Maxaad ka taqaan taariikhda fanka ee Fuaad Axmed (Ilkacase) oo ku geeriyooday Jabuuti

Xigashada Sawirka, Facebook
Magaalada Jabuuti waxaa ku geeriyooday Isla markaana xalay lagu aasay fanaanka caanka ah ee Fu'aad Axmed Gadhle (Ilkacase ) oo fanka ku soo jiray muddo ka badan 40 sano.
Fanaan Fu'aad Axmed ayaa sannadihii ugu dambeeyey xanuunsanayey, waxaana dhawaan ku dhacay xanuunka Faaligga oo xaaladiisa uga sii daray sida uu BBC u sheegay guddoomiyaha fanaaniinta reer Jabuuti Cismaan Ceeleeye Ciye.
Wuxuu intaa ku daray in dhallinyaro fara badan uu fanka soo geliyey, kuwaasoo ay ka mid yihiin Cawaale Aadan, Axmed xaaji, Cali Nuur, Yaasmiin Axmed Gaydh, kuwaasoom u fanka ku soo daray xilligii uu ka midka ahaa kooxda Gacan Macaan.
Isagoo ka hadlayey ku soo biiritaaknii fanka ee fanaan fu'aad Ilkacase ayuu Cisman Ceeleye yiri "Fu'aad dekedda ayuu ka shaqayn jiray, isagoo oo beddelay aabihii oo halkaa ka shaqayn jiray, ka dibna wuxuu jeclaaday fanka. Kolkuu bilaabaayey fanka wuxuu ku soo galay heeskii Maxamuud Ciise Timajilic ee Arligaygoow qiyaastii dhowr sideenkii markuu sannadku ahaa" ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in riwaayaddii ugu horreysay ee uu wax ka sameeyo ay ahayd 1982, isago haasaha riwaayadda la qaadayey Aamina Faarax iyo Xabiibo Balbalaaf, wuxuuna cisman ku tilmaamay in riwaayadaas ay ahayd tii uu ku soo caan baxay ee ay dadku ku barteen.

Xigashada Sawirka, Youtube
Dhanka heesaha wuxuu BBC u sheegay in uu la soo heesay haweenka fanaaniinta jabuuti ugu caansan ee ay ka midka yihiin Rooda Maash, Aamina faarax, iyo Xabiibo Balbalaaf. Doorkiisii fanka ayuu ku tilmaamay inuu ahaa heesaa, jilaa iyo mulaxan, laakinse aan muusigga tumi jirin.
Inkastoo uu ahaa nin fanka Jabuuti muddo dheer ku soo dhex jiray, haddana nin aad u firfircoon oo fanaaniinta u gargaara ayuu ku tilmaamay Cismaan Ceeleeye "dhibta ku dhacda fanaaniinta qofka ugu horreeya ee u gurmada ayuu ahaa, hadduu qof bukoodo qofka ugu horreeya ee u taga ee u adeega ayuu ahaa, hadduu qof dhintana isagaa ahaa qofka qabriga qoda ee u dhaadhaca" ayuu yiri.
Fanka ka sokow, wuxuu ku tilmaamaay Cismaan Ceeleeye in Fu'aad uu ahaa aabbe ka tegey 17 carruur ah, ayadoo marka lagu daro wixii ay sii dhaleenna ay tiradoodu gaarayso in ka badan 40.
Allah u naxariistee fanaanka oo xalay la aasay ayaa aaskiisa waxaa ka soo qayb galay madax iyo dadweyne fara badan.
Afhayeenka urur goboleedka IGAD Patience Nyange oo qoraal tacsi ah soo saartay ayaa tiri "codkiisa iyo dhaxalkiisa waxay ku sii noolaan doonaan quluubta dad badan".










