Jilaa caan ahayd oo ka tirsanayd Bollywood oo geeriyootay

Reema Lagoo

Xigashada Sawirka, HUM SATH SATH HAIN (FILM)

Reema Lagoo oo ahayd jilaa caan ah oo ka tirsanayd shirkadda aflaanta Hindiga ah jisha ee Bollywood ayaa geeriyootay iyadoo 59 jir ah.

Waxay ku caanbaxday "hooyo ubadkeeda jecel".

Waxay ku geeriyootay Isbitaal ku yaala magaalada Mumbai ka dib markii uu wadnuhu istaagay habeenkii Arbacada.

Haweenaydan jilaaga ah ayaa ku caan baxday doorka hooyanimada oo ay ku jili jirtay aflaanta.

Waxay jishay filimaaan badan oo aad u caan baxay oo ay ka mid ahaayeen Hum Aapke Hain Koun, Kuch Kuch Hota Hai, iyo Maine Pyar Kiya.

Reema ayaa xirfadan jilaanimada ku soo biirtay dhamaadkii 1970yadii, waxayna ku caanbaxday in ay jisho doorka hooyanimada.

Waaxaa kaloo lagu yaqaannaa in ay marar badan hooyo u noqotay filimo ay wada jileen atooraha caanka ah ee Salmaan Khan.

Salmaan ayay hooyo u ahayd filimkii u horeeyay ee uu jilo 28 sano ka hor iyadoo markaas 31 jir ahayd.

Dad badan ayaa Twitterka ugu tacsiyeeyay.

Shaan

Xigashada Sawirka, Shaan

DEVVART SINGH HADA

Xigashada Sawirka, DEVVART SINGH HADA

Qoraalka Muuqaalka, DAAWO: Sunnil Shetty oo u mahadceliyay BBC Somali
Qoraalka Codka, Sunil Shetty (Balwaan) oo og in Soomaalida ay taageeraan