"Waxaan nahay noole sii dabar-go'aya" – Caddaanka Koonfur Afrikaanka ee ku taamaya in ay qaxooti ahaan ugu haajiraan Maraykanka

    • Author, Claire Mawisa
    • Role, BBC Africa Eye
    • Reporting from, Free State

Albaabbada koronteysan ee birta ka samaysan ee jooggoodu yahay 4 mitir (13 feet), oo ay qodxo kore uga teedsan yihiin, ayaa si tartiib ah u furmaya iyadoo Marthinus oo ah beeraley uu ku soo galay baabuurkiisa.

Kaamirooyin ku rakiban afaafka hore ayaa raacaya dhaqdhaqaaq kasta oo uu sameeyo, halka siligyo badan oo caarado fiiqan ay ku meegaaran yihiin beerta oo ku taal gobolka Free State ee dhaca bartamaha Koonfur Afrika.

"Waxay u ekaatay sida xabsi," ayuu yiri Marthinus oo maqlaya albaabbada oo dib u xirmaya. "Haddii ay doonayaan in ay yimaadaan si ay noo dilaan, way kari karaan —ugu yaraan waxay ku qaadan doontaa wakhti in ay igu soo gaaraan."

Cabsida uu ka qabo in la soo weeraro ninkan ka soo jeeda dadka Afrikaaner-ka, oo qoyskiisu ay beeraley yihiin waa mid dhab ah. Sidaas darteedna wuxuu iga codsaday in aanan isticmaalin magaciisa oo buuxa.

Koonfur Afrika
Qoraalka sawirka, Marthinus wuxuu xareystay codsi uu ugu guurayo mareykanka si uu uga maato halista South Afrika

Marthinus iyo xaaskii labadaba awooweyaashood waxaa dilay weerarro lagu soo qaaday beeraha, wuxuuna ku nool yahay meel labo saac looga socdo halkii lagu diley Brendan Horner oo maamule ka ahaa mid ka mid ah beeraha deegaankaas ku yaal, kaas oo shan sano ka hor la maydkiisa la helay isagoo gardaduub u xiran, qoortana xarig looga sirqiyey.

Marthinus wuxuu leeyahay in uusan fursad u haysan in uu halis geliyo qoyskiisa. Bishii Febraayo, isaga iyo qoyskiisu waxay codsadeen qaxooti ahaan Maraykanka.

"Waxaan u hurayaa nolosheyda oo dhan si xaaskayga iyo carruurtayda nolol ka wanaagsan u helaan. Maxaa yeelay ma rabo in la gowraco oo lagu laalo tiir," ayuu yidhi.

Koofur Afrika
Qoraalka sawirka, Marthinus ayaa ka tegi doona beertiisa haddii uu u wareego Mareykanka

"Dadkeena Afrikaaner-ka ah waxay noqdeen bartilmaameed halis ku jira."

Inkastoo tirakoobka rasmiga ah aan la shaacin, haddana dad lagu qiyaasay kumannaan qof oo Afrikaaners ah, ku waas oo badankood ka soo jeeda caddaankii reer Yurub ee soo gumeystey Koonfur Afrika, ayaa bilaabay geeddi-socod dheer oo ay ku codsanayaan Maraykanka qaxootinimo, tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump saxeexay amar madaxweyne horraantii sanadkan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Inkastoo uu Maraykanku hoos u dhigi doono qaxootiga uu sanadkii qaabilo, kana dhigi doono 7,500 halkii uu ka ahaan jiray 125,000, Trump wuxuu mudnaanta siiyay dejinta Afrikaaners-ka.

Dukumenti madaxweyne oo lagu daabacay qoraalka rasmiga ah ee maalinlaha ah ee dowladda Maraykanka ayaa sheegay in dadka la aqbali doono ay "inta badan" ahaan doonaan Afrikaaner Koonfur Afrikaan ah iyo "dad kale oo dhibbane u ahaa takoorka sharci-darrada ah ee waddamadooda".

Marthinus, arrintu waxay u tahay caalwaa.

"Nolosheyda oo dhan waan siin lahaa si xaaskeyga iyo carruurteyda u helaan badbaado. Inaad ku noolaato cabsi, miyaad garan? Qofna nolol sidaas ah ma istaahilo."

Dambiyada rabshadaha wata ee Koonfur Afrika waa kuwo aad u baahsan.

Warbixinnadii ugu dambeeyay ee dambiyada, oo la sii daayay bishii November ee rubucii ugu horreeyay ee 2025, waxay muujiyeen in celcelis ahaan 63 qof la dilo maalin kasta. Inkastoo ay hoos u dhacday marka loo eego 2024, heerka dilalka Koonfur Afrika wuxuu weli ka mid yahay kuwa ugu sarreeya aduunka.

