Madaxweynaha Benin oo sheegay in afgembigii ay ka hortageen ciidamo daacad ah

Xigashada Sawirka, AFP
- Author, Paul Njie
- Author, Thomas Naadi
- Author, Chiagozie Nwonwu
- Role, BBC Africa reporters,
- Author, Lucy Fleming
Madaxweynaha Benin, Patrice Talon, ayaa ka soo muuqday telefishinka si uu dadka u qanciyo kadib isku daygii afgambi ee shalay halkaasi ka dhacay.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan bogaadiyo waajibaadka ay guteen ciidamadeenna iyo hoggaamiyeyaashooda, kuwaasoo daaad u noqday qaranka," ayuu yiri Patrice Talon.
Isagoo u muuqday mid deggan, wuxuu sheegay in xubnaha daacadda u ah ciidamada ammaanku ay qaadeen tallaabooyin ku habboon oo ay kaga hortagayaan isku dayga koox yar ay ku doonayaan inay ku afgambiyaan dowladda - taasoo uu sheegay inay ka dhalan lahayd cawaaqib xun.
Waxa uu sheegay in xaaladda ay hadda gebi ahaanba gacanta dowladda ku jirto.
Dadwaynaha ayuu madaxwaynaha ugu baaqay in shaqooyinkooda ay dib ugu laabtaan.

Xigashada Sawirka, BTV
Hadalka madaxwaynaha Benin ayaa yimid 12 saacadood ka dib markii ay rasaas ka dhacday dhowr xaafadood oo ka tirsan magaalada Cotonou.
Waxaa taasi ka horreysay in qaar ka mid ah askarta ay ka soo muuqdeen telefishinka dowladda iyagoo ku andacoonaya inay Madaxwayne Patrice Talon ay xukunka ka ka tuureen.
Illaa 14 qof ayaa loo xiray isku dayga afgambiga, waxaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters afhayeenka dowladda Wilfried Leandre Houngbedji .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Benin, oo hore uu u gumaysan jiray Faransiiska, ayaa lagu tiriyaa inay tahay mid ka mid ah dalalka Afrika ee dimuqraadiga ah. Laakiin Talon waxa uu la kulmay eedeymo ah in uu cabburinayo dadka siyasadda kaga soo horjeeda.
Dalkan waa mid ka mid ah dalalka ugu badan ee soo saara suufka qaaradda Afrika laga isticmaalo, laakiin haddana wuxuu ka mid yahay waddamada ugu saboolsan adduunka.
Nigeria, oo ah dalka deriska kala ah Benin dhanka bari, ayaa isku dayga afgambiga ku tilmaamtay "weerar toos ah oo lagu qaaday dimuqraadiyadda".
Ecowas iyo Midowga Afrika ayaa sidoo kalecambaareeyay isku dayga afgambiga.
Madaxwaynaha Benin Patrice Talon, oo 67 jir ah, ayaa lagu tiriyaa inuu yahay saaxiibka ugu dhow ee reer galbeedka, waxaana lagu wadaa inuu xilka ka dago sanadka soo socda, ka dib markii uu dhameysto mudda xileedkiisa labaad , iyadoo doorashada loo qorsheeyay inay dhacdo April.
"Ballanqaadkan iyo abaabulkan ayaa noo suurtageliyay inaan ka adkaanno danaystayaashan, isla markaana aan ka hortagno musiibada dalkeenna. Khiyaanadani ma noqon doonto mid aan cidna loo ciqaabin," ayuu raaciyay.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan idiin xaqiijiyo in xaaladdu ay si buuxda gacanta ugu hayso dowladda, sidaas darteedna waxaan idinku martiqaadayaa inaad si nabad ah ganacsigiinna u wadataan caawa."
Ma cadda in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay tacaddigan macno darrada ah, iyo sidoo kale kuwa weli ay gacanta ku hayaan kuwa baxsadka ah.
Goob joogayaal ayaa u sheegay BBC in rasaas laga maqlay agagaarka madaxtooyada subaxnimadii hore ee Axadda, iyadoo koox askar ah ay telefishinka qaranka kaga dhawaaqeen inay laaleen dastuurka.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in qaar ka mid ah saxafiyiinta ka howlgala warbaahinta dowladda la haystay saacado kooban.
Safaaradaha Faransiiska iyo Ruushka ayaa muwaadiniintooda ku boorriyay inay guryahooda ku jiraan, iyadoo talada safaaradda Mareykanka ay tahay inay ka fogaadaan magaalada Cotonou, gaar ahaan agagaarka madaxtooyada.
Askarta fallaagada ah ee uu hoggaamiyo Gaashaanle Dhexe Pascal Tigri, ayaa ku sababeeyey ficilladooda iyagoo dhaleeceeyay maamulka Talon ee dalka, iyagoo ka cabanayay sida uu u maareeyay "xaaladda ammaanka ee waqooyiga Benin oo sii xumaanaysa".

Xigashada Sawirka, Reuters
Isku daygii afgambi ee Axaddii ayaa ku soo beegmay toddobaad ka dib markii madaxweynihii Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embaló la afgambiyay - in kasta oo qaar ka mid ah dadka gobolka ay su'aal ka keeneen in arrintan la jilay iyo in kale.
Sanadihii la soo dhaafay, Galbeedka Afrika waxaa sidoo kale ka dhacay afgambiyo ka dhacay Burkina Faso, Guinea, Mali iyo Niger, taasoo dhalisay walaac laga qabo xasilloonida gobolka.
Ruushka ayaa xoojiyey xiriirka uu la leeyahay dalalkan Saaxil sanadihii u dambeeyay – Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa ka baxay urur goboleedka Ecowas ee galbeedka Afrika si ay u dhistaan koox iyaga u gaar ah, Isbahaysiga Dalalka Saaxil.
Wararka ku saabsan isku dayga la wareegidda Benin ayaa waxaa soo dhaweeyay dhowr akoon oo baraha bulshada ah oo taageersan Ruushka, sida ay sheegtay BBC Monitoring.
Ecowas iyo Midowga Afrika ayaa labaduba cambaareeyay isku dayga afgambiga.
Cutubyo ka tirsan ciidamada Ecowas ee heeganka ah ayaa lagu wadaa in la geeyo si ay u ilaaliyaan "nidaamka dastuuriga ah iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Benin" ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ururka gobolka.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa mar kale ku celiyay "mawqifka aan dulqaadka lahayn ee ururka Midowga Afrika ee ku aaddan isbeddel kasta oo ka dhan ah dastuurka, iyada oo aan loo eegin macnaha guud ama qiil".













