Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle: Waa kuma wasiirkii warfaafinta Somaliland ee isku casilay xiisadda Boorama darteed?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
- Author, Saleebaan Saxansaxo
- Role, Hargeysa, Somaliland
Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ahaana Afhayeenka Somaliland Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayey xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Xaaladda ka alloosan magaalada Boorama iyo go'aamo kala duwan oo xukuumaddii uu ka tirsanaa ka qaadatay doodda ka taagan xuska Xeerka Ciise loogu qabanayey magaalada Saylac, ayuu wasiirku ku sababayeeyey in iscasilaaddiisu la xidhiidho.
Axmed-yaasiin oo xalay shirjaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa yidhi isaga oo ka hadlaya arrimahaas, "Markii xilka la ii magacaabay, waxaan aqbalay xilka la ii magacaabay oo ahaa wasiirka warfaafinta iyo afhayeenka xukuumadda, taas macnaheeduna waxa weeye go'aanku ha macaanaado ama ha qadhaadhaado, waxaan ahay qofkii ku dhawaaqayey go'aanka xukuumadda ka soo baxaya. Go'aanku haddii uu reerkayga ku qadhaadh yahay iyo haddii uu ku macaan yahay dowladnimadu ima odhanayso kana diid, kana yeel. Waan ku qasbanahay.
Go'aanka Xukuumaddu gaadho ee ahaa in xafladda xeerkaas lagu qabanayo Saylac, muu ahayn go'aan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle jeebkiisa kala soo baxay, ee wuxuu ahaa go'aan xukuumaddeed. Afhayeenkii xukuumadda ayaan ahaa, waana ku dhawaaqay" ayuu yiri.
Waxaa uu ku sababeeyey inuu xilka ka tago, markii labo go'aan oo xukuumaddu soo saartay midna isaga loo dhiibay inuu ku dhawaaqo, kii kalena uu madaxweynuhu ku dhawaaqay.
"Xukuumaddu go'aan kii ka duwan ayey gaadhay waanay ku mahadsan tahay. Go'aankii dambe ee xafladda lagu joojiyey mdaxweynahaa ku dhawaaqay, markaa waxaan ka cudur daartay, waxaan diiday adigaa afhayeenka xukuumadda ah ee go'aanka qadhaadh ku dhawaaq in aan aqbalo, kan qabow ee ummadda dejinaya anigaa ku dhawaaqanaya oo isu afhayeen noqonaya inuu yidhaahdo madaxweynuhu ayaan diiday, oo ima qabato ayaan idhi. Sidaasna in aan afhayeen xukuumadeed ku sii ahaanayn ayaan go'aansaday oo isu casilay." Ayuu intaa raaciyay.
Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa uu sheegay in ay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay is arkeen ka hor iscasilaaddiisa, isla markaana uu ka aqbalay inuu ka tago shaqada iyo xilka wasiirnimo ee uu hore ugu magacaabay.
Maxay xukuumadda Madaxweyne Cirro uga dhigan tahay is casilaadda wasiirka?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Muddo sanad ah, oo uu xilka hayey Madaxweyne Cirro, wasiirkan is casilay ayaa noqonaya kii u horreeyey ee iska casila xilka.
Sida uu qabo Guuleed Axmed Jaaamc (Guuleed Dafac), oo ah qareen isla markaana falanqeeya arrimaha Somaliland, iscasilaada Axmed-yaasiin ayaa dhalin karta saameyn.
"Wasiirku waxa uu ka mid aha wasiirrada loogu ixtiraamka badan yahay xukuumadda Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro. In wasiirkani ka baxo xukuumadda waxa ay ku keenaysaa xukuumadda dhaawac xagga kalsoonida ah, waxana ay soo dedeji kartaa in madaxwaynuhu sameeyo isku shaandhayn si uu kor ugu qaado kalsoonida lagu qabo golihiisa wasiirrada."
Wasiirkan is casilay ayuu xusay Guuleed Dafac inuu ahaa nin miisaan ku leh gobolka Awdal, oo ka qayb qaadan lahaa xallinta xiisadda ka taagan gobolka.
"Sidoo kale wasiirku waxa uu ahaa, aragtidayda, wasiirka ugu miisaanka culusaa wasiirrada ka soo jeeda gobolka Awdal. Taasina waa culays gaarkiisa ah, marka la eego xiisadda hada taagan oo aan weli damin." Ayuu intaa raaciyay.
Waa sidee xaaladda Boorama ee maanta?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaaladda magaalada Boorama ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa maanta ka duwan sidii ay ahayd labadii maalmood ee u dambeeyey oo ay ka socdeen mudaharaadyo rabshado wata oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, ka dib markii dadka magaalada ay ka godoodeen xaflad loogu debaal degayey sannad-guuradii koowaad ee aqoonsiga Xeerka Ciise.
Xeerkan oo Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay Xeer Qaddiimi ah sanadkii hore, ayaa la doonayey in lagu qabto magaalada Saylac ee gobolka Awdal, taas oo labo beelood oo halkaas wada deggan mid ka mid ahi ka biyo diidday xafladdaasi.
Inkasta oo xaaladdu subaxnimadii hore degganayd, haddana xilli dambe ayaa dadweyne ka mid ah kuwa magaalada Boorama oo u badan dhalinyaro isu yimaadeen barxadda hore Baanka Dhexe ee magaaladaas, halkaas oo ay isku dhaceen ciidanka iyo dadweynahaas.
Waxaa dhanka kale ka socda gudaha Boorama dedaallo lagu doonayo in dadweynaha kacsan lagu dejiyo.
Salaaddiin, xildhibaanno iyo mas'uuliyiinta dowladda hoose ee Boorama ah ayaa jidadka u soo baxay iyaga oo la hadlaya dadweynaha, kana codsanaya in ay banneeyaan waddooyinka, si loo furo ganacsiyada iyo meherada magaalada oo muddo saddex cisho ah xidhan.
Khasaaraha ka dhashay mudaharaadyadan ka dhacay Boorama ayaanay weli dawladdu ka soo saarin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca.
Waa kuma Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa uu ahaa siyaasi si weyn uga dhex muuqday siyaasadda Somaliland iyo tan gobolka Awdal tan iyo markii uu siyaasadda ku soo biiray sannadkii 2005-tii, markaas oo uu ka mid noqday xildhibaannadii u horreeyey ee cod dadweyne lagu soo doortay, waxaana laga soo doortay gobolka Awdal.
Sannadkii 2017-kii ayuu noqday Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu xilkaasi hayey tan iyo 2021-kii.
Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxaa xilkan uu iska casilay loo magacaabay bishii December ee 2024-ka, isaga oo xilkaas hayey ilaa xalay oo uu ku dhawaaqay inuu iscasilay, waxaanu ka mid ahaa xubno ka tirsanaa Xisbiga Kaah, oo heshiis iyo ishabaysi ay axsaabta kale ee Somaliland ee Waddani iyo Kaah wada galeen waqtigii doorashada uu ku noqday wasiir.
Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa ka hor intii aanu siyaasadda soo gelin ganacstada gobolka Awdal.
Aabihiis Sheekh Cali Ayaanle, wuxuu ka mid ahaa culimada caanka ka ah Awdal aadkana looga yaqaannay dhulka Soomaalida intiisa kale.













