Muxuusan sannadka cusub uga wada bilaaban 1-da Janaayo dalalka dunida oo dhan?

Xigashada Sawirka, Getty Image
- Author, إيثار شلبي
- Role, بي بي سي نيوز عربي
Marka saacaddu gaarto saqda dhexde habeenka 31-ka Diseember sannad kasta, dalalka caalamka uma wada dabaal-degaan bilashada sanadka cusub. Kala duwanaanshaha dhaqadama waxa ay horseeday in bulsho kasta ay qaab gaar ah u qaabisho taariikda sanadkooda cusub, taas oo ku xiran kal-tirsiga ay adeegsadaan sida, wareegga dayaxa ama qorraxda, iyo caadooyinka iyo hidda iyo-dhaqanka u gaarka ah.
Arrintaan ayaa ka timid taariikh iyo dhaxal ummadahu ay soo kala dhaxlayeen muddo dheer, mid walbana waxa ay ku dhisan tahay aragtida ay ka haystaan wareegga uu dhulka sameeyo (Qoraxda iyo Dayaxa) , iyo sida waqtiga loogu xiro diinta, soo go'ista beeraha, ama awoodda siyaasadeed
Kalandarka Islaamka (Hijriga)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kalandarka Islaamka wuxuu ku salaysan yahay wareegga dayaxa, waana kan dalal badan muslimiin ay adeegsadaan, sannadkiisuna wuxuu ka bilaabmaa bisha Muxarram, oo ka mid ah bilaha barakaysan ee Islaamka. Maaddaama uu gebi ahaanba ku tiirsan yahay wareegga dayaxa, sannadka Hijrigu wuxuu ka kooban yahay qiyaastii 354 maalmood, taas oo ka dhigaysa inuu ku dhowaad 11 maalmood ka yaryahay yahay sannadka Miilaadiga. Sidaas awgeed, bilowgiisu wuxuu si joogto ah ugu wareegaa xilliyada kala duwan, mana ku xirna xilli go'an.
Muslimiinta dunida oo dhan waxay u dabaaldegaan bilowga sannadka Hijriga siyaabo kala duwan, sida salaad, ducoyin, in ay isku yimadaan ehelka, guryaha oo lagu qurxiyo shumacyo ah oo astaan u ah dib curasho nafeed iyo xusuusta hijradii Nebiga (NNKH). Tusaale ahaan, Indoneesiya, boqolaal qof ayaa abaabula isku soo baxyo waayaan iyaga oo ku lugeenaya waddooyinka magaalooyinka iyo xarumaha Islaamka.
Kaltirsiga Gregoriyaan-ka (kalandarka Masiixiga) — 1-da Janaayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaltirsigaan ayaa ah mid suleesan wareegga cadceedda, waana kan ugu isticmaalka badan yahay caalamka, waxa uuna noqday saldhigga rasmiga ah ee ay adeegsadaan badi dadka caalamka, waxa uuna curtaa 1-da Janaayo, taariikh ahaan wuxuu ka soo bilowday Boqortooyadii Roomaanka, waxa kadib isticmaali jiray Masiixiyinta, ugu dambayna si tartiib tartiib ah ayey dalalka dunidu u qaateen.
Sannadka Cusub ee Shiinaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shacabka Shiinaha waxay sannadkooda cusub u dabaaldegaan iyagoo adeegsanaya kal-tirsi isku-dhafan oo kawada tarjumaya dayaxa iyo qorraxda, kaas oo isku dara wareegga dayaxa iyo xilliyada qorraxda. Sidaas darteed, sannadkoodu kuma beegna 1-da bisha Janaayo, balse wuxuu dhacaa inta u dhexeysa dhammaadka Janaayo iyo bartamaha Febraayo. Sanadka Shiinaha waxa uu saleesan yahay dayaxa labaad ee cusub ee ka dambeeya xilliga jiilaalka, waana taariikh sannad kasta is beddesha.
Dabaaldeggu badanaa wuxuu socdaa shan iyo toban maalmood, wuxuuna ka bilaabmaa maalinta koowaad ee bisha dayaxa, kuna dhammaadaa maalinta, marka dayaxu buuxsamo ee habeenka shan iyo tobnaad.
Sannadka Cusub ee Kuuriya (Seollal)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo Koonfur Kuuriya ay adeegsadaan Kaltirsiga Kirsataanka sida dalal badan 1-da Janaayo bilowga rasmiga ah ee sannadka marka loo eego kal-tirisga Miilaadiga, haddana sannadka cusub ee dhaqanka Kuuriya, oo loo yaqaan Seollal, ayaa ah munaasabadda ugu muhiimsan ee bulshadaasi, waxa uuna ka dib maraa sanadka Miilaadiga ah.