Koonfur Afrika
Qoraalka sawirka, Thabo Makopo oo ah beeraley qudhiisu wuxuu ka walaacsan yahay in la beegsado

Dhinaca magaalada Ficksburg, oo ku ag taal buurta Imperani, Thabo Makopo wuxuu leeyahay beer yar oo ku fadhisa 237 acre (96 hektar), halkaas oo uu ku dhaqdo ido iyo lo'. Sida Marthinus oo kale, ninkan 45 jirka ah wuxuu leeyahay weerarrada beeralayda in ay yihiin mushkiladdiisa ugu weyn.

"Waa dhallinyaro. Way hubaysan yihiin, wayna halis badan yihiin. Waxaa ka go'an in ay xoola dhacaan, wax kasta ha ku qaadatee," ayuu yiri.

Thabo wuxuu rumaysan yahay in dhammaan beeralayda gobolka, midab kasta ha lahaadeene, ay khatar ku jiraan.

"Waa dhammaanteen. Anigaba maanta waa la i dili karaa—cid walba way ku dhici kartaa halistaan."

Jawaabta booliiska ee wicitaannada degdegga ah ayaa si weyn loogu dhaliilaa inay aad u gaabis tahay. Booliisku way qirayaan arrinta, waxayna sheegeen inay ku shaqaynayaan sidii loo hagaajin lahaa.

Koonfur Afrika
Qoraalka sawirka, Morgan Barrett wuu diidey in waxa ka socda Koonfur Afrika xasuuq loogu yeero.

Dhinaca kale, waxaa soo badanaya dadka Koonfur Afrikaan-ka ah ee ku tiirsan ilaalada gaarka loo leeyahay. Sida uu sheegay hay'adda rasmiga ah ee kormeerta shirkadaha amniga gaarka ah, in ka badan 630,000 ilaalo amni ayaa shaqeeya—taas oo ka badan tirada booliska iyo ciidanka xoogga oo la isku daray.

Beeraley badan, sida Morgan Barrett oo caddaan ah, waxay shaqaaleysiiyaan waardiye u gaar ah haddii ay awoodaan. Morgan wuxuu leeyahay beer dhan 2,000 acre oo qoyskiisu lahaa lix jiil. Isagoo ku duuban jaakad culus iyo koofiyad, wuxuu galaa gaarigiisa si uu u bilaabo gaafmeerka habeenkii. Morgan iyo deriskiisu waxay ku jiraan waardiye habeen kasta. Lix sacaad oo uu lahaa ayaana la xaday toddobaadkii hore.

"Booliiska waad wici kartaa, waxay imaan karaan laba ilaa saddex saacadood ka dib—markaasna tuuggii goor hore ayuu u baxsaday," ayuu yidhi.

Sida Thabo, Morgan ma rumaysna in la beegsado sababo la xiriira midabka maqaarkiisa. "Ma rumaysni sheekada ah in halkan weerarrada kaliya lagula beegsado dadka cadaanka. ah."

"Haddii ay u maleynayaan in ninka madow uu 20,000 oo rand ku haysto sanduuqiisa, way weerari lahaayeen sida ay u weerari lahaayeen ninka cadaanka ah ee 20,000 rand haysta."

Markii la weydiiyay waxa uu ka aaminsan yahay dadka sheegaya in uu jiro "xasuuq cadaan ah" oo ka socda Koonfur Afrika, wuxuu yiri dadkaas "ma fahmin waxa dhab ahaantii xasuuq yahay."

"Xasuuq waxaa la dhahaa wixii Rwanda ka dhacay oo kale. Waxa hadda beeralayda cadaanka ah ku dhacaya waa wax xun, laakiin ma aha wax lagu magacaabi karo xasuuq."

Trump ayaa ku celceliyay sheegashooyinka aadka looga muransan yahay ee ku saabsan in beeraley cadaan ah la xasuuqayo, halka bilyaneerka asal ahaan ka soo jeeda Koonfur Afrikaan ee Elon Musk uu ku eedeeyay siyaasiyiinta Koonfur Afrika in ay "si firfircoon u dhiirrigelinayaan" xasuuqa.

Dowladda Koonfur Afrika si xooggan ayay u beenisay eedaha la xiriira in Afrikaners-ka iyo dadka kale ee cadaanka ah la beegsado.

Koonfur Afrika kama sii daayo tirokoobka dambiyada oo ku salaysan qowmiyad, balse bishii May, si loo beeniyo sheegashooyinkan, Wasiirka Booliska Senzo Mchunu wuxuu bixiyay faahfaahin ku saabsan dilalka beero.

Mchunu wuxuu tibaaxay in intii u dhaxaysay October 2024 ilaa March 2025, dalka oo dhanuu ka dhacay 18 dil oo beeroley loo geystey. 16 dhibbane waa madow, halka laba kaliya ay yihiin cadaan.

