Waa maxay doorka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay ku leeyihiin Yemen

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dolwadda Sacuudi Carabiya ayaa Imaaraatka carabta ku eedeesay in ay ka dambeesay dhaqdhaqaaqyo milatari oo ka dhacay Bariga dalka Yaman, iyada oo maamulka Sanca uu dowladda Imaaraadka ku amray inay ciidamadeeda kala baxdo Yaman 24 saac gudahood. Taas oo keentay in Abu dhabi ay ku dhawaaqdo in ciidameeda malitiriga ay kala baxayso goobaha ay ka joogeen dalka Yaman.
Duqaymihii Yemen ka dhacay Talaadadii kaliya lama oran karo waa dhacdo amni, balse waxaa soo ifbaxay khilaaf qarsoonaa oo ka dhex jiray isbahaysi jiray muddo sanado ah. Hadaba ma la oran karaa, arrintan waxa ay banaanka usoo saartay khilaaf u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta?
Warbixintan, waxaan kaga jawaabaynaa su'aalahan: Maxay Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta u galeen dagaalka Yaman? Sidee ayay danahoodu isugu xirmeen? Goorma iyo sababtee ayuu khilaafku ku bilowday?
Halka uu kasoo bilowday isbahaysiga iyo faragelinta Yaman

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii Maarso 2015, Sacuudi Carabiya waxay sameysay isbahaysi milatari Carbeed si loo taageero dowladda Yaman ee caalamku aqoonsan yahay, kaas oo loo bixiyay 'Isbahaysiga Carabta ee Taageerada Sharciyadda Yaman', si loola dagaallamo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta (Ansaaru-Allah). Imaaraadka Carabta ayaa ku biiray isbahaysigan isaga oo ka noqday xubin muhiim ah, maadaama labada dhinac ay doonayeen in dib loo soo celiyo dowladda sharciga ah, lana ballaariyo dagaalka Xuutiyiinta, kuwaas oo bishii Sebtembar 2014 la wareegay Sanca iyo qaybo badan oo waqooyiga dalka ah.
Intii uu dagaalku socday, Riyaad iyo Abu Dhabi waxay wadaageen arrimo badan oo la meel mariyey, kuwaas oo la xiriiray taageeridda dowladda Yaman iyo ka hortagga khatar amni oo ay hor boodayeen Ansaar-allaah (Xuutiyiinta) oo Sacuudigu sheegayo inay taageerto Iiraan.
Doorka Sacuudiga ee Yaman

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sacuudi Carabiya, maadaama ay daris yihiin Yaman (labada dalna ay wadaagaan xuduud ka badan 1,300 km), waxay xasilloonida Yaman u aragtaa arrin si toos ah u taabanaysa amniga qarankeeda.
Riyaad ayaa hoggaamisay hawlgallada milatari ee isbahaysiga tan iyo 2015-kii, waxayna qaadday culeyska ugu weyn dagaalka ee ka hortagga weerarrada Xuutiyiinta.
Sanadihii dagaalka, Boqortooyada waxaa lagu weeraray boqolaal gantaallada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo qaarkood lala beegsaday xarumo shidaal iyo garoomo diyaaradeed, taas oo ku qasabtay inay sugidda xuduudda koonfureed ka dhigto mudnaanta koowaad.
Isla mar ahaantaas, Sacuudigu wuxuu taageeray dowladda Yaman ee caalamku aqoonsan yahay, waxa uuna ku martigeliyay hogaamiyeyaasha Yaman magaalada Riyaad. Waxa kale oo uu kafaala qaaday hindisayaal nabadeed, gaar ahaan Heshiiskii Riyaad ee 2019 oo lagu heshiiyay awood-qeybsi u dhexeeya ciidamada dowladda sharciga ah iyo kuwa Golaha Ku-meel gaarka Koonfureed, kuwaas oo dalbanayay in koonfurta dalka ka go'do waqooyiga. Sidoo kale, 2022 waxaa la dhisay Golaha Hoggaanka Madaxtooyada oo mideeyay dhammaan xoogagga ka soo horjeeda Xuutiyiinta.
