Maxay Saylac xuddun ugu noqotay mushkiladda ka taagan Boorame

Xigashada Sawirka, X
Xaalada Boorama ayaa deggan kaddib rabshado halkaas ka dhacay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay. Adeegyadii magaalada ayaa caadi ku soo laabtay.
Rabshadaha oo keenay khasaare dhimasho iyo burbur hantiba leh ayaa bilowday kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada iyo dadweyne ka careysan ogolaanshaha xukuumada Somaliland ee xaflada bugga xeerka Ciisaha.
Arrintaas waxay keentay in qabaa'ilka gobolak Awdal qaarkood ay kala sheegtaan magaalada qadiimiga ah ee Seylac, oo hadda ay dood cusub ka dhalatay.
Ibrahim Axmed Cali waa cilmi baare ka tirsan guddiga arrimaha xeerka, waxa uu BBC-da u sharaxay sababta keentay in Saylac lagu qabto xaflada, isagoo sheegay in Seylac ay tahay halka lagu caleemo saaryo ugaasyada beesha Ciisaha.
"Magaaladan Saylac xeerkan laf-dhabar bay u tahay, waa meeshii asal ka asal lagu caleemo saarayay, loogu caano-shubayay ugaas kasta oo Ciise uu boqrayo, ugaas Mustafa ayaa ugu dambeeyay".
Waxaa jira warar faafay oo sheegaya in xeerka ay ku jiraan waxyaabo qaldan oo ay dadku dhibsadeen. Ibrahim Axmed Cali oo arrintaas sharaxayay ayaa sheegay in aysan sidaa wax u jirin.
"Waxyaabaha laga sheegayo xeerka gabi ahaan, boqolkiiba boqol waa dacaayad" ayuu yiri Ibraahim oo intaas ku daray in sameynta xeerka ay soo martay hubin badan.
"Marka xeerka la dhameystiray, waxaa loo soo bandhigay niman culumo ah, markaas waxaa la eegay qeybtii caqiiqdada, waxaas oo dhan waa la eegay"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Rabshadaha ka dhashay bandhigga bugga ayuu sheegay in ay yihiin kuwa lagu degdegay iyadoon waxba la hubsan.
"Waxaan u arkaa arin sheydaan ka shaqeeyay oo lagu degdegay oo aan laga fiirsan oo laablakacii Soomaalida un ah".
Dhanka kale, suldaan Cabdiraxmaan Jaaamc Dhawal, oo ka tirsan salaadiinta gobollada Awdal iyo Salal, ahna guddoomiyaha madax dhaqameedka gobolladaas ayaa BBC-da u sheegay waxa ay ku diidan yihiin in xaflada lagu qabto Saylac. Suldaanka ayaa sheegay in dhulka uu yahay mid ay iyagu leeyihiin.
"Dhulkan waa dhulka aan ku abtirsano, waa aasaartayadii, waa boqortooyadeeni, waa halka aan Ingiriiska heshiiska kula saxiixanay, waa haka Turkiga aan heshiiska kula saxiixanay, waa halka aan Faransiiska heshiiska kula saxiixanay"
Suldaanka ayaa sheegay in la sheeganayo dhulkooda sidaas daraadeed aysan ogoleyn halkaas in xafald ay ka dhacdo.
"Gabi ahaan in lagu qabto wax aan ka ogolnahay iyo waxaan ka aqbalnay ma jirto, uma dhiman laheyn" ayuu yiri Suldaanka oo intaas ku daray "Hadii aan shalay ka ogolaa, maanta waxa aan ka oglahay ma jito".

Xigashada Sawirka, Facebook
Suldaanka wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay wax kasta oo nabad ku imaaneyso iyaguna ay yihiin dad difaac ku jira, ayna tahay qofka weerarka ah in uu halkiisa joogo.
"Uma fadhiyo wax xaflad la yiraah, diyaarna uma ahi, wax kasta oo kale oo nabad ku imaaneyso diyaar baan u nahay, laakiin wax xaflad la yiraah iyo wax buug la yiraah oo agteyda yaal maanta majiraan".
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyey xaflad loo samaynayey xuska Xeerka Ciise, oo Khamiistii ay Somaliland sheegtay in ay ogolaatay oo lagu qabanayo magaalada Saylac.
Muxuu yahay xeerka Ciisaha
Qabiilka Ciisaha oo dega Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa uu leeyahay xeer soo jiray sida la sheegay ku dhawaad 500 oo sano. Xeerka waxaa sameeyay 100 oday oo la soo xulay, waxaana lagu sameeyey magaalada Mile tuulo hoostagto oo la yiraahdo Waaruf, deegaankaasi oo u dhaxeeya magaalada Diridhaba ee Itoobiya iyo Jabuuti.
Marka laga soo tago xeerarka ay qabaa'ilka Soomaaliyeed wadaagaan sida hoggaanka ka dhaxeeya, xeerka qof kasta qabanaya iyo in dagaalka la wada galo haddana waxay leeyihiin kuwo iyaga u gaar ah.
Waxyaabaha Ciisaha u gaarka ah waxaa ka mid ah sida uu dhigayo xeerkooda wax la yiraahdo 'Ganda' ayaa jira, Ganduhu wuxuu ka kooban yahay 44 oday oo talada Ciisaha ay ka go'do, waana baarlamaanka Ciisaha. Arrin weyn oo adag haddii ay dhacdana waxaa isugu imanaya boqolka oday iyo boqorka ayuu yiri Oday Adan Allaale oo ka mid ah odayaasha beesha.
Sanadkii la soo dhaafay ayey Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO si rasmi ah ugu aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise.
Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka uuna Geeska Afrika ugu dhiirrigeliyo caddaaladda.
In xeerkan ay aqoonsato UNESCO ayaa waxaa si wada-jir ah u gudbiyay dad kasoo kala jeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay fadhigii 19aad ee guddi-goboleedka hay'adda kaasoo lagu qabtay magaalada Asunción, ee dalka Paraguay.
UNESCO ayaa Xeer Ciise ku dooratay sida uu u xoojiyo qeynuunnada caalamiga ah sida xuquuqda haweenka iyo carruurta, dhowridda deegaanka iyo xallinta khilaafaadka.
UNESCO ayaa ammaantay hannaankan oo ay u aragtay inuu tusaale dhif ah u yahay dhaqanka sharciga ah ee nool kaasoo dhiirrigelinaya dowlad-wanaagga iyo iskaashiga isagoo sidoo kale wax ka qabanaya caqabadaha maanta sida xallinta khilaafaadka iyo dhowridda deegaanka.













