Wareegga kala-reebta ee 16ka kooxood ee qaramada Afrika (AFCON) oo la shaaciyey kooxaha u soo baxay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaddib markii ay dhamaadeen cayaarihii Uganda-Nigeria (1-3) iyo Tanzania-Tunisia (1-1), waxaa hadda la xaqiijiyay in la aqoonsado 16-kii xul ee u soo gudbay wareegga kala baxa ee Koobka Qaramada Afrika (AFCON). Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo baahnaan doonaa in la sugo in muddo ah si loo ogaado isku aadka kooxahaas oo dhamaystiran.
Qiimaynta kooxaha kaalinta saddexaad galay ee ugu fiican ayey dadku aad u xiisaynayaan inay sii ogaadaan iyada oo saadashu si joogto ah isku beddesho, taasna waxay ku xiran tahay natiijada.
Tan iyo markii Botswana (Group D), Equatorial Guinea (Group E), iyo Gabon (Group F) laga saaray xitaa ka hor kulanka ugu dambeeya, kaliya waxay ahayd lagama maarmaan in la sugo natiijada Uganda - Nigeria iyo Tanzania – Tunisia, si loo ogaado liiska buuxa ee kooxaha u soo baxay wareega 16ka koox.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Ka dib markii rajadii Uganda ay meesha ka baxday, ka dib markii ay Nigeria ka dhaliyeen daqiiqaddii 28-aad, kaddibna ay 10-ciyaaryahan ku soo dhaadhaceen qeybtii labaad ee ciyaarta, laba xul oo keliya ayaa ku haray tartanka ugu dambeeya.
Goolkii bar-baraha ahaa ee uu daqiiqadii 48-aad u dhaliyay xulka Tanzania Feysal Salum ayaa meesha ka saaray in ay wax goolal ah ka dhalin karaan Angola. Goolkaas dheeraadka ah ee uu dhaliyay ayaa xaqiijiyay in Tansaaniya ay soo baxdo.
Kaliya guul ay gaaraan Carthage Eagles – xulka Tunisia – ayey Angola ku soo bixi lahayd. Xiddigaha Taifa waxa ay haysteen ilaa dhamaadka (1-1) si ay ugu soo baxaan markii ugu horaysay taariikhdooda.
16ka kooxood ee hadda soo baxay waxay kala yihiin
Guruub A: Morocco, Mali
Guruub B: Masar, Koofur Afrika
Guruub C: Nigeria, Tunisia, Tanzania
Guruub D: Senegal, DR Congo, Benin
Guruub E: Algeria, Burkina Faso, Sudan
Guruub F: Cameroon, Ivory Coast, Mozambique

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wareegga 16ka kooxood ee AFCON ayaa bilaabanaya 3 Janaayo 2026, ayadoo kooxdii laga badiyo ay toos uga hari doonto tartanka, waxaana uu socon doonaa wareegaas ilaa 6 Janaayo.
Maalin kasta laba cayaarood ayaa la ciyaari doonaa, ayadoo tan hore ay billaabanayso 7da fiidnimo ee Afrikada bari, halka tan labaadna ay dhici doonto 10ka fiidnimo ee isla saacadda Afikada bari.
Cayaarta 1aad oo dhex maraysa Senegal iyo Sudan Sabtida waxay dhici doontaa garoonka Grand stade de Tanger, halka cayaarta labaad ee Mali iyo Tunisia-na ay ka dhici doonto Garoonka Mohammed V stadium ee magaalada Casablanca.
Wareeggaas markuu dhamaado waxaa xigi doona cayaaraha rubuc dhamaadka oo la cayaarayo 9 iyo 10 Janaayo, halka Semi-finalkana la cayaari doono 13 Janaayo.
Cayaarta kama dambaysta ah ayaa ka dhici doonta garoonka amiir Moulay Abdellah ee magaalada Rabat oo qaada 69,500 oo qof Axadda ay bisha Janaayo tahay 18, saacadda Afrikada Bari marka ay tahay 10ka fiidnimo.