Boqortooyadu marar badan ayay ku celisay inay ka go'an tahay midnimada iyo madax-bannaanida Yaman, iyadoo aqoonsanaysa gaar ahaanshaha rabitaanka xoogagga koonfureed iyo baahida loo qabo in lagu xalliyo wadahadallo qaran oo dhammaystiran.
Doorka Imaaraadka Carabta ee Yaman

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Imaaraadka Carabta waxa uu dagaalka ka qaatay kaalin wayn, waxa ayna si gaar ah ciidamadiisu uga dagaalameen furimaha koonfureed iyo xeebaha galbeed.
Abu Dhabi waxay ciidamo dhulka ah geysay Cadan iyo meelo kale, waxa ayna door muuqda ka qaadatay ka saarista Xuutiyiinta koonfurta dalka sannadkii 2015.
Inkasta oo Imaaraadku ku dhawaaqay inuu 2019 ka baxay ciidamadii dagaalka, haddana wuxuu dhisay shabakad ciidammo gudaha ah oo xulafo la ah koonfurta, taas oo uu ku helay gacan ku haynta goobo istiraatiiji ah sida Cadan, dekedaha xeebaha iyo jasiiradda Suqadarayi.
Imaaraadku waxa uu taageeray Golaha Kumeelgaarka Koonfureed, oo ah hay'ad siyaasadeed iyo milatari oo la aasaasay 2017, una dhaq-dhaqaaqa soo celinta dowladdii Koonfurta Yaman ee madaxbannaaneyd ka hor midowgii 1990.
Warbixin baaritaan ah oo BBC-da ay daabacday ayaa daaha ka rogtay in Imaaraadku maalgeliyay dilal siyaasadeed oo ka dhacay Yaman, taas oo sii hurisay colaadda u dhexeysa kooxaha iska soo horjeeda, kuwaas oo mar kale soo galay indhaha caalamka, gaar ahaan marka la eego Badda Cas.
Warbixinta BBC-da waxay sheegtay in tababaro ay bixiyeen ciidammo calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah oo ay cutubyo Imaaraad ah oo ka howlgala Yaman, loo adeegsaday tababarka xubno maxalli ah oo si qarsoodi ah u shaqeyn kara, taas oo keentay kororka dilalka siyaasadeed ee bartilmaameedsan ee ka dhacay Yaman.
BBC-da waxay sidoo kale ogaatay in inkastoo hadafka la shaaciyay ee calooshood u shaqeystayaasha Mareykanka uu ahaa la dagaallanka Al-Qaacida iyo Daacish ee koonfurta Yaman, haddana Imaaraadku waxa uu shaqaaleysiiyay xubno hore uga tirsanaa Al-Qaacida, kuna daray hay'adaha amni oo uu u sameeyay, kuwaas oo hawlgallo dhulka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta iyo kooxo kale oo hubeysan.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Imaaraadka Carabta way beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in aysan run ahayn, inay bartilmaameedsanayso dad aan wax xiriir ah la lahayn argagixisada, isla markaana eedeymahaasi aysan sal lahayn.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Yoolalkii laga lahaa
Sanadihii hore ee dagaalka, wada-shaqeynta Riyaad iyo Abu Dhabi waxa uu u muuqday mid isku dhow, shaqooyinkii ayey kala qeybsadeen oo Sacuudiga waxa uu hogaaminaayey duqeymaha cirka iyo taageerada saadka, halka Imaaraadku uu ku shaqo laha dagaalka dhulka isaga oo ciidamadiisa iyo ciidamo Yaman ah howl galiyey si guulo dhulka ah loo gaaro, gaar ahaan Cadan iyo magaalooyinka xeebaha.Hadafka guud ee dagalkan waxa uu ahaa in la wiiqo oo meesha laga saaro Xuutiyiinta, lana soo celiyo dowladda sharciga ahayd ee Sanca.
