Caddaanka Koonfur Afrika ee aaday Maraykanka waa fulya, waxaa sidaas yiri madaxweynahooda

dadka baxay

Xigashada Sawirka, Reuters

    • Author, Wycliffe Muia
    • Role, BBC News

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa ugu yeeray koox ka kooban 59 caddaan Koonfur Afrikaan ah oo u guuray Mareykanka "fulayo", isagoo sheegay "in ay dhaqso u soo laaban doonaan".

Kooxdaan Afrikaners ah ayaa soo gaadhay Maraykanka Isniintii ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu siiyay sharci qaxootinimo, isagoo sheegay inay la kulmeen midab takoor.

Laakin Ramaphosa waxa uu sheegay in kuwa doonaya in ay baxaan aysan ku faraxsanayn dadaallada lagu doonayo in wax looga qabto sinnaan la'aantii midab-takoorka ee la soo dhaafay, isaga oo ku tilmaamay guuritaankooda "waqti murugo u leh kuwa baxay".

"Haddii aan nahay dadka Koonfur Afrikaanka ah waxaan nahay dad adkeysi badan, kama cararno dhibka na haya, waa inaan halkaan joognaa oo aan xalinnaa dhibaheena, marka aad cararto waxaad tahay fuley, taasina waa fal fuleynimo oo dhab ah" ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Trump iyo saaxiibkiisa ugu dhow, ee u dhashay Koonfur Afrika, Elon Musk, ayaa sheegay in Koonfur Afrika uu ka dhacay "xasuuq" ka dhan ah beeralayda caddaanka ah - sheegashadaas oo si weyn looga soo horjeestay.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mareykanka ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Koonfur Afrika in ay la wareegtay dhul ay lahaayeen beeraley caddaan ah oo aan wax magdhow ah laga siin.

In ka badan 30 sano ka dib markii uu dhamaaday xukun tobanaan sano socday ay maamulayeen caddaanka tirada yar ee Koonfur Afrika, beeralayda madowga ayaa waxay leeyihiin qayb yar oo ka mid ah dhul-beereedka ugu wanaagsan ee waddanka, inta badanna waxay weli ku jiraan gacmaha dadka cad, taasoo keentay caro ay ka qabaan isbeddellada sida tartiib ah u dhacaya.

Bishii Janaayo Madaxweyne Ramaphosa waxa uu saxiixay sharci muran badan dhaliyay oo dowladda u ogolaanaya in ay la wareegto dhul si gaar ah loo leeyahay iyada oo aan wax magdhow ah laga siin dadkii lahaa, hadii dowladdu u aragto "mid danta guud ku jirto".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Balse dowladda ayaa sheegtay in weli aysan jirin dhul lagu qaatay sharcigaas.

Trump ayaa u soo jeediyay in uu dib u dajin u sameeyo dadka Afrikaanka ah ee cadaanka ah, kuwaas oo ay ka soo jeeda inta badan dadka Nederland, isaga oo sheegay in ay ka cararayaan xaalad xun oo ka jirta Koonfur Afrika.

Isagoo ka hadlayay isniintii bandhig beereedka gobolka Free State, Ramaphosa wuxuu sheegay in Afrikaners ku ay u guurayaan Mareykanka maadama aysan ahayn " kuwo si wanaagsan" ugu fikiray dadaallada lagu doonayo in wax looga qabto caqabadaha dalka.

"Haddii aad eegto dhammaan kooxaha qaranka ee dalkeenna, madow iyo caddaan, waxay ku hareen dalkan sababtoo ah waa waddankeena, mana aha inaan ka cararno dhibkayaga, waa inaan halkaan joognaa oo aan xalinnaa dhibaatooyinkayaga," Ramaphosa ayaa sidaas yiri.

"Sharad ayaan ku gali karaa in ay dhawaan soo laaban doonaan sababtoo ah ma jiro wadan la mid ah Koonfur Afrika" ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hadalkiisa ahaa "fulaynimada" waxa uu ka cadhaysiisay qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada, kuwaas oo cambaareeyay kuna tilmaamay meel ka dhac uu ku sameeyay caddaanka Koonfur Afrikaanka ah ee dhibban.

Kooxda Afrikaners ka ah ayaa waxaa soo dhaweeyay mas'uuliyiin sarsare oo Mareykan ah oo ku andacoonaya inay "ku hoos noolaayeen dadkni harka rabshadaha iyo argagixisada" ee Koonfur Afrika.

"Ku soo dhawaada dhulka kuwa xorta ah," ayuu yiri ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Chris Landau xilli uu qaabilayay dadka Koonfur Afrikaanka ah ee ka soo degay garoonka Dulles ee u dhow Washington DC Isniintii.

Qaarkood waxay haysteen caruur yar yar waxayna lulayeen calamada Maraykanka iyada oo goobta lagu soo dhaweeyay ay ku xardhanaayeen buufinno casaan, caddaan iyo buluug ah oo