'Kacbada waxaa la moodaa dheeman': Sawir laga qaaday Masjidka Xaramka oo cirka laga sawiray oo lala dhakafaaray!

Xigashada Sawirka, ASTRO_Pettit
Walxaha dabiiciga ah ee waaweyn ee laga arki karo cirka waxaa ka mid ah muuqaalada waaweyn ee dhulka, iyo sidoo kale qaar ka mid ah dhismayaasha waaweyn ee bini'aadamku sameeyeen, sida taallooyinka ahraamta Masar iyo Darbiga Weyn ee Shiinaha.
Marka la barbar dhigo, Kacbada — oo ah dhismaha ugu barakaysan Islaamka ee ku yaal magaalada Makka ee Sacuudi Carabiya — ma aha dhismo aad u dheer, hase yeeshee waxaa la leeyahay in sidoo kale laga arki karo samada.
Danald Pettit, oo ah saynisyahan NASA ka tirsan iyo sidoo kale sawir-qaade, kana soo laabtay socdaal 220 maalmood ah oo uu ku joogay saldhigga caalamiga ah ee samada heehaaba (ISS), ayaa baraha bulshada ee X ku baahiyey sawir dunida oo dhan si weyn ugu faaftay.
Pettit oo sawirka la wadaagaya ayaa qoray:
"Muuqaalka magaalada Makka ee Sacuudi Carabiya laga arkay cirka. Waa bartamaha dunida iyo meesha ugu barakeysan Islaamka — taas oo sidoo kale laga arki karo cirka."
Kacbadu waxay leedahay muunad gaar maadaama ay tahay qiblada Muslimiinta, waana mid ka mid ah meelaha loogu booqashada badan yahay dunida booqda.
Sawirka waxaa wadaagay boqolaal qof, waxaana dad badani aad ula yaabeen ileyska ka soo bikaacaya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaa ka muuqda sawirka?
Sawirku wuxuu muujinayaa muuqaalka magaalada Makka oo ku dhex taalla dooxooyin buuro ay ku dgedaaman yihiin, Masjid al-Xaramna uu ku yaal bartamaha.
Kacbadu waa dhismo afar-gees ah oo lagu daboolay marakiswa madow, waxaana si joogto ah u iftiimiya nalal waaweyn. Dusheedu waxay ka tarjumtaa iftiinka qorraxda iyo nalalka macmalka ahba, taas oo samaysa iftiin yaab leh oo ka dhex muuqda buuraleyda iyo teendhooyinka xujeyda.
Sida laga soo xigtay warbixin India Today, sawirka laga qaaday saldhigga cirka ee ISS wuxuu ka muuqdaa iftiin weyn oo ka soo baxaya kumannaan nalal LED ah iyo kuwa sodium ah oo hawada ku firdhisan, kuwaas oo muuqda marka ay qabato kamaradaha xasaasiga ah ee saldhiggu wato.

Xigashada Sawirka, ASTRO_Pettit
Pettit waa cirbixiyeenkii ugu da'da weynaa ee dunida
Pettit, oo ah sawir-qaade cirbixiyeen ah, wuxuu qaaday kumannaan sawir oo xiddigo gaar ah iyo raadkoodaba leh, kuwaas oo uu si joogto ah u wadaago.













