Jilaaga caanka ah, Nana Patekar, oo xadgudub galmo lagu eedeeyay

Nana Patekar waa aktar caan ah oo ka tirsan Bollywood.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nana Patekar waa aktar caan ah oo ka tirsan Bollywood.

Jilaaga caanka ah ee Bollywood, Nana Patekar ayaa la sheegay in lagu waayay inuu xadgudub galmo ku sameeyay atariisho caan ah.

Booliska ayaa Khamiistii sheegay in aan cadeyn ku filan loo hayn eedaha loo jeediyay jilaagan.

Patekar waxaa dacweysay Atariishada caanka ah ee Tanushree Dutta. Waxay sheegtay inuu ku xadgudbay sannadkii 2008, xilligaas oo filim ay isla jileen, kaas oo labadoodaba ay xiddigo ka ahaayeen.

Patekar ayaa markasta beeninayay eedaha loo jeediyay.

Arrintan waxaa dib u soo cusbooneysiiyay ololaha #MeToo, kaas oo Dutta ku qasbay in ay booliska ka dacweyso Patekar oo 68-sano jir ah.

Dutta oo 35 sano jir ah ayaa sheegtay in Patekar uu dalbaday in ciyaar labadooda dhexmarto ugu dambeyn lagu daro hees - inkastoo iyadu ay sheegtay in arrintaas aysan ku farxin.

Waxay sidoo kale sheegtay inuu u hanjabay markii ay diiday. xilligaas 24-jir ayay ahayd.

Patekar ayaa beeniyay eedaas. "Maxay ula jeedaa xadgudub galmo? jilliin baan sameyneynay, 200 oo qofna way na hor fadhiyeen," ayuu yiri mar uu wareysi siinayay telefishinka Mirror Now.

Nana Patekar wuxuu jilay in ka badan 70 filim, wuxuuna howshan ku jiray in ka badan 40 sano.

Tanushree Dutta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ugu yaraan laba dumar ah ayaa dacwaddeeda ku taageeray Twitter-ka.

Balse booliska waxay sheegeen in aysan hayn caddeyn caawin karta eedaha, sidaa darteedna "aysan sii wadi karin baaritaanka", sida ay baahisay wakaaladda ANI.

Dutta, markii ugu horeysay ee arrintan ay ka dacwooto waxay ahayd 10 sano ka hor.

Sannadkii 2018-kii, Mar la weydiiyay sababta aysan Bollywood u lahayn ololaha #MeToo, jawaabteeda ayaa si wayn u baahday.

"Siduu olole uga billaaban karaa Hindiya illaa aad ka aqbaleyso wixii aniga igu dhacay 10 sano ka hor?" ayey tiri.

Waxayna markii ugu horeysay soo jiidatay dareenka dad badan oo ay iskala tirsan yihiin Bollywood. Waxaa ka mid ahaa dumar usoo baxay inay iyadu difaacaan.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational white space

Waxay tiri: "Waxay ahayd arrin laga baqo oo yaqyaqsi leh markii uu gacmihiisa ku salaaxay jirkeyga oo dhan".

Waxay intaa ku dartay in markii ay masraxa ka tagtay si ay caradeeda u muujiso loogu yeeray magacyo ay ka mid yihiin "qof aan xirfad lahayn, waalan, boqoradda is macneyska iyo boqoradda is xanaajinta".

Qareenkeeda waxay sheegtay in ay dacwada u gudbin doonto maxkamadda sare ee Mumbai si baaritaanka dib loogu furo.

Tanushree Dutta waxay ahayd gabadhii ugu quruxda badneyd Hindiya, sannadkii 2004-tii.