Waa sidee xaaladda Boorama, kadib go'aankii ugu dambeeyay ee Somaliland?

Borama

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    • Author, Saleebaan Saxansaxo
    • Role, Hargeysa, Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyey xaflad loo samaynayey xuska Xeerka Ciise, oo Khamiistii ay Somaliland sheegtay in ay oggolaatay oo lagu qabanayo magaalada Saylac.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa bishii December ee sanadkii 2024 si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise ee degta dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku dartay liiskeeda waxyaabaha dhaqanka aadmiga la xiriira.

Sanadkan ayaa la qorsheynayay in sanad-guuradiisa lagu qabto magaalada Saylac oo ay beesha Ciise wax ka degto, taasoo Somaliland ay oggolaatay, taasoo keentay in mid ka mid ah beelaha magaalada deggan ay ka biyo-diidaan arrintaas.

Go'aankan Somaliland ku sheegtay in ay ku oggolaatay qabashada xafladda Xeerka Ciise, ayaa ka abuuray magaalada Boorama iyo deegaanno kala oo gobolka Awdal hoostaga dadweyne gadood iyo mudaharaadyo rabshado wata oo lagaga soo horjeedo xafladda xeerkaas oo qorshuhu ahaa in la qabto 14 bishan December.

Mudaharaadyadan ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, oo halkaas ka socday labadii maalmood ee u dambeeyey, ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay mudaharaadkan rabshadaha watay iyo isku dhacyada ciidamada iyo dadweynaha ayaan la ogeyn, ciidamada ammaanka iyo laamaha caafimaadka ayaan ka hadal tirada khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay xaaladda cakiran ee Boorama ka jirta, iyada oo isbitaallada Boorama la gaadhsiiyey dadka geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay rabshadahan.

Somaliland

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa go'aan uu maanta soo saaray wuxuu ku sheegay in xukuumaddiisu ku joojisay qabashada xafladda Xeerka Ciise, ee hore go'aankii ay uga soo saartay rabshadaha u dhaliyey.

"Maanta waxa aan Madaxweyne ahaan joojiyey munaasibadda xuska Xeer Ciise, anigoo ka eegaya danta guud iyo dareenka ummadayda. Annaga oo u dhego nugul wax kasta oo maslaxad guud ee ummada ku xidhan tahay iyo in aan dhaawac soo gaadhin wada noolaanshiyaha dadka walaala ah ee Somaliland" ayuu yidhi Madaxweyne Cirro oo maanta warbaahinta Hargeysa kula hadlay, waxaanu intaasi ku daray isaga oo baaq u diraya dadweynaha Boorama "Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka gobolka Awdal iyo magaalada Boorama nabad, xasilooni iyo isku duubni ummadeed.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweyne ahaan waxa aan diyaar u ahay wax kasta oo dhiigga dadkaygu ku baaqanayo, wax kasta oo ummadyadu ku heshiinayso iyo wax kasta oo qaranimada Somaliland dan u ah. Waxaan farayaa ciidamada kala duwan ee nabadgelyada in la adkeeyo amniga, khasaare dambena aanu dhicin. Dadweynuhuna ha isdejiyaan, oo nabad-gelyada ha ilaaliyaan. Shacabkana waxaan ugu baaqayaa in ay dareenkooda xakameeyaan".

Madaxweyne Cirro, waxa kale oo uu soo dhaweeyey madax dhaqameed ka tegay Magaalada Hargeysa, oo gaadhay Boorama kuwaas oo qayb ka ah dejinta xaaladda ka aloosan gobolka Awdal, "Waxaan ayidayaa gogosha madax dhaqameedka reer Somaliland ee is xilqaamay u dhigeen beelaha walaalah ah ee reer Awdal iyo Selel."

Dhinaca kale, Suldaan Cabdiraxmaan Jaaamc Dhawal, oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolka Awdal, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan go'aanka Madaxweyne Cirro ku joojiyey xafladda Xeerka Ciise ee la doonayey in lagu qabto Saylac.

"Waxa aynu ku dhimannay ee ku baaba'nay wuxuu ahaa xeerkaasi qasabka ah ee la noo keenay ayuu ahaa, ee dalkiisii laga keenay, kiina imika madaxweynuhu joojiyey" ayuu yidhi Suldaan Dhawal.

Boorama

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Suldaan Cabdiraxmaan Jaaamc Dhawal

Waxa kale oo uu suldaanku ugu baaqay dadweynaha magaalada Boorama in ay isdejiyaan oo ka shaqeeyaan sidii magaaladu xaaladdeedii caadiga ahayd ugu soo noqon lahayd, madaama laba maalmood rabshado hadheeyeen.

"Waxaanu faraynaa dadkayga haddii ay dhagax sitaan, haddii ay wadhaf sitaan, haddii ay qori sitaan nin weliba halkiisii ha ku noqdo. Waxa la sheegayaa in dhimashadu gaadhayso dhawr iyo toban iyo dhaawac toddabaataneeyo ah."

Inkasta oo Madaxweyne Cirro ka noqday go'aankii ay xukuumaddiisu ku oggolaatay qabashada Xeerka Ciise, haddana weli magaalada waxa ka jirta xaalad kacsanaan ah, iyada oo meelaha qaar magaalada laga maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhacaysa.

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada ayaa isku dayeya in ay dejiyaan dadweynaha gadoodsan ee mudaharaadyada samaynaya.

Waxa socda dedaallo kala duwan oo la doonayo in lagu dejiyo xaaladda ka alloosan magaalada Boorama, iyada oo madax-dhaqameedka, aqoonyahannada, culimad iyo mas'uuliyiinta xisbigu ugu baaqayaan dadweynuhu in ay is xakameeyaan oo nabadda gelyada ilaaliyaan.

Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Muuse Biixi ayaa ka mid ahaa dadka baaqa ka soo saaray xaaladda magaalada Boorama.

Somaliland

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland, Muuse Biixi (B) iyo Daahir Rayaale ayaa ka mid ah dadkii u baxay deminta rabshadaha

Dhinaca kale, war kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay ka xun tahay "qalalaasaha rabshadaha wata ee ka dhacay gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama".

Dowladda ayaa sidoo kale tacsi u dirtay dadkii ku dhintay halkaas.

"Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Somaliland in ay u turaan shacabka deegaanka, in la dhageysto lana tixraamo dareenkooda, isla markaana si masuuliyad leh loo xaliyo tabashada shacabka, lagana dheeraado ficil kasta oo xaaladda uga sii daraya.

Dowladdu sidoo kale waxay ugu baaqaysaa odayaasha dhaqanka, culumada, ganacsatada, haweenka, dhalinyarada iyo guud ahaan shacabka gobolka Awdal in ay muujiyaan dagganaan, lana joojiyo ficilada waxyeeleynaya badqabka iyo xasiloonida magaalooyinka iyo bulshada ku nool intaba, isla markaana wadahadal loo maro xal u helista xiisadda taagan." Ayuu qoraalka intaa kusii darayaa.