Xildhibaan lagu soo eedeeyay xadgudub galmo oo dhawaan maxkamad ka soo muuqan doona

Maxkamad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xildhibaan ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo ah faraxumayn galmo oo lagu eedeeyay in ay ka dhacay naadiga Groucho ee ku yaalla London, sida ay sheegeen booliska magaalada.

Xildhibaanka matala Bartamaha Suffolk iyo North Ipswich oo ah xildhibaan Konserfatif oo lagu magacaabo Patrick Spencer ayaa lagu eedeeyay in uu gaystay falalkaan, kuwaas oo la sheegay inay dhaceen bishii Agoosto 2023 kii.

37-jirkan ayaa kasoo muuqan doona maxkamadda Westminster Magistrates' Court marka ay taariikhdu tahay 16 ka Juun.

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada ayaa lagu sheegay in ay gudbiyeen eedeymo la xiriira labo haween ah.

Bilayska ayaa yiri: "13-kii Maarso 2025, nin ayaa ka qayb galay waraysi iskaa ah oo ka dhacay saldhigga booliiska London.

"Patrick Spencer ayaa tan iyo markaas lagu soo oogay laba dacwadood oo faraxumayn ah, wuxuuna ka soo muuqan doonaa maxkamadda Westminster Magistrates' Court Isniinta, 16ka Juun."

Sida ku daabacan mareegtiisa internet ka, Spencer ayaa qoyskiisa kula nool Suffulk.

Xilliga uu dhacayay weerarku ma uusan ahayn xildhibaan, balse waxaa xubin baarlamaan loo doortay bishii July ee sanadkii 2024 kii.

Frank Ferguson, oo ah madaxa qaybta CPS ee ka hawl gasha dambiyada qaaska ah iyo la dagaalanka aragagixisada, ayaa tiri: "Inaga oo tixraacayna cadeymo ay keeneen Ciidamada Booliska ee Metropolitan ka, waxaan diiwaan galinay labo dacwadood oo ka dhan ah Patrick Spencer oo ah xildhibaan.

"Dacwadaha ayaa waxa ay ku aadan yihiin laba dhacdo oo kala duwan oo ku kala dhacay laba haween ah xilli ay ku sugnaayeen Naadiga Groucho eek u yaalla bartmaha London vishii Agoosto ee 2023 kii.

"Waaxda Dacwadaha Boqortooyada waxay xasuusineysaa dhamaan dadka dacwadaha qaba in galdacwadeedka dambi ee ka dhan ah eedeysanahaas uu haatan furan yahay uuna xaq u leeyahay dacwad oogis cadaalad ah.

"Aad ayay u muhiim u tahay in aan lagu samayn wax tabin ah, ka faaloosho ama in xogta lagu faafiyo online ka taas oo si uun qatar u galin karta nidaamka dacwadda.