Labada dal waxa ay ka sannaayeen hadal mideysan oo ahaa; midnimada iyo xasilloonida Yaman, iyagoo taageeraya xal kasta oo ku-meel-gaar ah oo ay Yamaniyiintu ku heshiiyaan.
Iskaashigan waxa uu horseeday guulo istiraatiiji ah sida dib u qabsashada magaalada Cadan iyo dekeddeeda 2015, iyo xoojinta xukuumaddii madaxweynihii hore Cabdirabbi Mansuur Haadi, oo ay Imaaraadku gacan ka geysteen. Labada dal waxay sidoo kale hoggaamiyeen isbahaysiga Carabta oo ay ka mid ahaayeen Baxreyn, Masar iyo Suudaan.
In muddo ah Riyaad iyo Abuu Dabi waxa ay isku dayayeen in ay warbaahinta ka qariyaan xaalkooda dhabta ah; tusaale ahaan, warar saxaafadeed iyo ilo gaar ah ayaa Reuters u sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay direen wafdi milatari oo wadajir ah oo tagay Cadan bartamihii Diseembar 2025 si loo dejiyo xiisadda u dhexeysay Golaha Kumeelgaarka iyo ciidamada dowladda.
Istiraatiijiyad ahaan, danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka waxa ay wadaagaan qodobo badan, waxa ay ka mideesan yihiin in Xuutiyiinta u arkaan gacanta Iiraan ee khatar ku ah amniga gobolka, sidaas darteedna waxay wadaagaan yoolka lagu xakameynayo saameynta Tehran ee Yaman ku yeelan karto. Sidoo kale, xasilloonida dalkaas iyo in aysan Yaman noqon bar ay argagixisada ka degto gobolka.
Dhanka dhaqaalaha, sugidda marinada maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay ahayd arrin muhiim u ah dalalka isbahaysiga ku jira, maadaama marinadan ay laf-dhabar u yihiin ganacsiga caalamiga ah. Intaas waxaa labada dal waxay doonayeen inay muujiyaan doorkooda hoggaamineed ee gobolka; Sacuudiga oo ah awoodda ugu weyn Khaliijka, iyo Imaaraadka oo leh hammiga in ay la wareegto booskaas iy xoojinta joogitaankiisa milatari iyo mid diblomaasiyadeed.
Aragtiyo kala duwan iyo soo ifbixii khilaafka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo ujeeddo mideysan la shaaciyay, haddana kala duwanaansho ayaa si tartiib ah u soo ifbaxay markii dagaalku dheeraaday.
Kala duwanaanshihii ugu horreeyay waxa ay soo baxday 2019, markaas oo dagaallo ay ka dhaceen magaalada Cadan oo u dhexeeyay ciidamada Golaha Kumeelgaarka ee ay Imaaraadku taageeraan iyo ciidamada dowladda sharciyadda ah ee daacad u ah Sacuudiga.
Dhacdooyinkaas waxay keeneen in Golaha Kumeelgaarka uu la wareego magaalada Cadan, islamarkaana si ku-meel-gaar ah uga saaro dowladda, taas oo ku kalliftay Sacuudiga inuu farageliyo, dejiyana xaaladda, laguna saxiixo Heshiiskii Riyaad.
Tani waxay muujisay ajandayaal kala duwan: Imaaraadku si wax ku ool ah ayuu u taageeray damaca xoogagga koonfureed ee ku wajahan gooni-isu-taag, halka Sacuudigu uu ku adkaystay ilaalinta dowlad mideysan iyo in dalka aan la kala qaybin.
Markii uu Khilaafka soo baxay
Bishii Diseembar 2025, Golaha Ku-meel gaarka Koonfureed wuxuu bilaabay hawlgal milatari oo ka dhacay gobollada bariga sida (Xadramawt iyo Al-Mahra), wuxuuna la wareegay xarumo iyo xeryo muhiim ah.