Inkasta oo ay jiraan tirakoobyadan, haddana aragtida ku aadden in dadka caddaanka ah loo dulmiyo midabkooda dartiis, haddana warkaas oo markii hore ku ekaa kooxaha garabka midig, hadda waxay gaareen xayndaabka dadweynaha.

Takoorid nidaamsan oo loo geysto dadka madow waa wax soo taxnaa tobanaan sano, iyadoo in ka badan 80% dadka Koonfur Afrika ay yihiin madow.

Nidaamkii midabtakoorka ee soo socdey 46 sano (1948–1994) wuxuu si sharci ah dadka ugu kala soocay iskuulka, shaqada, dhulka iyo xitaa goobaha ay ku nool yihiin. Xuquuqaha sida in la codeeyo, in la dhul iibsado, iyo shaqooyinka xirfadaha sare waxa loo oggolaa dadka cadaanka ah oo keliya. Milaayiin madow ah ayaa laga qaaday dhulkoodii oo lagu khasbay in ay ku noolaadaan deegaano gooni loo asteeyeey.

Koonfur Afrika
Qoraalka sawirka, Nthabiseng Nthathakana ninkeedi waxaa lagu hor diley dukaankiisa

Nidaamku wuxuu ku dhaqmay rabshado iyo caburin.

Inkastoo nidaamkii midabtakoorka (Apartheid) uu dhamaaday 1994, haddana 30 sano ka dib sinnaan la'aantii qotada dheerayd weli way sii jirtaa.

Dowladdii beddeshey tii midabtakoorka (Apartheid) waxay soo kordhisay siyaasado wax ka qabta sinnaan la'aanta, balse waxaa lagu dhaliilay in aysan natiijo wax ku ool ahayn ka gaarin daadajinta "qoondooyinka qowmiyadeed".

Si kastaba ha ahaatee, 72% dhulka gaarka loo leeyahay wuxuu weli ku jiraa gacanta dadka caddaanka ah, sida ku xusan warbixinta Land Audit ee 2017, inkastoo dadka cadaanka ahiay bulshada ka yihiin 7.3% oo keliya.

Barnaamijka dib-u-habaynta dhulka ee ku saleysan "iibiye iyo iibsade wadar-ogol ah" aad ayuu u gaabiyey. Sharci cusub oo sanadkan la ansixiyay ayaana u oggolaanaya dawladda in dhul gaar loo leeyahay ay la wareegto iyada oo aan magdhow bixin, balse tani waxay khuseysaa xaalado aad u gaar ah, sida ay sheegeen khubaro sharci.

Inkasta oo dadka caddaanka ahi ay leeyihiin dhulka ugu badan, dhibbanayaasha weerarrada beeraleyda lala beegsado waxay ka kala yimaadaan dhammaan qowmiyadaha. Siyaasaddanina waxay diiradda saaraysaa beeralayda cadaanka ah, laakiin dambiyada dhulka ka jira waa kuwo aan kala sooc lahayn.

________________________________________

Nthabiseng Nthathakana waxay dukaan yar oo raashin lagu iibiyo ku leedahay Meqheleng oo ah tuulo ku taal Ficksburg, halkaas oo dadka madow lagu qasbay in ay u guuraan xilligii Apartheidka.

15-kii Jannaayo ee sannadkan, dukaan ayaa la dhacay xilligii ninkeeda Thembani Ncgango uu xirayay. Wuxuu awooday in uu u cararo guriga deriska, laakiin tuuggii ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan haddii albaabka la furo.

Nthabiseng waxay maydka Thembani ka heshay dukaanka bannaankiisa.

"Waxaa jirkiisa oo dhan lagu shaqshaqay rasaas. Way toorreeyeen, waxayna ku dhagxiyeen," ayay tiri.

Qofna looma soo qaban dilkiisa. Nthabiseng hadda waa mas'uulka keliya ee daryeelka afarta carruur ah.

"Carruurtu way i waydiiyaan: 'Hooyo, yaa dilay aabbaha?' Adiguna ma garanayso waxa aad u sheegto," ayay tiri.

Laba saacadood oo u jirta Ficksburg, Marthinus iyo qoyskiisa waxay dhawaan heleen warka ah in codsigoodii qaxootinimo la aqbalay.

Waxay bilaabeen diyaarinta guuritaanka; waxay sugayaan jadwalka duulimaadkooda.

Weli wuu ku adkeysanayaa in dadka cadaanka ah la silcinayo.

"Dad badan waxay rumaysan yihiin arrintu inay tahay siyaasad lagu doonayo in nalaga saaro si ay uga tagaan dhulkan iyaga uun.

Waxaan aad ugu mahadnaqayaa inaan ka fogaan doono cabsi joogto ah. Ilaahay ayaan uga mahadnaqayaa inuu ducayaashii noo aqbalay."

— Warbixin dheeri ah: Isa-Lee Jacobson iyo Tamasin Ford