo sheegtay in maamulka jaamacadaha ay fiirsadaan oo kaliya lacagta soo galeysa.
Dhinaca kale ardayda shisheeye ee imaaneysa UK ayaa sii yaraaneysa. Xogta ku saabsan ardayda soo dalbata fiisooyinka qeybtii hore ee sanadkan ayaa muujineysa in 16 boqolkiiba ay hoos u dhaceen.
Waaxda Waxbarashada waxay BBC-da u sheegtay in ku tiirsanaanta ardayda shisheeye ay tahay arin khatarteeda leh, waxaana looga baahan yahay in jaamacada badan ay baddelaan habka ay u shaqeeyaan. Dowaldda waxay kaloo sheegtay in ay ka go'an tahay in si taxadar leh ay u maareyso dadka dibadda ka imaanaya.













