Suuriya: Sannad ka dib dhicitaankii Assad

Suuriya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Syria waxay u dabaaldegeysaa sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Syria Bashar Al-Assad. Xukunkii adkaa ee Asad kaddib dalka waxa uu galay halgan uu ku raadinayo xasilooni iyo in uu ka soo kabto dagaallo sanado socday.

Dabaaldeg rasmi ah ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco fagaaraha Umayyad ee bartamaha Dimishiq kaas oo ay soo buuxiyeen dad faraxsan ka hor inta uusan barnaamijka bilaaban. Sidoo kale waxaa laysugu soo baxay qeybaha kale ee dalka. Militeriga ayaa ka qeybgalaya munaasabada lagu xusayo ridistii Bashar Al-assad.

Sanad ka hor ayuu Assad Syria ka cararay isagoo aaday Ruushka kaddib markii falaagada uu hoggaaminayay madaxweynaha cusub ee dalka, Ahmed al-Sharaa, ay qabsadeen Dimishiiq taas oo soo afjartay xukunkiisa iyo dagaalka socday in ka badan 13 sano ee ka soo bilowday kacdoon looga horjeeday dowladiisa.

Sharaa wuxuu ku xusay maalintaa isagoo saladda subax ku tukaday masjidka Umayyad ee Dimishiq sida ay sheegtay wakaalada wararka SANA. Wuxuu xirnaa dharka militeriga.

Sharaa wuxuu ballanqaaday in uu dhisayo Syria xoog badan

"Laga bilaabo koonfur ilaa iyo waqooyi, bari iyo galbeed, hadii Alle idmo, dib ayaan u dhiseynaa Syria xoog badan oo leh dhismo ku haboon oo ka turjumaya kii hore iyo mustaqbalka" ayuu yiri Sharaa sida ay warisay wakaaladda wararka SANA.

Sharaa, oo hore u soo noqday taliye ururka Al-qaacidda ah, ayaa sameeyay isbaddel weyn oo dib u qaabeeyay siyaasadda dibadda Syria. Wuxuu xiriir la sameeyay Mareykanka, wuxuu ku guuleystay taageerada dowladaha khaliijka iyo Turkiga iyo sidoo kale wuxuu dhabarka xajiyay saaxiibadi Assad ee Iran iyo Ruushka. Cunaqabateynta reer galbeedka saareen dalkiisa ayaa inta badan la qaaday.

Sharaa wuxuu ballanqaaday in uu baddelayo boliiskii dhibaatada badnaa ee Assad, isagoo sheegay in uu ku baddelayo mid loo wada dhan yahay oo nidaam ku shaqeeya.

Ku xigeenka wakiilka gaarka Qaramada Midoobay ee Syira, Najat Rochdi, ayaa sheegay in afgembigii Assad laga dhexlay in uu dalka helo "fursadii ugu horeysay jiilal badan" ee lagu qaabeynayo mustaqbalka dalka.

Xalab oo aheyd magaaladii ugu weyneyd ee ciidamada Sharaa qabsadaan sanadkii la soo dhaafay ayaa looga dabaaldegay gawaari ay saaran yihiin dad sita calanka cusub ee Syria.

"Dalka ayaan jeclaanay. Markii hore dalka ma jecleyn, waxaan dooneynay in aan ka tagno", ayuu yiri Maxamed Karam Xamaami oo ka mid ah dadka deggan magaalada Xalab.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalada diimaha taas oo keentay barakac cusub iyo in dadka laga tirada badan yahay ay ka aamin baxaan dowladda Sharaa.

Maamulka Kurdida ee xukuma waqooyi bari ayaa mamnuucay dabaaldegga iyagoo sabab uga dhigay arrimo ammaan.

Al Sharaa

Xigashada Sawirka, Sana

Afar sano oo kumeelgaar ah kaddib ayey doorasho dhaceysaa

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sharaa ayaa u sheegay madal ka dhacday Qatar dhammaadkii toddobaadka in "Syria ay ku jirto xiligii ugu fiicnaa"si kasta oo ay jiraan rabshada, wuxuuna sheegay in lala xisaabtamayo kuwa mas'uulka ka ah.

Wuxuu sheegay in mudada kumeelgaarka ee isaga xukunka haynayo ay soconeyso 4 sano si loo dhiso hay'adaha, qeynuunka iyo dastuurka cusub si dadku ugu cadeeyaan.

Sharaa ayaa xukunka ku qaatay dastuur kumeelgaar ah oo bishii Maarso la ansixiyay. Dowladda ayaa qabanqaabisay doorasho dad badan bishii Oktoobar oo lagu dhisay baarlamaan.

Qabiilka Assad ee Calawiyiinta oo ah dad tiro yar, waxay Suuriya xukumayeen ku dhawaad 54 sano.

Dagaalka Syria waxaa ku dhintay boqolaal kun, waxaana ku barakacay malaayiin ilaa markii uu bilowday sanadkii 2011.

Hay'ada qaxootiga Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 1.2 milyan oo qaxooti ah iyo 1.9 milyan oo gudaha dalka ku barakacay ay dib ugu laabteen guryahooda Syria ilaa markii Assad la riday.

Bangiga dhexe ee Suuriya oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters toddobaadkii la soo dhaafay ayaa sheegay in 1.5-ta milyan ee qaxootiga soo noqday ay kaalin ka qaadanayaan kobaca dhaqaalaha dalka.

Xafiiska xiriirka arrimaha bani'aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in baahida ka jirta Syria oo dhan ay aad u daran tahay iyadoo dad gaaraya 16.5 milyan ay u baahan yihiin gargaar sanadkan 2025.