Tirada dadka Canada oo sii yaraaneysa iyo shuruucda socdaalka oo la debcinayo

Xigashada Sawirka, Toronto Star via Getty Images
Tirakoobka dadka ku nool Kanada ayaa lagu dhawaaqay in ay hoos u dhaceen 76,068 qof rubuci saddexaad ee sanadkan, taas oo ay ugu wacan tahay xannibaadaha socdaalka.
Canada ayaa Arbacadii 17-kii Diseembar shaaca ka qaadday in hoos u dhaca dadka ay sabab u tahay tirada dadka aan ahayn deganayaasha rasmiga ah oo yaraatay, waxayna timid ka dib markii dowladda Kanada ay sheegtay inay qorsheyneyso inay hoos u dhigto tirada dadka aan joogtada ahayn ee dalka oo laga dhigo boqolkiiba shan 2027 dadka Kanada. Dadka Kanada ayaa ah ilaa 41.652 milyan.
Tani waa isbeddel weyn laga soo bilaabo 2022, markii dadka Kanada ay kordheen in ka badan hal milyan markii ugu horeysay, qayb ahaan waxaa sabab u ah dadaallada dowladda ee soo jiidashada soo galooti badan si loo yareeyo shaqo yaraanta.
"Waxaan u baahannahay inaan soo galootiga dalkeena gaarsiinno heer waara," ayuu yiri wasiirka maaliyadda Canada, Francois-Philippe Champagne oo saxaafadda la hadlay.
Mr. Champagne oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka xili uu safar ku marayay qaarada Yurub ayaa sheegay in hadafka dowlada Canada uu yahay in ay dib ula wareegto nidaamka socdaalka iyo in la abuuro isku dheelitirnaan wanaagsan oo u dhaxeeysa awooda qaabilaada muhaajiriinta iyo tirada dadka doonaya in ay yimaadaan dalkan.
"Tani waxay ahayd hoos u dhacii ugu balaarnaa tan iyo 1940-kii, waana markii labaad ee saddex bilood oo isku xigta ay dadka Kanada hoos u dhacaan," ayuu yiri Robert Kavcic, oo ah madaxa dhaqaalaha ee Bank of Montreal.
"Isku-habaynta weyn ee tirakoobka ayaa socota, taas oo weli ah mid ka mid ah arrimaha dhaqaalaha ugu weyn ee Kanada maanta," ayuu yidhi khabiirku.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Kanada Justin Trudeau ayaa hirgaliyay dadaallo lagu soo jiidanayay muhaajiriin badan, oo uu ku jiro qorshe lagu soo dhaweynayo nus milyan muhaajiriin ah sanadkaan.
Marka loo eego tirakoobka rasmiga ah, sannadka 2023, qeyb weyn oo ka mid ah kobaca dadweynaha Kanada oo ah qiyaastii 97 boqolkiiba, waxaa sabab u ah kororka tirada dadka soo galootiga ah.
Laakiin kororka tirada dadka ku cusub dalkaas ayaa lagu dhaleeceeyay cadaadiska uu saaray qarashka guryaha, adeegyada bulshada iyo heerka shaqo la'aanta dhalinyarada.
Deyrtii hore, bilihii ugu dambeeyay ee xilka ra'iisul wasaaraha ayaa Mr. Trudeau wuxuu ku dhawaaqay hoos u dhac aad u weyn oo ah tirada muhaajiriinta uu dalkiisu aqbalayo sannadka xiga.

Xigashada Sawirka, CityNews Image
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Go'aankiisa ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda dawladda Kanada, isaga oo dhimay tirada lagu dhawaaqay ee 500,000 oo muhaajiriin ah oo Kanada ay ahayd inay aqbasho 2025 ilaa 395,000, hoos u dhac 21% ah.
Ra'iisul wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa isna ku sii socday si la mid ah, iyadoo Ottawa ay raadineyso inay si weyn hoos ugu dhigto tirada soo galootiga cusub ee 673,650 ilaa 385,000 sanadka soo socda iyo 370,000 ee 2027 iyo 2028.
Marka loo eego warbixin horudhac ah oo ka soo baxday Statistics Canada oo la sii daayay Arbacadii, dadka waddanku waxay hoos u dhaceen toban meelood oo laba meelood boqolkiiba qaybtii saddexaad ee sanadkan, tan iyo hoos u dhacii ugu horreeyay tan iyo xilligii cudurka Coronavirus 2020.
Tiradan ayaa ka dhalatay hoos u dhac lama filaan ah oo ku yimid dadka aan joogtada ahayn, gaar ahaan ardayda ajnabiga ah, iyo sidoo kale shaqaalaha ajnabiga ah ee ku meel gaarka ah rubuci saddexaad ee 2025, taasoo ah hoos u dhaca tirada dadka ee ugu badan ee la arkay tan iyo markii la bilaabay diiwaan gelinta tirakoobka 1971.
Bishii Oktoobar ee sanadkan, in ka badan 2.8 milyan oo aan degenayn ayaa ku noolaa Kanada, taas oo ah 6.8% wadarta dadweynaha dalka.
Gobollada Ontario iyo British Columbia waxay la kulmeen hoos u dhacii ugu badnaa. Kaliya Alberta iyo dhulka Nunavut ayaa dareemay tirada dadka oo korortay.
Sannadkii hore, markii ugu horreysay, inta badan dadka reer Kanada, oo muddo dheer soo dhawaynayay dadka cusub, waxay bilaabeen inay su'aalaan sida ay u maamuli karaan magaalooyinkooda.













