Waa maxay sababta hoggaamiyaha Burkina Faso uu qalbiyada iyo maskaxdaba uga kasbaday dadweynaha adduunka oo dhan

Xigashada Sawirka, Ibrahim Traore / X
- Author, Farouk Chothia
- Role, BBC News
Hoggaamiyaha lala dhacay ee Ciidanka Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, oo ah 37 jir, ayaa si xirfadleh u dhisay shaqsiyad u dhaqdhaqaaqe hoggaamiye Afrikaan ah kaas oo ay ka go'antahay in uu qarankiisa ka xoreeyo waxuu ugu yeedhay gumeeysiga iyo haysashada reer galbeedka.
Fariintiisa ayaa si weyn uga dhex hadashay Afrika iyo meelo kale oo caalamka ah, iyadoo taageerayaashiisu ay u arkaan inuu raacayo dariiqii halyeyada Afrika sida Thomas Sankara oo ahaa halgame shuuci ah, una dhashay Burkina Faso, mararka qaarna loogu yeero "Che Guevara-ha Afrika".
"Saamaynta Traoré keenay waa mid weyn. Waxaan xitaa maqlay siyaasiyiin iyo qorayaal dalal sida Kenya ah oo leh: 'Waa kan. Waa ninka la sugayay,'" ayay tiri Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan shirkadda caalamiga ah ee la-taliska ah ee Control Risks, oo la hadashay BBC.
"Fariimihiisu waxay ka tarjumayaan xilligan aan ku noolnahay, xilli ay Afrikaan badan isweydiinayaan xidhiidka ay la leeyihiin reer Galbeedka iyo sababta ay saboolnimo u wali u saameyneyso qaaradda hodanka ku ah kheyraadka," ayay raacisay.
Ka dib markii uu xukunka la wareegay afgembi 2022-kii dhacay, maamulka Traoré waxa uu ka takhalusay xidhiidhka uu la lahaa quwadihii hore ee gumeystaha ahaa ee Faransiiska, isagoo doortay xulafeysi xoogan oo uu la yeeshay Ruushka — taasoo ay ka mid ahayd in la geeyo dalkiisa ciidamo Ruush ah oo gaar ah — wuxuuna qaatey siyaasad dhaqaale oo bidix u janjeedha.
Waxa uu sameeyay shirkad qaran oo lagu maamulo macdanta, wuxuuna shirkadaha ajnabiga ah ku amray inay siiyaan15% saamiga hawlahooda gudaha, isla markaana ay xirfadaha u wareejiyaan dadka Burkinabé-ga ah.
Sharcigan waxa uu saameeyay shirkadda Ruushka ee Nordgold, taasoo bishii Abriil ee la soo dhaafay la siiyay ruqsad cusub oo ay ku maalgeliso warshadaha dahabka ee dalka.
Iyada oo qayb ka ah waxa uu Traoré ugu yeero "kacdoon" lagu hubinayo in Burkina Faso ay ka faa'iideysato khayraadkeeda macdanta, golaha ciidamada ayaa sidoo kale dhisaya warshad sifeysa dahabka iyo kayd qaran oo dahab ah oo markii ugu horreysay la aas-aasayo taariikhda dalkaas.
Si kastaba ha ahaatee, shirkadaha reer Galbeedku waxay la kulmayaan caqabado, iyadoo shirkadda laga leeyahay Australia ee Sarama Resources ay bilowday dacwad xallin khilaaf ah dhammaadkii 2024, kaddib markii laga qaaday ruqsad sahaminta.
Golaha militariga ayaa sidoo kale qarameeyay labo shirkad macdaned oo ay hore u lahayd shirkad laga diiwaan geliyay London, waxaana bishii la soo dhaafay ay ku dhawaaqeen inay qorsheynayaan inay la wareegaan goobo kale oo macdaneed oo ajanabi lahaa.
Enoch Randy Aikins, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga ee Koonfur Afrika, ayaa u sheegay BBC-da in isbeddelada xagjirka ah ee Traoré ay sare u qaadeen taageeradiisa gudaha Afrika.
"Wuxuu hadda si la hubo u yahay madaxweynihii ugu caansanaa ee Afrika, haddii uusan noqonin kan loogu jecelyahay," ayuu yiri Mr. Aikins.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taageerada uu Traoré kasbaday waxaa si weyn u kor u qaaday baraha bulshada, iyadoo lagu faafiyay qoraallo badan oo marin-habaabin ah oo lagu xoojinayo muuqaalkiisa kacdoonka ah.
Fiidiyowyo lagu abuuray garaadka macmalka ah (AI) oo muujinaya fanaaniin caalami ah sida R. Kelly, Rihanna, Justin Bieber iyo Beyoncé oo heeso ku amaanaya Traoré ayaa si weyn loo daawaday — inkastoo ay dhamaantood been yihiin oo aysan fanaaniintu samayn waxaas.
