Faahfaahinta gabar dhallinyaro oo ka soo jeeda Itoobiya oo lagu dilay magaalada Dhuusamareeb

Xigashada Sawirka, BBC / Leyla Cabdi
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug waxaa xalay lagu aasay gabar dhallinyaro ahayd oo u dhalatay dalka Itoobiya, kana soo jeeday qowmiyadda Oromada taas oo uu habeen hore dilay nin ka tirsan qoys ay shaqaale u ahayd, sida ay BBC u sheegeen taliska booliska ee magaalada Dhuusamareeb.
Taliyaha saldhiga booliska ee magaalada Dhuusamareeb, Nuur Cilmi Maxamed oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in ninku oo ku jira da'aada sodomeyada uu gabadha middi dhawr jeer uga dhuftay feeraha.
Goobta uu falkaan ka dhacay ayaa ah xaadadda Waxar-cadde ee magaaladaas Dhuusamareeb.
“Gabadha markii tooreeyda lagu dhuftay xataa dhaawac ma noqno oo istbitaal lama gayn laakin horey ayay ka dhimatay” ayuu BBC da u sheegay taliye Nuur.
Waxaa uu sheegay in ninkii dilka gaystay ay gacanta ku hayaan ciidanka booliska, ayna wadan baritaano dheerada ah oo la xiriira kiiskaan.
Sababta keentay dilka ayaan ilaa iyo hadda cadayn, booliska ayaasa sheegay inay baaritaan wadaan.
"ma jirin muran dhex maray wiilka iyo gabdha oo qoyeska u shaqeeynaysay, baaritaankii wali waa socada”, ayuu hadalkiisa raaciyay taliyaha booliska ee Dhuusamareeb.
Taliyaha saldhiga Dhuusamareeb waxaa kale oo uu sheegay in ninka la sheegay in uu dilka gaystay uu ahaa nin deeganka laga yaqaano oo mararka qaar xanuunka uu kusoo kaco. Ma jiro baariin caafimaad oo rasmi ay soo xiganayeen saraakiisha booliska ee Dhuusamareeb.

Xigashada Sawirka, Dhuusamareeb
Dhacdadaan ayay dadka qaar ee degan Dhuusamareeb sheegeen in ay ka argagaxeen, maadaama ay tahay mid ku cusub badidood.
Layla Cabdi Cabdullahi oo ka mid ah ganacstada Dhuusamereeb oo in muddo ah ay la joogtay gabdha la dilay ayaa BBC-da u sheegatay in ay aad uga naxday falkaan.
“Allah u naxariitsee, waxa ay magaaladeena timid bishii November, reerka ay u shaqeeynaysa waxaa ay la joogatay muddo 20 bari camal ah,” ayay BBC da u sheegtay Leyla.
Qoyska ninka la sheegay inuu dilka gaystay ayaa BBC da u sheegay inay aad uga xumaadeen falka uu ku kacay wiilkoodu, iyaga oo sheegay inaysan si faahfaahsan uga hadli karin arrintan oo ay walwalsan yihiin. Balse waxay sheegeen in iyaga iyo qoyska gabadha la dilay ay isku afgarteen in la aaso.
"Gabadhu waxay ahayd gabadheena oo kale", ayuu BBC u sheegay xubin ka mid ah qoyska.

Xigashada Sawirka, BBC / Leyla Cabdi
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Degaanada dowladda Gobaleedka Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa ka shaqeeya dad badan oo ka soo jeeda dalka Itoobiya, kuwaas oo fursado shaqo biday Soomaaliya.
Qaar kamid ah oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ay soo wajahday cabsi ku aadan amnigooda.
Layla Axmed waa gabar ka soo jeeda dalka Itoobiya oo kamid ah gabdha dhallinyarada ee usoo shaqo doontay magaalada Dhuusamareeb, waxay saaxiibo ahaayeen gabadha la dilay oo qoyskoodu degan yihiin magaalada Diri-dhabe.
Layla waxa ay sheegatay in saaxiibteed ay dhawr mar la soo xiriirtay iyada oo ka cabaneysa wiil ugu hanjabayay inuu dilo.
“Anigu wiil yar ayaan u qabay, waxaan ku iri 'Ka qaad mindida,' laakin hadii aan ogaan lahaa in uu qof weyn yahay xaafadda dhan ayaan ka wadi lahaa “ ayay tiri Leyla.
Iyada oo aad codkeedu murugo ugu dheehan tahay ayay tiri: "Saaxiibtay ayay ahyed si weyn ayaan uga naxay dilkeeda,". kadib ooyin kala joogsi lahayn ayay bilowday. Siima aysan wadi karin wareysigii aan kula yeelanayay qadka taleefanka.
Leyla ayaa sheegtay in saaxiibtted ahayd gabar mar walba ku hammisa sidii ay waxa uga badeli lahyed nolasha qoyeskooda oo ay Dhirir-dhabe ugu soo tagay sidi ay u caawin lahayd.
“waxay igu tiri 'Markii aan bishaan shaqeeyo lacagta Taleefon weyn ayaan ku gadanaya oo xaafadda kala hadlo waan sii shaqeeyn doona'”, ayay BBC u sheegtay Leyla.
Walwal iyo cabsi ayay sheegtay in ay dareentay tan iyo markii saaxiibteed la dilay inkasta oo qaar kamid ah bulshada deeganku u sheegan in aysan walwalin oo ay ka ilaalin doonaan in dhibaato loo geysto.













