Maxaa loogu bixiyay madaxweynaha Kenya naanaysaha badan oo ay ka mid tahay Kasongo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Basillioh Rukanga
- Role, BBC News, Nairobi
Madaxweynaha Kenya William Ruto waa nin naanayso badan leh.
El Chapo, Kasongo, Xoogsade, Ku xigeenka Ciise iyo Iibiye digaag waa qaar ka mid ah naanaysaha loo bixiyey sanadihii u dambeeyay.
Sida caadada ah marka qof la siiyo naanays kale, qaar waxay yihiin kuwo jacayl ama xushmad muujinaya, halka kuwa kalena ay yihiin kuwo lagu muuq xumeeyo qaar kalena waxay muujiyaan cadho xooggan.
Taariikhda naanaysaha madaxweynaha waxay daaha ka rogaysaa sida ay dadku u beddeleen aragtidooda ku aaddan isaga.
Ruto wuu aqbalay is-beddelka naanaysaha, wuxuuna dhowaan ku kaftamay in Kenyanku "ay u dhameeyeen isaga" naanaysaha badan ee ay u bixiyeen awgeed.
"Magacyo badan baad i siiseen. Hore waxaan u lahaa magaca William Kipchirchir Samoei Ruto. Waxaad ku darteen Survivor… Zakayo... immikana waxaad joogtaan Kasongo [waa cinwaanka hees ka timid Congo oo ka hadlaysa dayac iyo qalbi jab]. Ma toban baad ku joojinaysaan mise waxaan isu diyaariyaa kuwo kale?" ayuu dhawaan waydiiyey dad isu yimid.
Dadka ku sugnaa isu-soo-baxa Nairobi, caasimadda, waxay ugu jawaabeen inay hayaan kuwo kale oo dheeraad ah.
Kahor intii aan loo dooran madaxweyne sanaddii 2022, Ruto wuxuu helay naanaysyo kor u qaaday sumcaddiisa ah inuu yahay nin ka yimid dadweynaha.
Xoogsade – oo micnaheedu yahay qof ku dadaalaya inuu noloshiisa ka shaqaysto xitaa marka ay xaaladdu adagtahay – ayaa caawiyay in loo muujiyo inuu yahay qof mudnaanta siinaya baahiyaha dadka danyarta ah.
Digaag Iibiye, taas oo loola jeedo waqtigiisii yaraanta markii uu digaag ka iibin jiray wadooyinka, waxay taabatay dad badan oo noloshiisa u arkay mid ka tarjumaysa tii ay iyagu ku soo koreen.
"Kuwani waxay ahaayeen naanaysyo aad u wanaagsan. Waxay u suuq geeyeen shacabka marka la eego codadka," ayuu yidhi falanqeeye siyaasadeed Prof Herman Manyora oo la hadlay BBC-da, isagoo xusay inay ka caawiyeen inuu gaaro xilka ugu sarreeya.
"Magacyadu aad bay ugu dhegaan Ruto," ayuu intaa ku daray.

Xigashada Sawirka, AFP / Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laakiin madaxweynuhu muddo dheer ayuu ahaa qof si weyn uga muuqda siyaasadda Kenya, waxaana uu xilka madaxweyne ku-xigeen soo hayay sagaal sano ilaa 2022, waligii se kama fogaan khilaafaadka iyo muranka.
Prof Herman Manyora wuxuu dib u xasuustay naanaysta Arap Mashamba – oo micnaheedu yahay "wiilkii dhul beereedka" – taasoo soo baxday ku dhowaad toban sano ka hor, una laabanaysa lahaanshaha Ruto ee dhulal baaxad leh oo uu ka leeyahay guud ahaan dalka. Waxaa soo baxay walaacyo ku saabsan sida qaar ka mid ah dhulkan loo helay.
Sanadkii 2013, maxkamad ayaa Ruto ku amartay inuu wareejiyo dhul dhan 100 acre (40 hektar), isla markaana uu magdhaw siiyo beeraley ku eedaysay inuu xoog uga qaatay intii lagu jiray rabshadihii doorashada ee 2007. Ruto wuu beeniyay eeddaas.
Ruto wuxuu aad u jecel yahay inuu aayado Kitaabka Quduuska ah (Baybalka) ka soo xigto, taasoo sababtay in lagu naanayso Deputy Jesus – ama "Kuxigeenka Ciise – Nabi Ciise". Waxaa sidoo kale loo bixiyay magaca Nabii, oo macnaheedu yahay Nebi.
Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii uu madaxweyne noqday ayay kuwa naanaysaha sameeya aad u hawlgaleen – ugu yaraan toban naanays ayaa la sameeyay – waxayna noqdeen kuwo si sii kordhaysa u dhaliilaya.
Mid ka mid ah naanaysaha si gaar ah u soo baxay waa Zakayo – magaca Kiswahiliga ee Zaccheaus, oo Baybalka ugu xusan in uu ahaa cashuurqaade hunguri weyn oo geed fuulay si uu u arko Ciise.
Dowladda Ruto waxay soo rogtay cashuuro badan oo caan ku noqday in aan la jeclaysan, waxaana dad badan bilaabeen inay yidhaahdaan wuxuu khiyaamay xoogsatadii uu hore u matalayay.
"Markii uu madaxweyne noqday wax uu ballan qaaday ma fulin," ayuu yiri Prof Manyora.
Dhibaatada ka dhalatay bixinta cashuuraha dheeraadka ah, iyo dareenka ah in lacagtaas la khasaarin doono, ayaa noqotay arrin si weyn looga hadlo.
Sanadkii hore, dhallinyaro badan ayaa ka baxay waddooyinka magaalada Nairobi iyagoo mudaaharaadyo socday toddobaadyo ku diidanaa qorshe cusub oo dowladda ku rabtay inay cashuuraha kordhiso – qorshahaas ugu dambeyntiina waa laga noqday kadib markii ay mudaaharaadyadii noqdeen kuwo gacan ka hadal ku dhammaaday.

Xigashada Sawirka, Anadolu / Getty Images
Mr. Kiplimo, si kastaba ha ahaatee, wuxuu aaminsan yahay in sida uu madaxweynuhu u yareeyo naanaysaha loo bixiyo, xitaa uu qaarkood la qabsado oo u muuqdo inuu ku raaxeysto, ay muujinayso inuu yahay nin adkaysi leh.
Prof Manyora wuxuu rumeysan yahay in dhallinyarada samaysa naanaysaha kale ee madaxweynaha ay sidaas u samaynayaan si ay uga nafisaan niyad-jabka, una helaan dariiq ay ku daadiyaan culayska iyo walbahaarka.
Aragtidan waxaa taageertay Margaret Wairimu Kahura, oo ah ardayad 24 jir ah, waxayna sheegtay in dad badan oo Kenyan ah "ay qabaan xanuunno badan."
Waxay dareensan tahay in maja-xaabinta iyo naanaysaha lagu qoslo ay yihiin siyaabo uu madaxweynuhu uga fahmi karo sida ay dhallinyaradu dareemayaan.
Waxay tidhi: "Ma jiro madaxweyne kale oo Kenyan ah oo heerkan kaftan iyo dhaleecayn ah la gaadhsiiyay, markaa tani waa arrin gaar ah – balse si xun u gaar ah."
Waxaa run ah in madaxweynayaashii hore ay iyaguna lahaayeen naanaysyo, laakiin tiradoodu marnaba ma aysan gaarin heerkan.
Madaxweynihii hore, Uhuru Kenyatta, waxaa loo yaqaanay Kamwana ("wiil yar"), Jayden (naanays Kenyan ah oo loo adeegsado carruurta la daryeelo ee aan shaqayn), iyo Wamashati (maadaama uu jeclaa funaanadaha xardhan ee daabacan).
Hoggaamiyihii ka horreeyay, Mwai Kibaki, waxaa loo yaqaannay General Kiguoya (taliyaha baqa) iyo Fence Sitter (qof aan dhinac raacin, hadba halka dabayshu u socoto).
Waxaa suuragal ah in da'da baraha bulshada, oo si joogto ah ugu baahan waxyaabo cusub oo dadka lagu madadaaliyo, ay kor u qaadayso isbeddelkan naanaysta faraha badan ee lagu magacaabo madaxda.
Laakiin dad badan oo ay ka mid tahay Ms. Kahura, waxay aaminsan yihiin in tirada badan ee naanaysaha loo bixiyay Ruto ay dhab ahaan u metelayaan "dhibaatooyinka kala duwan ee dadka haysta."