Sannadka cusub ee Kuuriya ma laha taariikh go'an, wuxuuna bilowdaa maalinta koowaad ee bisha koowaad ee dayaxa, taas oo inta badan ku beeganta dhammaadka Janaayo ama bartamaha Febraayo, kuna dhow Sannadka Cusub ee Shiinaha.
Sannadka Cusub ee Yuhuudda (Rosh Hashanah)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadka cusub ee Yuhuudda, oo loo yaqaanno Rosh Hashanah, ma aha mid leh kal-tirsiyeed, balse waa munaasabad diimeed iyo aaminaado ruuxi ah oo qiimo weyn u leh Yuhuudda dunida oo dhan. Badanaa waxaa uu kusoo beegmaa bilaha Sebtembar ama Oktoobar marka loo eego ,miilaadiga, maaddaama kaltirsiga Cibraaniga uu ku dhisan yahay nidaam isku darsan oo wareegga dayaxa iyo cadeedda ah, kaas oo lagu go'aamiyo sannadka, xilliyada beeraha, iyo munaasabadaha diimaha ee ay xusaan.
Neyruus – Sannadka Cusub ee Faarisiyiinta iyo Bartamaha Aasiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Neyruus waa maalinta sannadka cusub ee kal-tirsi qorraxeedka ee Faarisiyiinta, waxa uuna dhacaa sanad kasta marka ay is simmaan habeenka iyo maalinta, cadceeduna ay ku beegan tahay dhulbaraha, taariikh ahaan waa 20 ama 21-ka Maarso. Ma aha bilowga Janaayo, balse waxa uu ku beegan yahay bilowga gu'ga, waqtiyada qaarna waxaa beddala sida ay cimilada tahay.
Sannadka Cusub ee Amazigh (Yennayer)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Amazigh-ta, oo ah dadka asaliga ah ee Waqooyiga Afrika lehna af iyo dhaqan u gaar ah, waxay u dabaaldegaan sannadkooda cusub ee loo yaqaan Yennayer, kaas oo badanaa ku beegma 12 ama 13-ka Janaayo marka loo eego kaltirsiga miilaadiga, waxa uuna ku saleesan yahay xilli bereedka, waa kaltirsi fac weyn oo soo jiray qarniyo badan.
Dabaaldeggu iyo xafladaha ay qabsadaan waxaa loogu magac daray bisha koowaad ee kaltirsiga Amazigh, wuxuuna la xiriiraa bilowga xilliga beerashada, isagoo astaan u ah sannad cusub oo barwaaqo, shaqo, iyo dib-u-curasho.
Sannadka Cusub ee Itoobiya (Enkutatash)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Itoobiya iyo Erteriya waxa ay sanadkooda cusub u dabaaldegaan bisha Sebteember, waxaana loo yaqaannaa Enkutatash, marka la raacayo kaltirsiga Itoobiya waa uu ka gedisan yahay kan miilaadiga dhanka tirada bilaha iyo dhererka sannadka.
Ubaxa jaallaha ah waa astaanta sanadka sanadka cusub ee Itoobiya, kaas oo lagu sharxo guryaha iyo waddooyinka si loogu qurxiyo dadkana u dareemaan isbeddel, dadkuna haddiyad ahaan ayey isku siiyaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ubaxan, oo ay weheliyaan caadooyin diimeed iyo dabaaldegyo hidde iyo dhaqamo ah sida heeso iyo ciyaar dhaqameed, wuxuu abuuraa dareen uu qofka galinaya rajo cusub..

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kala duwanaanshaha maalinta uu sanadka bilaabanayo waxa ay muujineysaa sida ay dadka u heystaan khibrado kala duwan oo taariikhda ah, ha ahaato mid ku salaysan cilmiga xiddigiska, caadooyika diinta, ama xilliyada dabiiciga ah.
Kaltiriska Kuuriya iyo Shiinuhu waxa ku xiran yihiin xilliga dayaxa, halka Neyruuska ay dabaadegaan waqtiga ay beeraha soo go'aan, Soomaaliduna ay u taqaan 'Dabshidka', halka sannadaha cusub ee Amazigh iyo kan Itoobiya ay ka tarjumayaan xiriirka bani'aadamka la leeyahay dabeecadda deegaanka iyo bulshada. Waxaa kale oo jira kaltirisyo iyo sannado cusub oo kale sida kuwa Hinduuga iyo Buudhiistaha, kuwaas oo iyaguna ku dhisan warregyada dayaxa iyo qoraxda, basle iyaga u gaar ah, taasoo muujinaysa in dhaqan walba uu leeyahay hab u gaar ah oo uu ku qaabilo sannad cusub.
Haddii 1-da Janaayo oo maanta ah aad u dabaaldegayso Maalinta Sannadka Cusub 'Hambalyo Sannad Cusub'.













