Waa kuma ninka madaxweynayaashii Masar ee Mursi iyo Mubaarak xukunnada ku riday ee geeriyooday?

Shaaban Al-Shami

Xigashada Sawirka, Social Media

Qoraalka sawirka, Shaaban Al-Shami

Xaakim Shaaban al-Shami, oo horey uga tirsanaa Maxkamadda Dambiyada ee Qaahira, ayaa geeriyooday Axaddii aynu soo dhaafnay oo bishuna ahayd 11, isagoo muddo dheer xanuunsanaa. Waxa uu jiray 72 sano. Shaaban al-Shami waxa uu caan ku ahaa garsooridda dacwado waaweyn oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kiisaskii Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi iyo hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin, kaas oo dowladda Masar u aqoonsatay urur argagixiso.

Geerida garsoorahan u dhashay Masar waxaa aad uga hadlay warbaahinta, sababo la xiriira nooca kiisaska uu gacanta ku hayay iyo xukunnada uu riday, kuwaas oo dhaliyay hadal hayn dadweyne oo ballaaran tan iyo markii uu bilaabay shaqadiisa garsoornimo sannadihii 1970-meeyadii.

Shaaban Cabdul Raxman Maxamed El Shami wuxuu dhashay sannadkii 1953. Wuxuu ka qalin-jebiyay Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Caynu Shams sannadkii 1975, isagoo helay darajo aad u wanaagsan. Sannadkii xigay ee 1976 ayuu si degdeg ah u bilaabay shaqadiisa garsoornimada, isagoo si tartiib tartiib ah u dallacayay. Wuxuu ka shaqeeyay Maxkamadaha Racfaanka ka hor inta uusan si rasmi ah uga mid noqon Maxkamadaha Dambiyada sannadkii 2002 ilaa uu ka geeriyooday.

Waxa uu caan ku ahaa qorista iyo diiwaangelinta xukunnada iyo hannaanka uu maareeyay kiisas badan. Sannadkii 1994, Al-Shami wuxuu bilaabay inuu daneyn gaar ah u yeesho adeegsiga tiknoolajiyadda gudaha maxkamadaha, isagoo soo bandhigay nidaam kombiyuutar ah oo lagu diiwaangeliyo dacwadaha iyo xukunada uu ka qeyb qaatay, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah garsoorayaashii ugu horreeyay ee ku tiirsanaa kombiyuutarada si loo diiwaangeliyo shaqada garsoorka.

Maxkamadeyntii madaxweynayaal

Tan iyo bilowgii shaqadiisa, Shaaban El Shami wuxuu gacanta ku hayay kiisas badan oo si weyn u soo jiitay dareenka dadweynaha. Qaarkood waxay isugu jireen siyaasad iyo kuwo bulsho, halka kuwo kalena ay la xiriireen "colaadaha ku saleysan mad-habaha ee u dhexeeya Muslimiinta iyo Kaniisado" ku yaalla dalka Masar. Ugu dambeyntiina, wuxuu garsoore ka noqday maxkamadeynta laba madaxweyne.

Sanad kaliya kadib markii uu ku biiray garsoorka, wuxuu bilaabay baaritaanka mid kamid ah arrimihii bulsho ee ugu waaweynaa waqtigaas: dhacdooyinkii 18-kii iyo 19-kii Janaayo, 1977. Dhacdadan ayaa warbaahintu u taqaanay magacyo kala duwan, sida "Kacdoonkii Rootiga," halka Madaxweynihii hore ee Masar Anwar Sadat uu ugu yeeray "Kacdoonkii Tuugada." Kumanaan Masriyiin ah ayaa waddooyinka u soo baxay iyaga oo ka mudahaaradaya sicir barar xooggan, taasoo keentay dhac iyo boob ka dhacay waddooyinka Qaahira xilligaas.

Sannadkii 1981, wuxuu wajahaya kiis kale oo dareen caalami ah dhaliyay, kaasoo loo yaqaanay "colaadihii mad-habta ee Masar," kadib markii ay dagaal ku dhex maray Muslimiinta iyo iyo kuwo aan Muslimiin ahayn xaafadda caanka ah ee Zawya al-Hamra ee magaalada Qaahira.

Wuxuu sidoo kale baaray dhacdooyin rabshado ah iyo qaraxyo lala beegsaday kaniisad ku yaallay xaafadda Masarra ee degmada Shubra ee magaalada Qaahira, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay baaritaanka colaado ku saleysanaa mad-hab oo ka dhacay magaalada Senuris ee gobolka Fayoum, koonfur-bari Qaahira.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shaaban El Shami wuxuu caan ku noqday baarista iyo garsoorka kiisaska la xiriiray dhacdooyinkii "argagixisada" ee ka dhacay Masar intii u dhaxaysay 1980-meeyadii iyo 1990-meeyadii.

Wuxuu sidoo kale guddoomiyay maxkamado kale oo muhiim ah oo qayb ka ah taariikhda casriga ah ee Masar, kuwaasoo ay ugu caansanaayeen maxkamadeynta laba madaxweyne oo hore — Xusni Mubarak iyo Maxamed Morsi — taasoo ahayd markii ugu horreysay ee taariikhda Masar iyo garsoorkeeda uu madaxweyne hore lagu qaado dacwad noocaas ah.

Al-Shami wuxuu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee taariikhda Masar u gudbiya madaxweyne hore — Maxamed Mursi — Muftiga Guud ee dalka si loo fuliyo xukun dil ah. Wuxuu guddoomiye ka ahaa Maxkamadda Dambiyada Qaahira oo dhageysatay kiiska baxsashada xabsiga Wadi el-Natrun, kiiskaas oo uu Morsi ku eedeysnaa, iyo kiis kale oo la xiriiray "basaasnimo loo sameyay hay'ado iyo dalal shisheeye," xilligii uu Morsi madaxweyne ahaa. Morsi iyo eedeysanayaal kale ayaa lagu xukumay dil iyo xabsi daa'in.

Wuxuu sidoo kale door ku lahaa maxkamadeyntii madaxweynihii hore Xusni Mubarak, oo loo yaqaannay "maxkamaddii qarniga," wuxuuna riday xukun ogolaanayay in Mubarak laga sii daayo xabsiga, gaar ahaan kiiskii hantida sharci darrada ah.

Dood ka dhalatay

Magaca Shaaban Al-Shami ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada kadib markii la shaaciyay geeridiisa, waxaana si ballaaran loo adeegsaday astaanta #Shaaban_Al_Shami.

Aragtiyaha iyo qiimeynta xukunnadiisa way kala duwanaayeen. Qaar ayaa ammaanay xirfaddiisa iyo "wadaniyaddiisa," halka kuwo kalena ku eedeeyeen "cadaalad-darro," gaar ahaan xukunnada uu ka riday eedeysanayaal ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaallo iyo sawirro muujinaya Qaadi Shaaban Al-Shami intii ay socdeen fadhiyaasha maxkamadda, halkaas oo uu u oggolaaday eedeysanayaasha loo haystay "falal argagixiso" inay si furan uga hadlaan dacwadooda hortiisa iyadoo muuqaallo laga duubayay.

Qaar ka mid ah dadka ayaa fursaddaas u adeegsaday inay weerar ku qaadaan Al-Shami, iyagoo tusaale u soo qaatay sawirro laga qaaday aaskiisa, kuna doodaya in aysan jirin cid ka soo qaybgashay. Qof isticmaala barta X, ayaa qoray: "Kaliya 10 qof ayaa ka soo qayb gashay aaska Al-Shami."