Armaajada ‘Dharka Bollywood-ka’ ee Justin Trudeau

Canadian Prime Minister Justin Trudeau, his wife Sophie Grégoire, daughter, Ella-Grace, and son, Xavier James, pose for a photograph with Bollywood actor Shahrukh Khan in Mumbai on 20 February, 2018.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhawaan waxaa socdaalka dalka Hindiya ku tagay Ra'isulwasaaraha Canada Justine Tredeau, wuxuuna dadka intooda badan kaga yaabiyay dhar xirashadiisa, gaar ahaan dharka hidaha iyo dhaqanka Hindiya.

Inkasta oo uu dharkan marar badan ku xirtay dalka Canada xili uu ka qeybgalayay dabaaldega ciidda Hindida ee Diwali, ayaa haddane markii uu tagay Hindiya waxa uu lasoo baxay dhar cusub isaga iyo qoyskiisaba.

Dharkan oo ah mid xariir ah, kana kooban qamiis iyo shaal garbaha kasoo rogan ayaa waxaa caan ku ah atooreyaasha shirkadda filimaanka Bollywood-ka ee Hindiya.

Dharkan ayaa waxa wada xirtay qoyskiisa oo dhan, macal carruurta, waxayna kaga qeybgaleen qaabilaad kasta oo ay la yeelanayeen madaxda iyo dadka caanka ah ee dalkaasi Hindiya oo uu ka mid yahay atooraha caanka ah ee Shahrukhan.

Bulshada reer Hindiya ayaa aad ula dhacay labiska dhaqanka ee ay xirteen qoyskan ka yimid dalka kale oo ka mid ah kuwa adduunka ugu hodansan.

Markii koowaad waxa ay xirteen mar ay booqasho ku tageen hoygii halyeygii Hindiya ee Mahatma Ghandi oo ku yaala galbeedka gobolka Gujurat.

Mr Trudeau (C) poses with his family and a trustee of the Sabarmati Ashram in Ahmadabad, Gujarat.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wixii markaas ka dambeeyay waxa ay dharkan quruxda badan u xirteen inta badan qaabilaadihii ay saaynayeen.

Dadka qaarkood oo uu ka mid ah wasiirkii hore ee Kashmir Cumar Cabdullaahi, ayaa sheegay in Tradeau uu waxoogaa ka badbadiyay xirashada dharkan, iyaga oo farta ku fiiqay in xitaa dadka Hindida aysan xiranin maalin kasta.

Xitaa markii uu la kulmayay dadka caanka ku ah xirashada dharkan ee aflaamta jila, waxa ay iyaga xirnaayeen dhar labis caadi ah.

Dharkan waxaa caadi ahaan la xirtaa xiliyada aroosyada iyo waliba dabaaldegyada.