Socdaalka Madaxweyne William Ruto ee Waqooyi Bari kenya iyo rajada dadka ee wax ka qabashada adeegyada muhiimka ah

Ruto ayaa la filayaa in uu bulshada gobolka kala hadlo arrimo badan oo amnigu ka mid yahay.

Xigashada Sawirka, Wariye Lafagari

Qoraalka sawirka, Ruto ayaa la filayaa in uu bulshada gobolka kala hadlo arrimo badan oo amnigu ka mid yahay.

Madaxweyne William Ruto ayaa toddobaadkan ku sugnaan doona gobolka Waqooyiga Bari Kenya, isagoo wada dadaallo uu ku doonayo inuu ku mideeyo gobollada iyo fulinta ballanqaadyadiisii xilligii doorashada ee dhanka horumarinta.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu shir guddoomiyo shirka Golaha Wasiirrada oo la filayo in lagu qabto magaalada Gaarisa, waana markii ugu horreysay oo shir heer sare ah oo noocaan oo kale ah lagu qabanayo magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari. Sidoo kale waxa uu furi doonaa xafiiska laanta socdaalka oo muddo xirnaa.

Arrimaha kale ee muhiimka ah ee la filayo in wax laga qabto ama la dhaqaajiyo, waxaa ka mid ah ilaalinta xudduudaha, kaararka aqoonsiga, baasaboorka, amni-darrada, waddooyinka, biyo la'aanta, kaabayaasha dhaqaalaha, macallimiin la'aanta iyo dawo la'aanta ka jirta isbitaallada deegaannadaasi.

Arrinta tirakoobka ayaa sidoo kale la filayaa in uu wax ka dhaho madaxweyne William Ruto, ka dib go'aan maxkamadi ay ku laashay dhawaan natiijadii tirakoobka 2019-kii ee ismaamullada Wajeer, Mandera, iyo Gaarissa sababo la xiriira kala duwanaansho dhanka tirada ah.

Tallaabadaas ay maxkamadda sare ee Gaarissa ay ku laashay natiijada tirakoobkii 2019-kii waxaa soo dhaweyay dadweynaha gobolka, waxaana la amray in lagu laabto laguna soo dhameystiro sanad gudihii.

Madaxweynaha ayaa maanta socdaalkiisa ka bilaabay Mandheera, ka dibna waxa uu booqasho ku tagi doonaa Wajeer, Gaarisa, iyo Isiolo, waxaana la filayaa in socdaalkaan uu qaato muddo toddobaad ah.

Arrinta tirakoobka ayaa sidoo kale la filayaa in uu wax ka dhaho madaxweyne William Ruto.

Xigashada Sawirka, Wariye Lafagari

Qoraalka sawirka, Arrinta tirakoobka ayaa sidoo kale la filayaa in uu wax ka dhaho madaxweyne William Ruto.

Madaxweynaha ayaa dadka reer Mandheera kula hadlay goob fagaare ah.

Filashadu waxay tahay in uu kulmo la qaato qaybaha kala duwan ee bulshada sida madaxda, siyaasiinta iyo bulshada rayidka ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dadka ku nool gobolka, oo wajahaya caqabado badan, ayaa rajo ka qaba in socdaalka Ruto uu keeno isbadel wax ku ool ah.

Waxaa kale oo dadku ay qabaan in fulinta ballanqaadayadii madaxweynaha ay ku xirantahay sida madaxda gobolku ay ugu bandhigaan baahiyaha jira ee dadku ay rabanna in wax laga qabto

Nuur Cabdow oo ka mid ah bulshada rayidka ah ee magaalada Mandheera ayaa qaba: "Waxyaabaha lagala hadlay waxaa ugu muhiimsan korontada, deegaanno lagu soo kordhiyay ismaamulka Mandheere, jidadka iyo biyaha dhamaantood wuu ballan qaaday, laakin taasi waxay ku xirantahay dadka siyaasadda nagu matala ee madaxweynah ala gorgortamaya,"

Dubbad Cali Camey Guddoomiyaha Guddiga Suuqgeynta Xoolodhaqatada Kenya oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa socdaalka madaxweynaha ku tilmaamay mid muhiim ah, isagoo sheegay in dadka deegaanku ay ka filayaan inuu wax ka qabto waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee lagu soo qaaday shirkii Xoolo dhaqatada ee dhawaan lagu qabtay Wajeer.

Dubbad waxa uu ku tilmaamay dadka dhaliila hoggaanka Ruto inay yihiin kuwa "buuq badan", waxa uuna ku booriyay inuu sii wato ajandihiisa horumarineed, isaga oo intaa ku daray in siyaasiyiinta ku fashilmay mudadii ay xilka hayeen ay u ogolaadaan inuu xilka sii hayo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in magaalada Gaarisa uu ka daahfuro mashruuc guriyeen ah, isagoo indha-idhayn ku sameyn doona buundada Gaarisa, oo dhowr jeer ku fatahay magaalada isla markaana gaystay khasaare burbur hantiyeed ah iyo barakicin ah.

Dadka ku nool gobolka, oo wajahaya caqabado badan, ayaa rajo ka qaba in socdaalka Ruto uu keeno isbadel wax ku ool ah.

Xigashada Sawirka, William Samoei Ruto

Qoraalka sawirka, Dadka ku nool gobolka, oo wajahaya caqabado badan, ayaa rajo ka qaba in socdaalka Ruto uu keeno isbadel wax ku ool ah.

Ruto ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in ay ka go'antahay xoojinta midinimada dadka Kenyaanka ah, isagoo socdaal kan la amid ah ku tagay qaybo kale oo ka tirsan dalka Kenya.

Mar uu ku sugnaa galbeedka Kenya waxaa uu sheegay: "Waxaan isku keeni doonaa dhammaan dadka Kenyaanka ah, waxaana la shaqeyn doonnaa hoggaamiyeyaasha ka soo jeeda siyaasado kala duwan si aan u abuurno waddan barwaaqo ah. Taasi waa hadafkayaga, mana jirto cid naga hor istaagi doonta,".

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay maanta isaga oo ku sugan Mandheera ayuu sdioo kale ku yiri, "waxaa naga go'an in aan mideyno dalka oo aan gaarsiino adeegyada qeyb kasta oo ka mid ah qarankeena iyada oo aan cidna la takoorin,".

Qoraalkiisa ayuu sidoo kale ku sheegay Madaxweyne Ruto, "Gobolka Waqooyi Bari, waxaan markii ugu horeysay tan iyo markii xoriyadda la qaatay dhisaynaa waddada isku xirta Isiolo-Modogashe-Ceelwaaq-Mandheera oo dhererkeedu dhan yahay 750km si aan isugu furno deegaanka oo aan u keenno isbeddel dhaqan-dhaqaale,".