Ms. Ochieng waxay sheegtay in Traoré uu markii ugu horreysay si weyn u soo jiitay dareenka Afrikaan badan markii uu ka hadlay shirkii Afrika iyo Ruushka ee dhacay 2023, isagoo madaxda Afrika ugu baaqay inay "joojiyaan inay u dhaqmaan sida lahaystayaal isruxa markasta oo gumaystayaashu amaro bixiyaan."
Hadalkaas waxaa aad u baahiyay warbaahinta Ruushka, taasoo si firfircoon u taageeraysa muuqaalkiisa hoggaamiye Afrikaanimo u taagan.
Traoré wuxuu toddobaadkii hore ka qeyb galay xuska Ruushka ee 80-guurada guushii Midowgii Soofiyeeti ka gaaray Naziyiintii Jarmalka dagaalkii labaad ee adduunka. Wuxuu ku qoray X (horey Twitter loogu yaqaanay) in isaga iyo hoggaamiyeyaasha ciidamada ee deriska la ah Burkina Faso, sida Mali iyo Niger, ay dhiirrigeliyeen xuskaas si ay "ugu guuleystaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo gumeysiga — si kasta ha ku qaadatee".
Hadalladiisa qiirada leh iyo ololaha muuqaal ahaan si xirfad leh loo dhisay ee baraha bulshada dartood, sumcaddiisa ayaa ku faaftay caalamka, iyadoo ay xitaa taageero uu ka helay dadka madowga ah ee reer Ameerika iyo dadka madow ee reer Britain, sida ay sheegtay Ms. Ochieng.
"Qof kasta oo la kulmay cunsuriyad, gumeysi ama addoonsi wuu la jaanqaadi karaa fariimihiisa," ayay tiri Ms. Ochieng. Waxay tusaale u soo qaadatay heesaga Meek Mill — oo ah fanaan Mareykan ah — kaasoo bishii ugu dambeysay ee sannadkii hore ku qoray X inuu jecel yahay "tamarta iyo qalbiga" Traoré, inkastoo laga maadsaday markii uu khalday magaca, isagoo ugu yeeray "Burkina Faso" halkii uu magaca Traoré ku xusi lahaa, wuxuuna ugu dambeyn tiray qoraalkaas.
Laakiin madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ma jecla Traoré. Wuxuu ku tilmaamay inuu qeyb ka yahay "isku-xir aan caadi ahayn oo ka dhexeeya kuwa isu caleemo saaray Afrikaannimo iyo gumaystayaal cusub."
Macron wuxuu sidoo kale xusay Ruushka iyo Shiinaha, isagoo ku eedeeyay, khudbad uu jeediyay 2023, inay dabada ka riixayaan afgembiyada ka dhacaya dalalkii hore ee Faransiisku gumaysan jiray, isla markaana si laba wajiilenimo ah u kicinayaan doodaha ku saabsan madax-bannaanida iyo gumeysiga.
Caanimada Traoré waxay timid xitaa iyadoo uu ku guuldareystay inuu fuliyo ballanqaadkiisii ahaa inuu xasiliyo dalka oo uu soo afjaro kacdoon Islaami ah oo socday toban sano, kaasoo huriyay kala qaybsanaan qowmiyadeed, haatanna ku faafay dalal deris ah oo markii hore nabdoonaa sida Benin.
Golaha jabhadda ah ee uu hoggaamiyo wuxuu sidoo kale si adag u cadaadiyay mucaaradka, warbaahinta iyo ururrada bulshada rayidka ah. Waxaa lagu ciqaabay dhaleeceeyayaasha, oo ay ka mid yihiin dhakhaatiir iyo garsoorayaal, iyadoo loo diray safka hore ee dagaalka ka dhanka ah jihaad-doonka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Rinaldo Depagne, oo ah ku-xigeenka agaasimaha Afrika ee hay'adda International Crisis Group, ayaa sheegay in taageerada weyn ee uu Traoré heysto ay sabab u tahay "inuu yahay nin da' yar, dalkiisuna uu ka kooban yahay dad da' yar" — celceliska da'da dadka Burkina Faso waa 17.7 sano.
"Waa qof aad u fahamsan warbaahinta, wuxuuna si xeel dheer uga faa'iideysanayaa taariikhda si uu ugu dhiso sumcad cusub, isagoo isu muujinaya sidii dib u soo noolaynta Sankara," ayuu u sheegay BBC.
"Wuxuu si fiican u yaqaanaa farshaxanka siyaasadda — sida loo dareensiiyo ummad dagaal ku rafaadsan in ay jirto rejo cusub. Wuxuu si dhab ah ugu fiican yahay ciyaartaas."
