Netanyahu oo waraysi uu xalay bixiyay uga waramay sababta uu u doortay Somaliland

.

Xigashada Sawirka, .

Raysalwasaaraha Israa'iil Benyamin Netenyahu oo xalay lagu waraystay telefishan ku yaalla Maraykanka oo la yidhaahdo Newsmax ayaa bixiyay waraysi dhanacyo badan taabanaya.

Waxyaabah alaga waraystay waxa ka mid ahaa nabadda Qasa iyo hub-ka-dhigista Xamaas, xiisadda ka dhaxaysa Israa'iil iyo Iiraan iyo arrimo kale oo ay ku jiraan aqoonsiga ay Israa'iil dhawaan siisay Somaliland.

Waxa uu sheegay in Israa'iil ay rasmi ah u aqoonsatay Soomaaliland, isagoo tallaabadan ku tilmaamay taageero uu u fidinayo "dal Muslim ah oo dhexdhexaad ah, dimuqraadi ah" oo doonaya in uu xidhiidh dhow la yeesho Israa'iil iyada oo loo marayo Heshiisyada Abraham.

Waraysigan gaarka ah, waxa uu Netanyahu ku sheegay in hoggaaminta iyo nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliland ka jira uu ka duwan yahay waxa ka socda Soomaaliya inteeda kale oo uu ku sifeeyay mid aan xasilloonayn oo ay ka jiraan argagixiso.

Su'aasha la weyddiiyay ayaa u dhignayd sidan: "Waxaad aqoonsatey Somaliland. Waxaad ahayd dalka ugu horreeya ee sidaas sameeya. Waxaan eegay halka ay ku taallo iyo wax yar oo taariikhdeeda ka mid ah. Maxaa kugu riixay arrintaas?

Netenyahu oo ka jawaabaya ayaa yidhi: "Hagaag, Somaliland waxay leedahay 6 milyan oo muwaadiniin ah. Waa Muslimiin casri ah. Waxay rabaan in ay ku biiraan Heshiisyada Abraham, waxaanan u maleynayaa taas waa wax wanaagsan. Waa dimuqraadiyiin, waxay sameeyeen doorashooyin."

Waxaana uu intaasi raaciyay: Soomaaliya inteeda kale waa mid isku dhafan. Waxa ka jirta argagixisada Shabaab. Ma agranayo goortii ugu dambaysya ee doorasho dhab ah ay qabtaan. Malaha waa tobannaan sano. Argagixiso badan ayaa halkaas imanaya.

Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay noqotay dalkii ugu horreeya ee aqoonsada Soomaaliland, isaga oo ku dooday in Somaliland ay tahay dal dimuqraadi ah oo u diyaarsan in ay Israa'iil nabad la qaadato.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Maxaynaan u taageeri karin dal dimuqraadi ah, Muslimiin casri ah oo raba in ay ku biiraan Heshiisyada Abraham?" Waxaan u maleynayaa in qof walba uu sidaas sameyn lahaa. Annaga ayaan noqonannay kuwii ugu horreeyay," ayaa uu yidhi Raysalwsaaraha Israa'iil.

Heshiisyada Abraham Accord, waa kuwa u jeeddadoodu ay tahay in la caadiyeeyo xidhiidhka Israa'iil iyo wadammada Carabta oo tan iyo bilowgii ahaa mid aan wanaagsanayn.

Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa saxiixay intii lagu jiray muddo xileedkii kowaad ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sannadkii 2020-kii, iyagoo jebiyey caado soo jireen ahayd waxaanay noqdeen dawladihii Carbeed ee ugu horreeyey ee aqoonsada Israa'iil muddo rubuc qarni ah kaddib.

Morooko iyo Suudaan ayaa iyaguna raacay. Sidaas oo kale dowladda Kazakhstan ayaa dhawaan ku biirtay heshiisa.

Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa hadda ku biiraysa heshiiskaas Abraham Accord sida uu bayaan ku sheegay madaxweynaha Soomaaliland, tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid loo qaadayo nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.

Heshiiskii ugu weyn ee Israa'iil gashay marka ay timaaddo Axdiga Abraham wuxuu ahaa heshiiska ay la gashay Isutagga Imaaraadka Carabta oo ah dal si weyn u soo saara shidaalka caalamka kana mid ah xarumaha ganacsiga caalamiga ah, islamarkaana guud ahaan Bariga Dhexe ku leh saamayn diblomaasiyadeed oo ballaadha.