Madaxweynaha Soomaaliya: 'Somaliland waxay ogolaatay 3 shuruudood oo ay Israa'iil aqoonsi uga beddelatay'

Xigashada Sawirka, Aljazeera
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta Aljasiira ayaa ka warbixiyey heshiiska dhex maray Soomaaliland iyo Israaiil, kaas oo ay Israa'iil Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax bannaan Soomaaliya.
Madaxweynaha oo ku jira safar diblomaasiyadeed oo uu taageero ugu raadinayo go'aanka dalkiisa ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga, isaga oo hore usoo maray Jabuuti. Wuxuu ka hadlay warar soo baxayay, isagoo sheegay in Somaliland ay ogolaatay saddex shuruudood oo ay Israa'iil dalbatay, kuwaas oo la sheegay in ay "ku beddelatay aqoonsi" ay ka hesho Israa'iil iyo xulufadeeda.
"Xogta hoose ee aan hayno waxa ay sheegeysaa sadex qodob oo muuhiim ah in ay ku heshiiyeen; qodobka kowaad waa in Falastiniiyiinta loo soo raro Somaaliland, laba - in Israa'iil saldhig militari ka sameysto gacanka cadmeed, qorshaha sadexaadna waa in Somaaliland qeyb ka noqoto dowladaha ku jira heshiiska Abraham, kuwani waa sadexda dalab ee Israa'iil ee Somaliland aqbshay" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo u warramayey TVga Al Jazeera.
Waxa uu intaas ku daray haddii ay dhaqan galaan qodobadaan in ay noqonayaan "halis amni oo caalamka kaga imaan doontaa geeska".
Haddii sadexdaas qodob dhaqan galaan Somaaliya waxa ay ku furi doonaan irid dhibaato oo hor leh, waxa ayna horseedi doonaan xasillooni darro", ayuu yiri Madaxweynaha.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Dhanka Soomaaliland

Xigashada Sawirka, X
Sida ay Israa'iil iyo dhanka Soomaalilandba sheegeen, heshiiskoodu waxa uu saleysan yahay, xiriirka iskaashi, amni, diblomaasiyad iyo dhaqaale oo buuxa, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, tignoolajiyada, iyo siyaasadda dibadda.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliland Maxamed Cabdiraxmaan Xasan oo BBC Soomaali la hadlay ayaa iska fogeeyey gabi ahanba xogtaan sheegeysa in Somaaliland aqbashay qodobbo khatar ku ah amniga qaaradda, waxa uuna "dad raba inay Soomaaliland sumcadeeda hoos u dhigaan ayaa wada, arrintaas meel looga wada hadlay iyo cid isku soo hadal qaaday ma jirto dooddaasna ma taagna". Agaasimaha Waxa uu intaas ku daray sidoo kale, in aysan jirin arrin ku saabsan in Israa'iil saldhig Militari ka dhisan doonto deegaamadaas oo ay dooneyso in ay ka wareerto Xuutiyiinta Yaman, "arrintaasi lafteedu waa mid aan meesha ku jirin oo aan la isku soo hadal qaadin, sida aan filayo waa arrin la doonayo in lagu waxyeeleeyo damaashaadka iyo farxadda ictiraafka" ayuu yiri agaasime Cabdiraxmaan.
Dhanka Israa'iil

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Raysalwasaaraha Israa'iil Benjamiin Netenyahu oo xalay lagu waraystay telefishan laga leeyahay Maraykanka oo la yidhaahdo Newsmax ayaa bixiyay waraysi dhanacyo badan taabanaya oo ay kamid tahay aqoonsiga uu aqoonsaday Soomaaliland
Waxa uu sheegay in Israa'iil ay rasmi ah u aqoonsatay Soomaaliland, isagoo tallaabadan ku tilmaamay taageero uu u fidinayo 'dal Muslim ah oo dhexdhexaad ah, dimuqraadi ah' oo doonaya in uu xidhiidh dhow la yeesho Israa'iil, "Maxaa u taageeri weynay dal dimuqraadi ah, dad Muslim, oo casri ah oo rabaan in ay ku biiraan heshiisyada Abraham?,Waxaan u maleynayaa in qof walba uu sidaas sameyn lahaa. Annaga ayaan noqonannay kuwii ugu horreeyay," ayaa uu yidhi Raysalwsaaraha Israa'iil.
Waraysigan gaarka ah, waxa uu Netanyahu ku sheegay in hoggaaminta iyo nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliland ka jira uu ka duwan yahay waxa ka socda Soomaaliya inteeda kale oo uu ku sifeeyay mid aan xasilloonayn oo ay ka jiraan argagixiso.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar uu ka hadlayey shirkii jiraa'id ee shalay wada qabteyn isaga iyo madaxweynaha Turkiga Rejab Dayib Ordogaan ku cambareeyo ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, isagoo ku eedeeyey duullaan uu ku soo qaaday madax banaanida Soomaaliya".













