Afar qaab oo si sharci ah qofka uu ugu geli karo dalalka Yurub

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa muddooyinkii u dambeeyay kor u sii kacday dadka soogalootiga ah ee gaaaraya dallaka Yurub.
Waxaa sanad kasta badaha dhulka saxaaraha ku dhinta dad badan oo muhaajiriin ah oo doonaya in ay gaaraan qaybo kamid ah dalalka Yurub.
Balse waxaa jira qaabab badan oo qofka uu si sharci ah ugu gali karo dalalka Yurub.
Halkan waxaan idinku soo gudbin doonaa afar siyaabood oo si sharci ah aad ugu gali karto Yurub iyo waliba dalalka sida wayn u soo dhaweeya muhaajiriinta.
1- La midoobidda qoyskaaga
Waxaad si sharci ah ugu soo gali kartaa Yurub adiga oo ay kuu soo dacwoonayaan qoyskaaga. Tani waa nidaam u ogolaanaya soo-galootiga aan Yurubta ahayn inay eheladooda ku keenana Yurub, .
Waxaa ka mid ah shuruudaha gaarka ah in qofka uu ka mid yahya xubnaha qoyskaaga oo ay ku jiraan xaaskaaga ama hadii ay haweeney tahay seygeeda iyo waliba caruurtaada.
Dadka ka yimid wadamada aan midowga Yurub ka tirsanayn ee haysta ogolaanshaha joogitaanka ugu yaraan hal sano mid ka mid ah wadamada Midowga Yurub islamarkana leh rejo uu ku heli karo xuquuq degenaansho rasmi ah waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan inay qoysaskood la midoobaan.
Marka la soo koobo, xubnaha qoyska ee degan Yurub haystana dhalashada dalka uu joogo waxaa uu keeni karaa qoyskiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
2- Heshiis ama ogolaansho shaqo
Shakhsiyaadka u qalma waxay heli karaan fiisaha shaqada ka dib marka uu shaqo ka helo ama loo soo bandhigo shaqo mid ka mid ah dallaka Yurub. Tani waa hab kale oo si sharci ah lagu galo waddan Yurub ah. Habka ugu fiican ayaa ah in marka hore aad shaqo codsato ka dib marka aad hesho ayaa waxaa aad dalbanaysaa Fiisaha ama dal ku-galka dalka aad shaqada ka heshay.
Marka aad hubiso inaad u qalanto shaqadaasi, oo aad buuxisay dhammaan shuruudaha shaqada iyo in aad shaqo heshay, markaa shirkadda ku qaadatay waxay ku khasban tahay inay ruqsad shaqo ka codsato hay'adaha awoodda u leh waddanka aad ka shaqaynayso. .
3- Dal-kugalka Ardaynimada
Marka ardeyga uu codsado in uu wax ka barto mid ka mdi ah dalalka Yurub islamarkana uu halkaasi ka helo waxbarsho waxaa uu dalban karaa waxaa loo yaqaan fiisaha ama da-kugalka ardeynimada.
Dal-ku-galka noocaan ah wuxuu kuu ogolaanayaa inaad joogtid waddamada midowga Yurub ee aad wax ku baranayso iyo inaad xitaa ka shaqeyn karto.
Fadlan ogow in shuruudaha iyo nidaamyada ay ku kala duwan yihiin wadamada Yurub oo wadan kasta uu leeyhayahay nidaam gaar ah.
Qofka codsanaya waa inuu keenaa caddayn ku filan inuu ku diiwaangashan yahay barnaamij waxbarasho oo qayb ka ah nidaamka Midowga Yurub iyo inuu haysto agab ku filan oo uu naftiisa ku dabari karo oo uu ku noolaan karo.
"Fiisahani waa ku meel gaar waxaana la kordhin karaa marka uu dhaco, waxaa intaa dheer, si ay u sii joogaan Yurub, qaar ka mid ah Afrikaanka waxay sii wataan in ay qaataan shahaadooyiin badan ilaa heerka (PHD)," ayuu yiri Adama Mbengue.

Xigashada Sawirka, Getty Images
4- magangalyo doon iyo arrimo bini'aadantinimo
Magangelyo-doonka, sida ay sheegtay UNESCO, waa qofka sheegta inuu yahay qaxooti laakiin aan weli sharci ka helin wadan kale .
Axdiga Geneva ee 1951 waxa uu qeexaya heerka qaxoontiga oo ay ka mdi tahay in qofka cabsi darteed uu dalkiisa uga so qaxo islamarkana uu dal kale magangalyo ahaan u raadsado.
"Dadka ka cararaya dagaalada, cadaadis ama xaaladaha nololeed ee khatarta ah ee dalalkooda ayaa Yurub u doorta meesha ugu horeysa sababtoo qaabilada ay dalalka Yurub qaabilaan magangalya doonka ," ayuu yiri Adama Mbengue.
Maanta, codsiyada magangalyada waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee socdaalka Yurub. Codsadayaasha haysta fiisaha waxay ku geli karaan Yurub si sharci ah.
Marka laga reebo afartan nooc, waxaa sidoo kale jira fiisaha socdaalka dhaqaale ee shaqaalaha ajnabiga ah ee doonaya inay aadaan Yurub iyo fiisada maalgashadayaasha.
Dallaka waxaa jira wadamo badan oo si wayn u soo dhaweeya dadka muhaajiriinta iyo magangalya doonka.
Dalalkaas waxa ka mid ah Faransiiska, Spain, Burtaqiiska, Jarmalka iyo Sweden.













