Cunto laga helo guryaha Soomaalida oo ay isticmaali jireen boqorrada oo kaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, چیرلیان مولان
- Role, بی بی سی فوڈ
Waa nooc mulawax ah oo aad u jilicsan oo laga jecel yahay Koonfurta Aasiya, isla markaana si weyn loogu cuno digaag lagu kariyey subag. Cunytada noocan ah waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu caansan gobolkaas.
Keliya digaag laguma cuno ee malawaxaas waxaa lala cunaa cuntooyin kale oo badan, wuxuuna ka mid yahay waxyaabaha lama huraanka u ah ee aan sinaba uga maqnaan karin miiska cuntada ee gobolka. Waxa lagu daraa alaabo kale oo dhadhan kala duwan u sameeya.
Malaha sababtaas awgeed ayuu malawaxani caan uga noqday dunida oo dhan. Dhawaan ayaa nooc ka mid ah rootigan oo toon lagu daraywaxay caan ka noqotay kuwa ugu wanaagsan dunida. Marka la diyaarinayo waxa lagu daraa subag sixin ah oo lagu mariyo malawax diirran, kadibna lagu dul rusheeyo toon la jarjaray.
Si kastaba ha ahaatee, waxa laga yaabaa inay dad badan u noqoto arrin cusub in malawaxa oo meel kasta laga helo uu dadka qaarkiis u yahay cunnada ugu wanaasgan.
Waxa la sheegayaa in cuntadani ay ka mid ahaan jirtay kuwa ugu qaalisan ee la siin jiray boqorradii muslimiinta. Haddaba, sidee ayuu malwaxani uga soo baxay jikadii boqortooyada una soo gaadhay miisaska caadiga ah ee dadweynaha caalamku ku cunteeyaan?
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Xigashada Sawirka, The Met
Taariikhda malawaxa waa mid xoogaa mugdi ah oo aan si buuxda u caddayn, balse khubaradu waxay aamminsan yihiin in mulawaxu asal ahaan ka soo jeedo taariikhdii Faaris ee qadiimiga ahayd, maadaama magaca "naan" oo la mid ah malawax uu ka yimid af-Faarisiga. Waqtiyadii hore, dadka Faarisiyiinta ah waxay ka samayn jireen roodhi iyaga oo isku daraya biyo iyo bur, kaddibna waxay ku dubi jireen dhagaxyo aad u kulul.
Qarnigii 13aad ilaa 16aad, xilliyadii guulaha Islaamku ka gaadhay Hindiya, malawaxu wuxuu u gudbay Bariga Aasiya (Hindustan), sababtoo ah Muslimiintii guulaystay waxay la yimaadeen dhaqammadoodii cuntada. Sidoo kale, dadka ka yimid Aasiya Dhexe iyo Galbeed waxay wateen qalabyo waxa lagu foorneeyo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, The Cleveland Museum of Art, Andrew R. and Martha Holden Jennings Fund 1971
Niha Varmani, oo si dhow ula socota taariikhda Koonfurta Aasiya, waxay sheegtay in "malawaxu uu lahaa cunto-kariye gaar ah oo si joogto ah u soo saari jiray rootiga. Tusaale ahaan, nooc ka mid ah mulwaxaas wax auu lahaa lakabyo rooti khafiif ah, halka malawaxa qaarkooda ay ay ka samaysnaayeen rooti yar oo si fiican u nuugi jiray maraqa cuntada."
Soomaalida iyo malawaxa
Inkasta oo laga yaabo in ay kala duwan yihiin haddana, Soomaalida ayaa ka mid ah dadka aadka u jecel cuntadan malawaxa ah ee aadka u jilicdasan, islamarkaana waxa si weyn loogu cunaa subag ama malab. Waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu caansan meelo badan oo ay Soomaalidu joogto.
Keliya subag laguma cuno ee malawaxa waxaa lagu cunaa cuntooyin kale oo badan sida hilib, fuul ama shaah.
Way adag tahay in laga waayo miisaska Soomaalida gaar ahaan xilliyada quraacda ama cashada.
Waxa laga helaa guryaha, hoteellada iyo makhaayadaha, waxaana lagu diyaariyaa bur, caano, ukum iyo saliid ama subag, iyadoo lagu dubo digsi kulul.
Si kastaba ha ahaatee, waxa laga yaabaa in ay dad badan u noqoto arrin cusub in malawaxa maanta qof walba heli karo ay hore u ahaan jirtay cunto si gaar ah loogu sameeyo guryaha iyo munaasabadaha qaarkood. Haddaba, sidee ayay malawax-du uga soo baxday jikada dhaqanka una noqotay cunto maalinle ah oo miis walba taalla?













