Saalax ma qaadi doonaa koobka AFCON ayadoo Morocco ay isha ku hayso sharaf ay dalkeeda u soo jiiddo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kadib dood adag oo ku saabsan helitaanka ciyaartoyga iyo waqtiga tartankan ayaa waxay diiraddu u wareegtay garoonka iyadoo mar kale bartamaha xilli ciyaareedyada yurub uu ka furmi doono dalka Morocco koobka qaramada Afrika.
Marka la eego, labada qodob ee ugu muhiimsan ee ka horreeya finalka 2025, ayaa ah in xulka martigelinaya tartankan uu sii dheeraysan karo rikoorka adduunka ee 18 guul oo xiriir ah, isla markaana uu qaadi karo koob labaad, iyo haddii Mohamed Salah uu ugu dambeyntii koobka la qaadi doono Masar.
Mustaqbalka 33-sano jirkaan u cayaara Liverpool waxa uu ahaa mid qabsaday ciwaannada tan iyo markii uu sheegay 6-dii Disembar in kooxda ay "ku soo tuureen baska hoostiisa".
Ka dib markii uu ka soo laabtay kursiga keydka ee Anfield Sabtidii hore, Salah wuxuu hadda diiradda saari doonaa isku daygiisii shanaad ee uu ku hanan karo abaalmarinta ugu weyn qaaradda - gaar ahaan ka dib laba guuldarro oo hore oo uu ka soo gaaray finalka.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laakin in xooga la saaro laba mawduuc kaliya cadaalad uma samaynayso, tartan gaar ah oo lagu gartana lama saadaalin karo.
Ivory Coast ayaa guulo cajiib ah garoonkeeda ku gaartay bishii February ee sanadkii hore, shaqada ka cayriyeen tababarahoodii intii lagu jiray wareega Group-yada, halka Senegal qaab ciyaareedka fiican ay ku soo bandhigtay guushii ay ka gaareen England bishii June.
Dhanka kale, Nigeria waxay hiigsaneysaa inay gaarto guul ka wanaagsan finalka 2023-ka, laakiin kooxaha kale ee culus sida Cameroon ayaa u muuqda, marka dibadda laga fiiriyo, inay ku jiraan xaalad jahawareer leh - iyadoo labada dal ay raadinayaan inay isa saxaan ka dib markii ay seegeen Koobka Adduunka 2026 ee Fifa.
Iyadoo toddobo guuleyste oo kala duwan ay ka heleen siddeedii koob ee la soo dhaafay, Morocco 2025 waxaa hubaal ah inay noqon doonto daawasho soo jiidasho leh.
"Aad bay u adag tahay in lagu guuleysto Koobka Qaramada Afrika, dadku aad bay noo jecel yihiin, laakiin haddii aad ku guulaysato weligood kuma ilaawi doonaan," Sofyan Amrabat oo khadka dhexe uga ciyaara Morocco ayaa u sheegay BBC World Service.













