Wax ka baro cuntooyinka jirkaaga ka dhigaya mid aan soo shiirin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Toonta, alkolka, hilibka iyo soonka ayaa ka mid ah waxybaaha badalikara uduga iyo urka jirkaaga.
Dadku way kala duwan yihiin. Wax kasta laga soo bilaabo shaqsiyadaada, sida aad u dhaqanto, welwelka, xaaladaada iyo caafimaadkaaga ayaa saameyn ku leh sida aan u soo shiirno.
Tobankii sano ee u dambeeyay waxay noqotay wax iska cad in shiirka jirkeena uu ku xiran yahay hiddo-sidaheena, hormonadeena iyo nadaafada sida uu sheegay Prof. Craig Roberts oo ka tirsan jaamacadda University of Stirling ee Scotland.
"Kuma xirno rag iyo dumar, yaraan iyo weynaan, jiro iyo fiyoowi" ayuu yiri Prof Craig oo sheegay in aysan ku xirneyn waxyaabo badan oo ka baxsan awoodeena.
Mid ka mid ah waxybaaha saameynta ku leh sida jirkeena u soo shiiro ayaa ah cuntada aan cuno. Sida lagu sheegay cilmibaaris yar, waxa aan cuno ayaa saameyn ku leh sida guud ee jirkeena u soo shiiro iyo sida dadka kale u arkaan.
Cuntooyinka aan qaadano waxay jirkeena u saameeyaan labo nooc sida ay sheegeyso Prof. Lina Begdache oo ka tirsan jaamacada New York ee Binghamton. Tan koowaad waa maqaarka iyo tan kale oo ah gudaha jirkeena sida caloosha iyo mindhiciraha.
Marka aad cuntada qaadato oo dhiifshiidkaaga kala shaandheeyo waxaa howlgalaya bakteeriyada.
Isdhexgalka ka dhexeeya kiimikooyinka cuntada iyo bakteeriyada ayaa keenta in la sii daayo gaas jirka ka soo baxa. Tani waxay keeneysaa hawo ureysa, waxayna ku xiran tahay taas nooca cunto ee aad cuntay.
Waxaa kaloo ay sheegeysaa xogta in saddex meelood dadka waa weyn ee adduunka in ay ka soo baxdo hawo ureysa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka aan cuno qaadano, jirkeena ayaa jajabiya, kiimikada halkaas ka timaada ayaa aada qeybaha jirka iyadoo raacda dhiigga. Kiimikooyinka waxay ka sii dhexbixi karaan maqaarka iyadoo ay la socoto bakteeriya taasna ayaana keenta urka. Macaanka ma lahan wax ur ah balse bakteeriyada ku korta ayaa keenta urka aan fiicneyn.
Cuntooyinka qaar ayaa keena ur badan. Waxaa la yaab leh in daraasadaha qaar ay sheegayaan in cuntooyinka caraftoodu ay adag tahay ay ka dhigaan qofka mid soo jiidasho leh.
Kabashka, barakooli iyo kuwa kale ayaa la sheegay in ay yihiin khudaar caafimaadka leh, balse waxaa ku jira sulfur oo keena ur sida ukun quruntay. Marka cuntooyinkan ay jirkaaga galaan, ayna xiriir la sameeyaan bakteeriyada maqaarka, waxay udgoonkii fiicnaa ka dhigeysaa mid uraya.
Cuntooyinka sida toonta iyo basasha ayaa saameyn kara dhididka qofka iyo neeftiisa. Cuntooyinka qurubyo ayey u kala jajabaan kuwaas oo jirka uu soo daayo waqtiyo kala duwan. Tusaale ahaan, urka toonta waxa uu bilowdaa 30 daqiiqo kaddib marka aad cunto
Si kasta ha ahaatee, daraasadaha ayaa muujinaya in toonta ay ka dhigto dhididka kilkilaha ka yimaada mid soo jiidasho leh. Daraasad lagu sameeyay 42 nin oo tuun badan cuna ayaa lagu sheegay in ay soojiidasho leeyihiin maxaa yeelay tuunta waxay leedahay faa'idooyin caafimaad.
Waxaa jira khudaar kale oo jirkeena saameyn ku yeelata. Abarkuus khudaarta loo yaqaan ayaa la sheegay in uu sii daayo sulfur marka la cuno. Kiimikooyinkan ayaa mas'uul ka ah urka xooggan ee dhididka iyo kaadida. Kaadida urkeeda waxay sii joogeysaa ilaa 5 saacadood. In la cuno khudaar badan waxay keeneysaa in jirkaaga carfo. Daraasad laga sameeyay dalka Australia ayaa lagu ogaaday ragga cuna khudaarta badan in jirkoodu uu sii daayo dhidid carfaya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hilib ama kalluun
Hilibka iyo kalluunka way saameeyaan sida jirkeena u soo uro maxaa yeelay hilibka xoolaha ama kan kalluunka waxaa ku jira amiino-aysid iyo dufun taas oo maqaarka la falgasha iyadoo wadata kiimiko.
Cilmibaaris la sameeyay 2006-dii ayaa lagu ogaaday in hilibka saameeyo sida jirkeena u soo uro. 30 nin ayaa qaarna la siiyay cunto hilib leh kuwa kalena la siiyay cunto aan hilib la socon. Kaddib haween ayaa qiimeyn ku sameeyay iyagoo ku tilmaamay ragga aan hilibka cunin in ay ka caraf badan yihiin kuwa hilibka cuna. Cilmibaarayaash ayaa arrintan la yaabay maadama hilibka uu yahay cuntooyinka ugu badan ee dadku qaataan. Dadkii hore hilibka sida aan hadda u cuno uma aysan cunijirin.
Cabista shaaha iyo qaxwaha ayaa kordhiya urka jirka maxaa yeelay kafiinka wuxuu kordhiyaa dhididka isagoo jawi fiican u sameeya bakteeriayda jirka.
Sida jirkaaga u soo urayo ama carfayo waxay qeyb ka qaadataa sida aan dadka ula macaalmino. Daraasadaha lagu sameeyo jirka inta badan waxaa ka soo baxa waxyaabo la yaab leh. Cuntada aan qaadano iyo soonka waxay saameeyaan sida jirkeena u soo uro.













