Miyaa la xiray ninkii lagu tuhunsanaa inuu gabadhan meydkeeda dugaag cunsiiyey

Xigashada Sawirka, Social media
Booliisku waxay sheegeen in la soo xiray ninkii lagu tuhunsanaa dilka gabar ka shaqeyneysay bangiga taas oo meydkeeda ay cuneen xaywaanka dibadda joogay.
Ninka la tuhunsanaa waxa uu ka cararay goobta kaddib dilka foosha xumaa ee lagu dilay haweeneyda ka shaqeyneysay bangiga. Wararka sheegaya in la xiray ninkaas ayaa baraha bulshada qabsaday.
Taliyaha booliiska magaalada Sandafa Bakkee, Ayyalaa Ashinee, ayaa sheegay in warkaasi yahay mid marin-habaabin ah oo been ah.
"Boolisku weli waa raadinayaan ninka la tuhunsan yahay, waana been warka sheegaya in la xiray" ayuu yiri taliyaha oo bulshada ka codsaday in ay booliiska kala shaqeeyaan sidii lagu soo qaban lahaa ninkaas.
Booliisku waxay sheegeen in haweeneyda la dilay, Adaanech Kumsaa, ay ahayd shaqaale Bangiga Ganacsiga Itoobiya laanta Alaltuu, isla markaana ay ku noolayd magaalada Sandaafaa Bakkee.
Sidee loo dilay?
Ku-xigeenka madaxa waaxda baarista ee booliiska magaalada Sandaafaa Bakkee, Nigatu Alamuu, ayaa BBC-da u sheegay in dilka arxan-darrada ah uu dhacay lixdii bishan.
"Dilka waxa uu dhacay saddexdii habeenimo, wuxuuna ka dhacay Sandaafaa Bakkee".
Qof yaqaanay iyada iyo qoyskeeda ayaa BBC-da u sheegay in gabadha la dilay ay hore qoyskeeda cabasho ugu gudbisay oo ku saabsan ninka la tuhunsan yahay kaas oo u hanjabay iyadoo shaqada joogta, balse walaalkeed ka weyn, Kasahun Kumsaa, waxa uu sheegay in aysan arrintaas ogeyn qoyska ama qof u hanjabay gabadhooda.
"Dhammaan walaalahayaga halkan ayey joogaan. Ma jirin wax aan ka maqalnay oo ah dhibaato hore," ayuu yiri walaalkeed.
Adaanech, oo ahayd hooyo laba carruur ah leh, waxay ku dhalatay degmada Qondaalaa, halkaas oo ay ka ahayd shaqaale. Walaalkeed Kaasahun Kumsaa ayaa sheegay in ninkeeda oo ahaa darawal ka shaqaynayay shirkad dhismo uu keenay Addis Ababa, kaddibna ay kala tageen.
Adaanech ayaa guri ka kireystay Sandaafaa halkaas oo ay wada deganaayeen iyada iyo labadeeda cunug, waxayna ka shaqeyneysay bangiga.
Yuu yahay ninka la tuhunsan yahay?

Xigashada Sawirka, Family
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Adaanech walaalkeed ka weyn ayaa sheegay in ay joogtay Addis Ababa iyadoo ninka la tuhunsan yahayna uu wadada ku sugayay.
Qof qoyska u dhow ayaa sheegay in maalintaas tababar uu bixiyo Bangiga Ganacsiga Itoobiya ay ku qaadaneysay agagaarka Meksiko ee Addis Ababa, isla habeenkaasna ay taleefan ku hadleysay inta u dhaxaysa 1:00 iyo 2:00 habeenimo.
Walaalkeed waxa uu sheegay in uusan ogeyn xiriirka kala dhexeeyay ninka lagu tuhunsan yahay dilkeeda balse uu weydiinayay carruurteeda, dariska iyo saaxiibadeed.
Mar la weydiiyay walaalkeed in xiriir uu kala dhexeeyay ninka la tuhunsan yahay ayaa ku jawaabay in qof jecel uusan sidaas sameyn laheyn.
"Dilka kaliya ma ahayn, balse in maydkeeda loo daayo xaywaanka jidka jooga ayaa ka sii daran," ayuu yiri Kaasahun Kumsaa oo murugo aad u daran ay ka muuqato.
Ninka la tuhunsan yahay ayaa ku noolaa magaalada Addis Ababa, wuxuu lahaa qoys isagoo qandaraasle ka ahaa halka ay haweeneyda ka shaqeyneysay.
Adaanech ma dooneyn in ay xiriir kale gasho maadama hore uu u soo gaaray dhaawac kaga yimid guurkeeda hore, waxayna dooneysay in ay korsato carruurteeda.
Sida baaritaanka booliisku muujineyso ilaa hadda, dhibbanaha iyo eedeysanaha, oo la yiraahdo Tsagaayee Asaalifoo, waxay lahaayeen xiriir jacayl, habeenkaasna hotel ayey cunto ka dalbadeen.
Qof codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in Adaanech aysan xiriir jacayl la lahayn ninkaasi, balse uu ku qasbayay oo uu handadi jiray.
"Labadoodu waxay hotel Yeroosan ka dalbadeen cunto, balse muran awgiis, Adaanech habeenkaas waxba ma cunin, wayna baxday,"
Qof yaqaanay Adaanech ayaa BBC-da u sheegay in ninka la tuhunsan yahay kadaba baxay markii ay hotelka ka tagtay iyadoo iska dhigeysay in ay gacmaha dhaqaneyso.
"Kadib, ninka ayaa gaariga ku qasbay, wuxuu geeyay meel la yiraahdo Gomaaxaa oo ka baxsan magaalada, halkaas ayuu ku dilay," ayuu yiri qofka yaqaanay gabadha.,
Ninka la tuhunsan yahay ayaa toogtay haweeneyda kaddibna halkaas uga dhaqaaqay meydkeeda oo ay xaywaanku cuneen.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen rasaas iyo gaari u eg kan boolisku qabteen.
Ninka la tuhunsan yahay ayaa goobta ka baxsaday isagoo halkaas kaga dhaqaaqay gaariga iyo hubkii uu ku dilay. Booliska ayaa raadinaya si cadaaladda loo horkeeno.
Adaanechn waxay ka dhalatay qoys tacliin sare leh, waxayna aheyd gabadha ugu yar qoyska.













