Ganacsiyo Soomaalida Maraykanka muhiim u ahaa oo la joojiyay

FBI

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Sakshi Venkatraman
    • Author, Max Matza

Maamulka Trump ayaa sheegay in uu hakiyay bixinta lacagaha xarumaha xanaanada carruurta ee gobolka Minnesota, kaddib markii YouTuber xagga siyaasadda ah uu ku eedeeyay in dhowr xarumood oo ay maamulaan dad Soomaali ah ay lacag dadweyne ka qaadanayeen iyaga oo aan carruurta daryeelin.

War lagu qoray barta X , maalintii Salaasada ayaa sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha oo soo xigtay muuqaalka faafay waxa uu sheegay in hay'addu ay bartilmaameedsan doonto "musuqa cad oo u muuqda in uu ku baahsan yahay Minnesota."

Mas'uuliyiinta gobolka ayaa ka hor yimid eedeymaha musuqmaasuqa ee muuqaalka lagu soo bandhigay.

Xiisadda dhinaca socdaalkaee gobolkaas oo ah meesha ay ku nool yihiin tirada ugu badan Soomaalida ee Maraykanka ayaa dhawaan sare u kacday , kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in aanu doonayn in ay sii dalka joogaan.

"Waxaan hakinnay dhammaan bixinta lacagaha xarumaha xanaanada carruurta ee gobolka Minnesota," ayuu ku dhawaaqay Ku-xigeenka Xoghayaha HHS, Jim O'Neill, isagoo qoraal ku soo qoray barta X, Talaadadii.

Wuxuu sheegay in go'aankan uu ka dambeeyo "eedeymo culus oo sheegaya in gobolka Minnesota uu malaayiin doolar oo canshuur ah lagu lunsaday xarumo xanaanada carruurta iyo in musuqmaasuq uu ka jiray muddo tobannaan sano ah."

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay joojin doonto bixinta sannadlaha ah ee $185 milyan ee gobolka ilaa inta dib-u-eegis buuxda looga samaynayo xarumaha la sheegay.

Qoraalka O'Neill wuxuu intaa ku daray in HHS ay soo bandhigi doonto nidaam oolagu dabaqi doono dhammaan bixinta lacagaha mustaqbalka ee gobollada. Nidaamkan wuxuu u baahan doonaa "caddeyn iyo foojarro iyo sawir ka hor inta aan lacag lagu dirin gobolka."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Muuqaalka uu sameeyay Nick Shirley, oo malaayiin jeer laga daawaday baraha bulshada ta iyo markii la baahiyay dhammaadkii usbuuca ayaa soo bandhigay eedaymmo ka dhan ah dhawaad toban xarumood oo lagu sheegay in aanay bixin wax adeeg ah ama aanay carruurba joogin markii Shirley uu halkaasi booqday.

Mas'uuliyiinta gobolka oo go'aankan dhalleeceeyay ayaa iyagu u sheegay warbaahinta gacan-saarka la leh BBC-da ee CBS News in ay booqdeen qaar ka mid ah xarumaha mar kale toddobaadkan.

Waxay intaa ku dareen in labo xarumood ay hore u xidhmeen.

CBS ayaa marka ay dib u eegis ku samaysay diiwaannada dadweynaha ee xarumaha, ayaan helin wax caddeyn ah oo musuqmaasuq la xidhiidha, inkasta oo ay heleen tilmaamo la xidhiidha amaanka, nadaafadda, qalabka, iyo tababarka shaqaalaha.

Dhammaan xarumaha lagu xusay muuqaalka marka laga reebo laba xarumood, waxay lahaayeen ruqsado, dhammaantoodna waxaa booqday kormeerayaasha gobolka lixdii bilood ee la soo dhaafay.

"Waxba kama jiraan eedaymahan. Sababtu waxa ay tahya in marka hore aad hesho shartiga ganacsiga ayaaba aad u adag. Shuruudo badan ayaa loo maraa. Laakiin waxay iila muuqataa in ay ahayd tallaabo marka horaba uu maamulka Trump qorshaynanay. Waxa Soomaalida ay bartilmaameedka u noqdeen waa in ay yihiin dad si dhib yar waddanka kula qabsaday oo dhaqaale sameeyay," ayaa uu yidhi.

Abdirizak Alibos oo ka faallooda arrimaha bulshada ee Soomaalida Marayakanka ayaa qaba in eedaymaha ka dhanka ah xarumahaasi aanay ahayn kuwo xaqiiqada ku salaysan.

Kormeerkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 4-ta Diseembar kaas oo lagu sameeyay xarunta Sweet Angel Daycare, oo ah xarun si gaar ah u soo jiidatay dareenka dadweynaha isticmaala baraha bulshada.

Agaasimaha FBI, Kash Patel, ayaa horraantii toddobaadkan sheegay in uu ka warqabay "warbixinno dhawaan lagu baahiyay baraha bulshada", islamarkaana baadhitaanno ku saabsan musuqmaasuqa Minnesota ay socdaan tan iyo xilligii safmarka Covid 19.

Kormeerkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 4-ta Diseembar ee xarunta Sweet Angel Daycare, oo ah xarun si gaar ah ugu soo jiidatay dareenka baraha bulshada.

Muxuu Trump u beegsanayaa Soomaalida iyo Soomaaliya?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo weli sii wada beegsiga muhaajiriinta Soomaalida ee ku nool Maraykanka, gaar ahaan Minnesota ayaa toddobaadkan waxa uu dhowr jeer soo hadal qaaday Soomaalida, iyada oo uu si gaar ah uu ugu tilmaamay bulshada Soomaaliyeed kuwo aan "waxba soo kordhin… isaguna aanu doonayn inay dalkooda ay sii joogaan.

Isaga oo ka hadlayay kulan golaha wasiirrada ah, madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Mareykanku "aadi doono jiha khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno ''khashin.".

Toddobaadyadii aynu soo dhaafnay waxa uu Trump u beegsaday Soomaalida si gaar ah, isaga oo sheegay inay ''sababeen dhibaatooyin badan.

Bishii aynu soo dhaafnay Trump waxa uu sheegay inuu joojinayo barnaamijka difaaca kumeel gaarka ah siinaya Soomaalida soo galootiga ku ah Minnesota (TPS) oo ah difaac sharci ah oo kahor tagaya in la tarxiilo.

Roodo Cabdullaahi Colaad oo ah cilmi-baare iyo u dhaqdhaqaaqe caafimaadka dhimirka ayaa BBC-da oo wax ka weydiisay waxa uu Trump ku maagay Soomaalida waxay tiri ''idaacadaha iyo dad badan oo Maraykan ah, waxa ay ugu ka falceliyeen iyaga oo dadka u bayaaminaya in arrintan ay ahayd abuurida mashquulin xaalado badan oo dalka ka jira, waana waxyaabo badan oo dadka siyaasiyiinta ah ay sameeyaan xaalad jirta si xaalad kale loogu daboolo buur isku qarin la sameeyo, marka saamaynta ugu weyn halkaasi ayay ka imaanaysay''.

Eedaymaha loo soo jeediyay Soomaalida in ay wax ku leeyihiin iyoo in kale ayay BBC-du weyddiisay Abdirizak Alibos.

"Inkasta oo laga yaabo in dad badan oo Soomaali ah ay igu diiddan yihiin, haddana waxaan filayaa Soomaalidu waxay noqotay 'faraha-laga-qaad'. Waxaan dhex galnay siyaasaddii Maraykanka. Waxa kale oo jirta in nooc kasta oo mudaharaad ah ay ku jiraan oo meel walba ay calan la ordayaan," ayaa uu yidhi.