Tallaabadan waxaa loo arkay mid khatar ah, maadaama ay badatay saameynta Golaha Ku-meel gaarka ee meelaha ku dhow xuduudaha Sacuudiga iyo Cumaan, taas oo si toos ah u caqabad ku noqotay awoodda malitari iyo amniga Riyaad.
Sacuudi Carabiya ayaa jawaab adag kasoo saartay iyada oo wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso taageero ay sheegtay in Imaaraadka Carabta uu siinayo ciidammada Golaha Ku-meel gaarka, si ay usii wadaan una xoojiyaan dagaalka ay ka wadaan meel u dhow xuduudda koonfureed ee Boqortooyada. Riyaad waxay ku tilmaantay tallaabooyinkan "kuwo aad u khatar badan" oo halis ku ah amniga qaranka Sacuudiga, ayna tahay wax aan la aqbali karin.
Waxaa xusid mudan in isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo ay fuliyeen duqeymo cirka oo aan badnayn, oo uu ku beegsanayay dekedda Mukalla ee Xadramawt, halkaas oo lagu arkay laba markab oo ka yimid dekedda Fujairah ee Imaaraadka, kuwaas oo laga dejinayay hub iyo gaadiid milatari oo uu Imaaraadku ku taageerayey Golaha Ku-meel gaarka, iyada oo isbahaysigu isla ogeyn.
Riyaad waxay xaqiijisay in duqeyntu burburisay qalab milatari, iyada oo aan wax khasaare la gaarsiin rayidka, balse waxay ahayd farriin cad oo muujinaysa diyaar garowga Boqortooyada ee ah inay militari ahaan uga hortagto taageero dibadeed oo loo fidiyo kooxaha ka soo horjeeda gudaha Yaman.
Isla waqtigaas, madaxa Golaha Madaxtooyada Yaman, Rashad al-Alimi (oo Sacuudigu taageero), wuxuu ku dhawaaqay in la hakiyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii difaac ee Imaaraadka la lahaayeen, wuxuuna dalbaday in dhammaan ciidammada Imaaraadka ay dalka uga baxaan 24 saacadood gudahood. Waxa kale oo uu soo rogay xaalad degdeg ah iyo xiritaan ku-meel-gaar ah oo dhammaan marinada laga soo galo dalka ah.
Dhankeeda, Imaaraadka Carabta waxay ku dhawaaqday inay soo afjartay joogitaankeedii milatari ee Yaman. Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa sheegtay in "Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraadka ay joojiyeen joogitaankoodii milatari ee Yaman sannadkii 2019, kadib markii ay dhammeeyeen hawlihii lagu heshiiyay."
Ciidamada ka haray ayaa ku koobnaa ciidamo khaas ah oo la-dagaallama xoogaga argagixisada ah, kuwaas oo la shaqeynayay ciidamo caalami ah, sida ay sheegtay wasaaraddu.
Bayaan ka soo baxay Imaaraadka ayaa intaas ku daray: "Iyadoo la tixgelinayo horumarrada cusub iyo saameynta ay ku yeelan karaan badbaadada iyo wax-ku-oolnimada hawlgallada la-dagaallanka argagixisada, Wasaaradda Difaaca waxay ku dhawaaqeysaa in ay si iskeed ah u soo afjareyso ciidamada ku haray Yaman, si loo xaqiijiyo badbaadada shaqaalaheeda, looguna sameeyo wada-shaqeyn lala yeesho dadka ay khusayso."
Golaha Ku-meel gaarka Koonfureed (oo ah kooxo imaaraadka taabacsan) ayaa ka jawaabay, iyaga oo diiday in ay ka baxaan Xadramawt iyo Al-Mahra, kuna adkaystay in ay sii wadi doonaan waxa uu ugu yeeray "soo celinta dowladdii Koonfurta", taas oo si cad uga hor timid digniinaha Sacuudiga.










