Maraykanka oo dib uu eegaya qaabka dad ay Soomaalidu ka mid tahay ku qaateen dhalashada

DHS

Xigashada Sawirka, X

Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka (DHS) ayaa dib u eegis ku sameyneysa kiisaska socdaalka iyo jinsiyadda ee ay ku lug leeyihiin muhaajiriin ka yimid 19 waddan oo dalalkoodu xaalado laga walaaco ay ka taagan yihiin, waxaana dalalkaas ku jira Soomaaliya, si loo eego in qof kasta oo haysta dhalashada Mareykanka uu ku helay khiyaamo keeni karta in laga laabto dhalashada, sida ay DHS u xaqiijisay Fox News.

"Sida uu qabo sharciga Mareykanka, haddii shaqsi uu ku qaato dhalashada si khiyaano ah, taasi waa sababaha loogala laabto" Kaaliyaha Xoghayaha DHS Tricia McLaughlin ayaa sidaa ku tiri Fox News.

Dib-u-eegidda ayaa diiradda saaraysa haddii ay khiyaamo dhacay intii lagu jiray nidaamka socdaalka ama hannaanka jinsiyadda, sida khiyaanada guurka ama hadallada beenta ah ee la sameeyo si loo helo sharci ama dhalasho.

Xaqiijintan ayaa imaanaysa ayadoo sharci-dejiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ay ku baaqeen cawaaqib adag, ka dib markii ay soo baxday fadeexad wax is daba marin barnaamijyada daryeelka carruurta oo la sheegay inay ka dhacday Minnesota, ayadoo malaayiin dollar la sheegay in si khaldan loo adeegsaday.

DHS waxay ku nuuxnuuxsatay in ka xayuubinta jinsiyadda ay jiraan heerar sharci oo adag oo lagu maamulo, laguna dabaqo oo keliya xaalado xaddidan.

Dib u eegista waxaa ku jira kiisas la xiriira 19 wadan oo DHS ay u aragto wadamada ay walaac ka qabaan, oo ay ku jirto Soomaaliya. DHS ma aysan cayimin inta kiis ee hadda dib u eegis lagu wado ama in qof loo gudbiyay dacwadaha diidmada.

Jinsiyad kala noqoshada waa nidaam sharciyeed naadir ah oo xooggan. Taariikh ahaan, dawladda federaalku waxay isticmaashay tobanaan kiis xilliyadii 90meeyadii.

Dacwad oogayaasha ayey tahay inay xaqiijiyaan in jinsiyadda lagu qaatay si dharci darro ah, waxaana jinsiyad ka qaadidda ay u baahnaanaysaa caddaymo badan oo mararka qaar qaadan kara dacwado sannado socda.

Baaritaanka ayaa sidoo kale imaanaya iyadoo Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha (HHS) ay qaadday Talaadadii talaabo ay ku hakisnayso lacagaha daryeelka carruurta ee Minnesota, iyadoo la tixraacayo khiyaanada lagu eedeeyay bixiyeyaasha daryeelka carruurta ee gobolka oo dhan.

.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xoghaye ku xigeenka HHS Jim O'Neill ayaa sheegay in gobolku "ku bixiyey malaayiin dollar oo ah lacagta canshuur bixiyayaasha ah xarumo been abuur ah oo la sheegay in lagu daryeelo carruurta" tobankii sano ee la soo dhaafay, taasoo keentay in wakaaladdu ay joojiso lacagaha inta arrinta dib loo eegayo.

DHS ma aysan bixin jadwal dib-u-eegis ah ama ma aysan sheegin in wax kiisas diidmo ah la filayo inay horay u socdaan mustaqbalka dhow.

Talaabadan ayaa soo baxday in yar ka dib markii xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Pam Bondi ay sheegtay in 85 qof oo Somaali ah lagu soo oogay dacwad wax isdabo marin ah gobolka Minnesota, xeerilaaliyaha ayaa intaas ku dartay in dad kale oo badan ay dacwadood ku oogistoodu socoto.

Dhawaan ayey ahayd, marki Trump uu ugu yeeray Minnesota ''xuddunta lacagaha sharci darrada, halkaas oo lagu dhaqo lacagta aan sharciga ahayn, uuna maamulo barasaabka dimuqraadiga Tim Walz", taas oo u muuqata inay tahay jawaab ka timid warbixino warbaahineed oo aan la xaqiijin, oo ay la wadaageen xildhibaannada Jamhuuriyiinta ah ee ay isku xisbiga yihiin.