Bariis ama jabaati keeba fiican in habeenki la cuno? Nafaqo ceynkee ah ayaa laga helayaa?

Jabaatiga iyo bariiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa inta badan laga doodaa keebaa caafimaad ahaan wanaagsan bariiska ama rootiga? Dad badan ayaa labada ka dhigta cashadooda. Waxayna u muuqaata in ay isku dheelitirayaan.

Gobolada bariga India ee Bihar, Galbeedka Bengal ama Odisha, cuntada ugu badan ee laga cuno waa bariiska. Gobolada qaarkood sida Punjab iyo Madhya Pradesh jabaatiga ayaa la doortaa. Hadaba khubaradu ma aysan eegin oo kaliya bariiska ama jabaatiga.

Hadii aad dooneysi bariis ama jabaati in aad ka dhigato cashadaada waxay ku xiran tahay waxyaabo badan. Waxay sidoo kale ku xiran tahay nooca bariis ama jabaati aad cuneysid.

Sida aad u cuntid ayaa ah tan ugu muhiimsan

Bariiska iyo jabaatiga labaduba waxaa ku jira karbohaydareyt. Waxaa sida guud la rumeysan yahay in karbohaydareytka ku jira rootiga ama jabaatiga uu ka yar yahay kan bariiska taas ayaa ka dhigeysaa mid caafimaad ahaan ka wanaagsan.

Nazneen Hussain waxa ay ku nooshahay magaalada Mumbai, waxayna ku takhasustay nafaqada cuntada. Waxa Nazneen leedahay hadii aad cuntid Jabaati laga sameeyay burka adag ama faybar waa fiican tahay, balse hadi aad cuneysid jabaati laga sameeyay burka caadiga karbohaydareytka ku jira waxa uu la mid yahay kan briiska. Sidaa darteed in la cuno jabaatiga noocaas oo kale ah waxa uu keenayaa in degdeg uu u kordho heerka sokorta dhiigga.

Waxay kaloo sheegtay Nazneen in caafimaad ahaan uusan fiicneyn bariiska cad ee qolofka laga qaaday. Waxaa ka wanaagsan ayey leedahay bariiska aan la warshadeyn ee aan laga qaadin qolofka.

Bariiska iyo jabaatiga midba meel ayuu ku fiican yahoo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka la eego faybarka, dhakhaatiirta ama khubarada nafaqada waxay kula taliyaan dadka in ay cunaan bariiska baroownka ah ama midka aan qolofka laga qaadin.

Arrimaha kale ee lagu taliyay waxaa ka mid ah in bariiska lagu cuno khudaarta. Waxayna sheegeen in bariiska sidaas loo cuno uu caafimaad ahaan fiican yahay.

"Burka cad ee laga saaray qolofka markii la sameynayay kaas oo ah kan aan hadda cuno waa sida sun cad, waxa uu la mid yahay sokorto iyo cusbada", ayuu yiri M. Wali oo ah dhakhtar ka shaaqeeya isbitaalka Gangaram ee magaalada Delhi.

"Hal khalad oo cuntadeena ku jira ayaa ah in aan cuno jabaati badan iyo khudaar yar. Hadii aad khudaar badan la cuntid bariiska, waxay kor u qaadeysaa heerka karbohaydareytka ku jira cuntada. Taasi waxay ka dhigan tahay in sokorta ka timaada cuntada uu jirka si tartiib u qaadan karo. Marka ay dhacdo sidaas, bariiska waa ka fiican yahay jabaatiga".

Dr. Wali wuxuu kaloo sheegay hadii aad ku darto khudaarta cagaaran ama caano, jabaatiga ma noqonayo mid la mid ah kuwa ka sameysan bur oo kaliya. Sidaas ayaana caafimaad ahaan wanaagsan.

Bariiska maka fiican yahay jabaatiga?

Farqiga caadiga ee u dhexeeya bariiska iyo jabaatigas waa in bariiska u wanagsan yahay kuwa doonayo tamar badan. Tusaale ahaan, bariiska waxa uu u fiican yahay dadka qabta shaqooyinka adag ee aan la fariisan.

Hadii aad dooneyso in aadan wax badan cunin ama markasta aad cuntid bariiska markaas waxaa fiican jabaatiga maxaa yeelay waxa uu leeyahay faybar badan. Sidaa darteed in aad cunto jabaati waad ku dhargeysaa, mana gaajooneysid waqti dheer.

Mala Manral waa khabiir nafaqada oo ka tirsan machadka AllMS ee Delhi. Mala waxay leedahay, "Marka aad cuneysid jabaatiga hadii aad ku dartid borotiin waa wax fiican. Dadka cuna cuntooyinka waxybaaha xoolaha ka yimaada waxay haystaan kala doorashooyin badan. Kuwa khudaarta cuno waxa kaliya ee jabaatiga ku dari karaan waa khudaar.

Jabaatiga iyo bariiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mala Manral waxay leedahay, "qofkasta waxa uu u baahan yahay kolori, waxayna taas ku xiran tahay dhaqdhaqaaqa aad sameyso iyo da'adaada.

Jabaati ama bariis waxa aad cuneysid waxay ku xiran tahay caafimaadka qofka. Sida guud dadka qaba macaanka waxaa lagula taliyaa in ay ka fogaadaan bariiska. Hal mid oo ay tahay in la ogaado waa bariiska la geliyo qaboojiyaha ama fariijka waxaa loo arkaa in uu leeyahay faybar.

Nazneen waxay sheegtay, "in bariiska oo la geliyo firiijka waxay ka dhigeysaa in uu yeesho faybar. Tani waxay ka dhigan tahay in la cuno bariiska noocaas ah ma kordhinayo heerka sokorta dhiigaaga.

Waxaa la rumeysan yahay in cuntada aad cuneysay ilaa markii aad yareyd in aad ku qanceysid.

Dr. Wali waxa uu yiri, "Meelo badan dadka ma sameysan karaa jabaatiga. Inta badan dadka India waxay cunaan bariis".