Sankara wuxuu xukunka ku qabsaday afgembi 1983 isagoo 33 jir ah, wuxuuna dadka ku kiciyay hal-ku-dhigga ah "Dhulka hooyo ama geeri — waan guuleysanaynaa!", balse waxaa la dilay afar sano kadib afgembi kale oo dalka dib ugu celiyay saameynta siyaasadeed ee Faransiiska — ilaa Traoré uu xukunka qabsaday.
Falanqeeye amni oo u dhashay Ghana, Prof. Kwesi Aning, kaasoo hore uga shaqeyn jiray Xarunta Kofi Annan ee Tababarka Ilaalinta Nabadda, ayaa sheegay in caanimada hoggaamiyaha militariga ah ay ka tarjumayso isbeddel siyaasadeed oo ka socda qaaradda, gaar ahaan Galbeedka Afrika.
Sahan uu sameeyay Afrobarometer 2024, oo laga qaaday 39 dal, ayaa muujiyay hoos u dhac ku yimid taageerada dimuqraadiyadda, inkastoo ay weli tahay nooca ugu caansan ee nidaamka dowladeed.
"Dimuqraadiyaddu ma aysan siin dhalinyarada rejo. Ma aysan keenin shaqooyin, waxbarasho tayo leh iyo adeegyo caafimaad," ayuu yiri Prof. Aning.

Xigashada Sawirka, Ibrahim Traoré/X
Traoré ayaa ahaa qofkii dareenka dadweynaha qabsaday xafladdii caleemo-saarka madaxweynaha Ghana, John Mahama, bishii Janaayo, markuu yimid isagoo xiran dhar ciidan iyo bastoolad u xidhan
"Waxaa meesha joogay 21 madaxweyne hore u yimid, balse marka Traoré soo galay, goobtii way iftiintay. Xitaa ilaaliyaasha madaxweynahayga waxay bilaabeen inay daba ordaan," ayuu yiri Prof. Aning.
Wuxuu sheegay in Traoré uu soo bandhigay muuqaal gebi ahaanba ka duwan hoggaamiyeyaasha qaaradda qaarkood, kuwaas oo aan si fiican u socon karin balse si xoog ah ugu dhaggan kursiga iyagoo doorashooyin musuqaya.
"Traoré waa nin hab-dhismeed fiican leh oo kalsooni qaba, wejigiisuna furan yahay oo yar dhoola caddeynaya. Waa khudbadeeye awood leh, wuxuuna isku soo bandhigay sida nin dadkiisa u taagan."
Calaamad muujinaysa in maamulka ciidan ee Traoré oo Ruushka xulafo la ah uu horumar ka sameeyay dhinaca dhaqaalaha, ayaa waxaa soo saaray Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka, kuwaasoo si guud u muujiyay aragti wanaagsan.
Ma sahlana in la saadaaliyo sida uu ku dambeyn doono mustaqbalka kabtanka da'da yar, laakiin isaga — iyo hoggaamiyeyaasha ciidamda ee Mali iyo Niger — waxay si dhab ah u gilgileen Galbeedka Afrika, iyadoo dalal kale ay ku daydeen tallaabadooda, kana dalbadeen ciidamadii Faransiiska inay dalkooda ka baxaan.
Saddexdaas dal ee ay hoggaamiyaan ciidamadu waxay sidoo kale isaga baxeen ururkii gobolka ee Ecowas (Ururka Ganacsiga iyo Ammaanka), waxayna dhiseen isbahaysi cusub, isla markaana waxay joojiyeen ganacsigii xorta ahaa ee gobolka, iyagoo shaaciyay in ay saari doonaan canshuur dhan 0.5% alaabta soo galaysa waddamadooda.
Aikins wuxuu sheegay in Traoré uu wax ka baran karo hoggaamiyayaal hore, isagoo tusaale u soo qaatay Jerry Rawlings oo markuu 32 jir ahaa xukunka Ghana la wareegay, laguna naanaysi jiray "Ciisaha yar" — balse 19 sano kadib, wuxuu ka tagay taariikh isku dhex jir ah: in kastoo uu dhisay dimuqraadiyad waarta, haddana wuu ku guuldareystay inuu joojiyo musuqmaasuqa.
Si uu uga tago "dhaxal waara", Mr. Aikins wuxuu sheegay in Traoré ay tahay inuu diiradda saaro nabadda, iyo dhisidda hay'ado dowladeed oo xooggan si uu u keeno maamul wanaag, halkii uu xoogga saari lahaa kaligii-talisnimo iyo caburinta dadka ka aragti duwan













